|
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
WARARKA RADIO
XORIYO
|
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Wararka Ogaadeenya
Warkii Radio Xoriyo
06 Aug, 2002
Warka Madaxdiisii
ˇ CWXO oo ku Jabiyey CGI degaaladdii ugu danbeeyey ee dhexaray
ˇ CCGI oo Bahalnimo kula Kacay Shacbiga Ogaadeenya
ˇ Itoobiya oo Ka Mamnuucday Shilinka Soomaaliga in lagu Isticmaalo Dh/buur
Warkii oo Faahfaahsan
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama CWXO ayaa inoo soo diray degaalo
dhex maray iyaga iyo CGI kuwaas oo ka dhacay Goobahan
20 July 2002 Saxan Waranleey oo ka tirsan Gobalka Qoraxey Degaal ka dhacay
waxaa CGI lagaga dilay 13 Askari, oo uu ka mid ahaa Sargaal 2-Xidigle
ah.Waxaana lagu dhaawacay tiro kale oo intay la ég tahay aan la xaqiijinin.
28 July 2002 Waran Dhaab oo iyana ka tirsan Gobalka Qoraxey Degaal kale oo
ka dhacay waxaa lagu dily 5 askari,waxaana lagu dhaawacay 10 kale.
Isu geyn waxaa degaaladaas lagu dilay 18 askari, oo ka mid ahaa CCGI, iyadoo
lagu dhaawacay 10 kale.Waxaana degaaladaas lagu furtay Hub iyo Saanad kale.
Ibraahin Jeefad
Radio Xoriyo
Xarunta Dhexe ee Jwxo, Ogaadeenya
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo waranta Arimaha Bulshada Maryama Ruun
Liibaan ayaa inoo soo sheegtay Xad Gudub ka dhan ah Shacbiga Ogaadeenya ooy
ku kaceen Ciidanka Hororka ah ee Gumeysiga Itoobiya kaas oo waayadan danbe
ku sii badanayey Meelahan
30 July 2002 si ay Jabka ka soo gaadhay Degaaladii ay LabadaMaalmood ka hor
la galeen CWXO oo lagu jabiyey ayey ku Gadoodeen dadkan aan waxba Galabsanin
ee Degenaa Waran Dhaab oo ka tisan Gobalka Qoraxey kuwaas oo xabsiga loo
taxaabay isla markiina lagu bilaabay Jidh Dil iyo Qiqaabaha kale eey Caanka
ku yihiin waxayna dadku kala yihiin
1. Nuur Barre
2. Hussein Muhumed
3. Mohamed Hareed
4. Iyo kuwo kale ooyna noo saamixin in aan Magacyadooda helo.Dedkaas waxaa
kiiba lagu ganaaxay 500 Birr oo lagacta Itoobiya ah taas ooyna heliba karin.
30 July 2002 Waxaa Deegaankii ay degenaayiin oo ahaa Riiga Galadeedeed oo ka
tirsan Waran Dhaablaga raray Beelihii halkaas ku noolaa, kuwaas oo loo raray
Deegaal kale oon ku haboonaynin Nolashooda siiba Daaqsinta Duunyada si loo
Ilaaliyo ooyna ooga fogaanin Gacanta Gumeysiga Itoobiya.
15-30 July 2002 waxaa Degmada Qabri-dahare oo ah Magaalo Madaxda Gobalka
Qoraxey lagu xidh xidhay dad aad u fara badan kuwaas oo u badan Dumar looc
walba leh oon Magacyadooda ka helnay dadkan
1. Xabsa Macalin Cali, oo la dhalatay Khadar Macalin Cali oo ahaa Madaxa
Maamulka Gumeysigu ka samaystay Ogaadeenya
2. Nuura Mohamed Hussein Aar
3. Samsam Hussein Kaahin
4. Dawlo Mohamed Sheekh Suubane
5. Xubi Haybe
6. Nasro Cumar Cawl
7. Ruqiyo Cumar Jeele
8. Foosiyo Mohamed Mursal
9. Dayr Abdi Daahir
10. Ahmed Abdi Omas, Ahmed Barre loo yaqaan
11. Bashiir Sheekh Faarax
12. Mohamed Qaybdiid Warfaa
13. Abdi Gacan Dhag Libaax
14. Diiriye Abdi Gaab
15. Iyo kuwo kale oonaan magacyadooda helin
Dabayaaqadii Sanadkii hore ayaa dad aad u fara badan oo isugu Jira Haween
iyo Ragba lagu xidhay Qabri-dahare kuwaas oo aakhirkii loo soo wareejiyey
Magaalada Jig-Jiga in lagu saaro Maxkamad Gaar ah oo uu Gumeysiga Itoobiya
halkaas ka samaystay taas oo adeegsata Sharciyo lagu soo sameeyey Adis-Ababa
si loogu Bahdilo Shacbiga Ogaadeenya ee lagaga shakiyo in ay taageersan
yihiin Halgankooda.
Dadkaas oo markii Qabri-dahare lagu kala Hufay aakhirkii 20 Gabdhood iyo 23
Nin ka kaabnaa waxaa qaar ka mida la sii daayey markii la aaqibo
tiray.Waxaana Xidhaygan hada ka dhacay Qaraxey uu muujinayaa in Booska loo
kala badalayo uun.
Dadka la sii daayey oo Ciqaabaha korkooda ku yaala ay yihiin kuwo aan
Caalamka lagu arag waxay CCGI wali wadaan Bahalnimaddii ay Shacabka kula
dhaqmayeen in kastooy bilaabatay Jaleecmadii Dulmiga Gumeysiga Itoobiya ee
Beesha Caalamku ooy Horumuud u yihiin Midowga Yurub.
31 July 2002 wuxuu CCGI ka mamnuucay in la isticmaalo Lacagta Shilin
Soomaaliga oo ahayd mida kaliya ee Ogaadeenya ay dadku wax ku kala gadan
jireen.Lacagtaas ayaa ruuxii lagu arko u keenaysa in lagala wareego iyo in
Ganaax kale uu ku mutaysto.
Adeegsiga Shilin Soomaaliga ee Ogaadeenya ayaa ahayd mid dhibaato gaar ah ku
haysa Gumeysiga Itoobiya taas oo ka dhigaysay in Ganacsiga Dhaqaalaha ee
Shacbiga Dulmani uu ka madax banaanaado Itoobiya iyo Saameynteeda,Waxayna
talaabadani tahay mid ku soo socota dhamaan Ogaadeenya oo hada Dh/buur uun
lagu bilaabay in ay ka hir gali karto iyo in kale.
Maryamay Ruun Liibaan
Radio Xoriyo, Qoraxey
Ogaadeenya
Tacsi
Madaxweynaha Jwxo,Adm.Mohamed Omer Osman iyo Xoghayaha Guud Mudane Mohamed
Ismail Omer, iyagoo ku hadlaya Magaca Shacbiga Ogaadeenya, Golaha Dhexe Jwxo,
Ka Gudida Fulinta Jwxo, ka Xubnaha Jwxo, waxay Tacsi u dirayaan Eheladdii
iyo Qaraabaddii uu ka Geeriyooday Allaha u Naxariistee Marxuum Maxamuud
Maalin Guur oo ku Geeriyooday Wadanka Isutaga Imaraadka Carabta 04 Aug, 2002
kuwaas oo uu oogu horeeyo Mudane Hanad Maalinguur oo ah Afhayeenka Jwxo.
Sidoo kale waxaa iyaguna Tacsi la mida mida sare noo soo diray Odayaasha iyo
Xubnaha Jwxo, ee Wadanka Maraykanka kuwaas oo kala ah
ˇ Mohamed Moalim Ibrahim (aburas)
ˇ Ahmed Moalim Daahir (Gentle man)
ˇ Abdi-aar Mohamed Hirmoge (Aarka- jaba jabka)
ˇ khalif Guure Mohamed
ˇ Abdi yonis Omar
ˇ Yususf Ahmed Yaasiin(Garaad)
ˇ sheikh siyaad Daraawish
ˇ sheikh Abdihakim Aw moalim
ˇ Mohamed Jama Abdiqadir - Qasim
ˇ Hassan Abdullahi Gedi:
ˇ Sh.Cabdinaasir Sh. Aadan.
ˇ Daahir Sh. Aadan.
ˇ Axmed Sh. Aadan.
ˇ Makhtal Daahir Sh. Aadan.
ˇ fatxi Daahir Sh. Aadan.
ˇ Asad Daahir Sh. Aadan.
ˇ Xuseen Daahir Sh. Aadan.
ˇ Liibaan Daahir Sh. Aadan., iyo dhammaan reer Sheekh Aadan.
Bahda Daadihisa Radio Xoriyona waxay Tacsi iyaguna u dirayaan Eheladdii uu
Ka Geeriyooday Marxuumku oo uu ugu horeeyo Hanad Mohamed Maalinguur.Waxay
dhamaan Xubnahani Eebe ooga baryayaan in uu Marxuuka Naxariistii Jano ka
waraabiyo,Eheladii uu ka tagayna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Taariikh Nolaleedkii Sh.Mohamed Maalingur
Sheekh Maxamuud Maalinguur waxuu ku dhashay agagaarka magaalada Degaxbuur
sanadka 1912.
Waxuu ka mid ahaa uluma diinka reer Ogaadeenya iyo Soomaaliyaba.
Intii uu noola waxuu kala qabtay xilal kala duwan oo dowli ah oo ay ka mid
yihiin
- Wasiirka Cadaalada Soomaaliya
-Wasiirka Danaha Soomaalida
-Xogayaha Guud ee Xisbiga S.Y.L.
-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Xisbiga S.Y.L.
-Xubin Barlamaanka Soomaliya laga soo doortay Afmadow
- Xubin Guddiga Fulinta iyo Golaha Dhexe Xisbiga S.Y.L.
Sheekh Maxamuud Maalingur waxuu ka tagay 13 caruur uu dhalay iyo 68 uu awoow
uu ahaa.
Dhagaystayaa Warkii Caawa waa naga intaas.
Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 06 July 2002
radioxoriyo@aol.com
Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli
kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30
Fiidnimo.
Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
August.6.2002
| July.30.2002
| July.26.2002
| July.23.2002
|
July.19.2002
| July.12.2002
| July.9.2002
| July.5.2002
| June.28.2002
| June.25.2002
| June.21.2002
|
June.18.2002
|
June.14.2002
| June.11.2002
| June.7.2002
| June.4.2002| May.31.2002 |
May.28.2002 |
May.24.2002 |
May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 |
May.10.2002 |
May.7.2002 |
May.3.2002 |
April.30.2002 |
April.26.2002 |
April.23.2002 |
April.19.2002 |
April.17.2002 |
April.12.2002 |
April.9.2002 |
April.5.2002 |
April.2.2002 |
March.29.2002 |
March.26.2002 |
March.22.2002 |
March.19.2002 |
March.12.2002 |
Febuary.26.2002 |
Febuary.19.2002 |
Febuary.15.2002 |
Febuary.12.2002 |
Febuary.8.2002 |
Febuary.5.2002 |
Febuary.1.2002 |
January.29.2002 |
January.25.2002 |
January.18.2002
|
January.15.2002
|
January.11.2002
| January.8.2002
| January.4.2002
| December.28.2001
| December.21.2001
| December.18.2001
| December.14.2001
| December.11.2001
| December.7.2001
| December.4.2001
| November.30.2001
| November.27.2001
| November.23.2001
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
TALO, TUSAALE IYO
SU'AAL KUSAABSAN QORAALADA SOMALITALK.COM WAXAA LAGALA SOO XIRIIRIKARAA
TIFATIRAHA GUUD EE
BOGGA [Editor-in-chief] OO
LAGA HELO http://www.somalitalk.com/feedback
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
Usheeg Asxaabtaada
| Talo Bixin
|
|
SAXAABADII RASUULKA |
BARO»
|
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka
GUJI
|
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
|
Barnaamijkii C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»
|
|
|