.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

XIGMADDA TODDOBAADKA
Wiil iyo Digaag
ALLAH MEEL KASTA OO AAD JOOGTID WAA KUU JEEDAA

Macallin ayaa wuxuu wax bari jirey arday badan oo wanaagsan, Waxaa ardayda ku jirey mid aad u wanaagsan oo macallinku uu si gooni ahu qadariyo kaas oo had iyo jeer fasalka soo xaadira.

Ardaydii qaar kamida ayaa macllinkii weydiiyey sababta uu, waa macallinka e, u jecelyahay ardaygaas, waxaana uu ku yiri "Waxaan sababata idiin sheegi doonaa berrito".

Maalintii xigtey wuxuu macallinkii arday walba u dhiibey digaag nool. Wuxuuna weydiistey in ay in ay digaaga geeyaan meel aan cidna uga jeedin oo markaas ay kusoo qowracaan. Cabbaar kabacdi waxay soo laabteen iyagoo digagii soo qalay. Laakiin ardaygii uu macallinku qadarinjirey  wuxuu soo laabtay isagoo digaagii  oo Nool wata.

Macallinkii wuxuu weydiiyey sabata uu usoo qowrici waayey digaagiisa. Wuxuu ardaygii ku jawaabay "Waxaad i weydiisey in aan tago meel aan cidna iiga jeedin, waase igu adkaatay in aan helo meel cidla ah oo aan Allah awooda lehi iiga jeedin. Waan heli waayey taas. Meelkasta oo aan tago waxaan hubey in Allah iijeedo, oo aana Allah waxba ka qarin karin. Sidaas daraadeed ma raacikarin waxaad ii dirtay ama amarkaagii.

Markii uu macalinkii hadalkaas maqlay, wuxuu ku jeestay ardaydii kale isagoo sharaxaya sabata ardaygaan uu qadarinta usiiyo in ay tahay isagoo ardaygu had iyo jeer foojigan, ogna in Jiritaanka Allah, oo had iyo jeer u jeeda meelkasta oo wiilku joogoba, sidaas darteed wax dembi ah magalo.

Hadaba "Allah kabaq sidii adigoo u jeeda, waayo Allah ayaa kuujeeda haddaadan adigu u jeedin. Haddaad u malaysid in Allah uusan ku arkay, waxaad noqonaysaa mid kabaxa diinta. Haddiise aad aaminsantahay in Allah ku arko oo markaas aad dembigii gashid adigoo ah in Allah kuu jeedo, waxaad markaas  Allah  kalamid dhigtay mid kamida kuwa ugu hooseeya ee wax arka."

XIGMADII HORE: Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha

ISHA-XIGMADDAN: Khudbadii jimcada ee masjidka London, Canada.

February 1, 2002


Xadiis uu rasuulka kaweriyey Abu Musa, kuna sugan Bukhaari ayaa macnihiisu ahaa sidan:

Laba nin oo qabiilkayga kamida iyo aniga ayaa usoo galay rasuulka. Mid kamida labadii nin ayaa yiri, "Rasuulkii Allow! ii magacaw in aan noqdo guddoomiye gobol (gumarnatoore)". Ninkii kale sidaa oo kale ayuu yiri. Rasuulkii wuxuu yiri, "Uma dhiibno xukun kuwa weydiista, iyo kuwa jecel in ay helaan xukun toona."


Authority of Ruling
BUKHAARI: Volume 9, Book 89, Number 263
Narrated Abu Musa.

Two men from my tribe and I entered upon the Prophet. One of the two men said to the Prophet, "O Allah's Apostle! Appoint me as a governor," and so did the second. The Prophet said, "We do not assign the authority of ruling to those who ask for it, nor to those who are keen to have it."

More at: Previous Wisdoms


FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
BILICDA SOOMAALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Haldhaa / Goray
gorayo Waa haldhaa ama Goray dhex mushaaxaya dooga iyo Bilicda Soomaaliya oo nabada.
geel Eeg Sawirka oo weynn
Geela Soomaaliya wuxuu dhulka nabadda ah kusiyaadiyaa bilic, iaga oo weliba leh manaafacaad aad u farabadan.
ari Eeg Sawirka oo weynn
Ariga Soomaaliya: Caano, subag, lacag, bilic



Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety