.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

XIGMADDA TODDOBAADKA
somalia coopration
Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha

Wada-Shaqayntu waa shaqo loo wadaqabto wadajir oo loo wada shaqaynayo wanaag guud (caam ah). Taas oo qofwalba dhankiisa hawshii ku aadanayd si daacad ah u dhamaynayo.

Waxaa jira sheeko waayo waayo oo kusabsan nin da'aweyn oo sariir-yaal ah isagoo kujira maalmihii ugu dambaysay noloshiisa. Wuxuu u yeeray wiilashiisii, wuxuuna weydiiyey in ay jebiyaan xayn ulo ah oo isku xiran, inkasta oo wiilashii ay ahaayen kuwo xoog weyn hadana wey ku guuldaraysteen in ay jebiyaan.

Ninkii odayga ahaa wuxuu wiilashii kuyiri ulaha xariga kafura oo mid mid u jebiya, si sahala ayaa midkasta oo wiilasha kamid ahaa u jebinkaray markaan dambe.

Ulahaas isku-xiran oo aan lajebinkarin waa midaysnaata, taas oo aan la burburin karin. Sidaas ayaa wadajirku ku noqday quwad.

Maalin ayaa rasuulku (scw) safar lagalay saxaabadiisii. Meel dhexe ayey istaageen ama joogsadeedn si ay u nastaan waxna u cunaan. Waxay go'aansadeen in ay lax (Neef-ido-ah) qashaan oo soshaan.

Mid kamida ayaa yiri, "Aniga ayaa qowracaaya". Midkale ayaa yiri, "Aniga ayaa haraga kasiibaya". Midkale ayaa yiri, "Aniga ayaa solaya." Midkasta oo saxaabadii kamida wuxuu ku deeqay shaqo iskaa-wax-u-qabso ah.

Rasuulkii (scw) ayaa yiri, "Aniga ayaa soo ururinayaa soona qaadaya xaabada (qoryaha) wax lagu solayo."

Asxaabtii ayaa tir, "Rasuulkii Allow, ma ahan in aad waxba qabatid anaga ayaa waxkasta qabanayna".

Rasuulkii (scw) wuxuu yiri, "Waan ogahay in aa waxkasta qabankartaan. Laakiin anigu marabo si idinka idinka duwan la iila dhaqmo (ama la iitixgeliyo) . Allah majecla qofka gooni iskayeela saxaabadiisa ama dadka lajira (ama la socda)." Sidaas ayaa rasuulkii qoryihii kudoonay oo kukeenay si wax loogu wada solo.

Taasi waa tusaale kusaabsan wada-jirka iyo wada-shaqaynta oo wanaaga loo wada shaqeeyo oo uu dejiyey Rasuulku (nabad gelyo iyo naxariis Allah korkiisa ha yeelee). Haddaba aan kabarano tusaalahaas.

Allah ayaan u baryeynaa wada-jir walaalaha oo ay wanaaga guud ka wada shaqeeyaan.

ISHA-XIGMADDAN: Khudbadii jimcada ee masjidka London, Canada.

SOMALITALK.COM | Janaayo 28, 2002


Xadiis uu rasuulka kaweriyey Abu Musa, kuna sugan Bukhaari ayaa macnihiisu ahaa sidan:

Laba nin oo qabiilkayga kamida iyo aniga ayaa usoo galay rasuulka. Mid kamida labadii nin ayaa yiri, "Rasuulkii Allow! ii magacaw in aan noqdo guddoomiye gobol (gumarnatoore)". Ninkii kale sidaa oo kale ayuu yiri. Rasuulkii wuxuu yiri, "Uma dhiibno xukun kuwa weydiista, iyo kuwa jecel in ay helaan xukun toona."

Xigmadii Toddobaadkii hore


Authority of Ruling
BUKHAARI: Volume 9, Book 89, Number 263
Narrated Abu Musa.

Two men from my tribe and I entered upon the Prophet. One of the two men said to the Prophet, "O Allah's Apostle! Appoint me as a governor," and so did the second. The Prophet said, "We do not assign the authority of ruling to those who ask for it, nor to those who are keen to have it."

More at: Xigmadihii Hore


FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
BILICDA SOOMAALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Haldhaa / Goray
gorayo Waa haldhaa ama Goray dhex mushaaxaya dooga iyo Bilicda Soomaaliya oo nabada.
geel Eeg Sawirka oo weynn
Geela Soomaaliya wuxuu dhulka nabadda ah kusiyaadiyaa bilic, iaga oo weliba leh manaafacaad aad u farabadan.
ari Eeg Sawirka oo weynn
Ariga Soomaaliya: Caano, subag, lacag, bilic



Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety