Xuseen Caydiid ma Askari Mareykan mise Hogaamiye Soomaaliyeed?
W.Q. Mohamud Yusuf Garre
yusuf22@lycos.com
Janaayo 29, 2002
Xuseen Caydiid
|
Markaad maqasho magaca “Caydiid” waxaa markaba maskaxdaada kusoo dhacaya
Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, gudoomiyihii geeriyooday ee ururka USC/SNA.
Balse qoraalkanu waa mid lagaga hadlayo wiil uu dhalay jeneraalku.
Xuseen Maxamed Faarax Caydiid waa 39 sano jir ku barbaaray gobolka California ee
cariga Mareykanka. Wuxuu ku biiray kana tirsanaa ciidanka Mareykanka qeybta loo
yaqaan Marineska. Xuseen wuxuu kamid ahaa ciidamadii Mareykanka ee soo galay
Soomaaliya sanadkii 1992 si ay wax uga qabtaan gaajadii ba’neyd ee ka jirtay
gobolada Bay iyo Bakool iyo guud ahaan Soomaaliya.
Saraakiishii ciidamada Mareykanka ayaa Xuseen u magacaabay inuu noqdo
xiriiriyaha ciidamada Mareykanka iyo Jeneraal Caydiid, aabihiis oo xiligaa awood
aad u weyn ku lahaa Muqdisho. Xuseen ayaa ku guul dareystay inuu wax ka qabto
khilaafkii u dhexeeyey aabihiis iyo ciidamadii uu ka tirsanaa ee Mareykanka
taasoo sababtay dhimashadii 18 askari Mareykan ah iyo in ka badan 5000 Soomaali
ah una badnaa dumar iyo caruur. Xuseen ayaa dib loogu cesho California.
Xuseen wuxuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho bishii August 1995 si uu uga
qeyb qaato dowlad aabihiis kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho bishii April
sanadkii 1995, dowladaasoo la magac baxday “Salbalaar”. Ku baaqidii dowladaas
ayaa sababay khilaaf weyn oo kala dhex galay Jeneraal Caydiid iyo Cusmaan Caato
oo ka mid ahaa hogaanka ururka USC/SNA, khilaafkaasoo keenay in ururku laba
garab u kala jabo, dagaalana ay dhex maraan.
July 25, 1996 ayuu Jeneraal Caydiid ku dhaawacmay dagaal uu kaga soo horjeeday
Cusmaan Caato, dhaawacaasoo sababay geeridii Jeneraalka bishii August 01keedii
1996.
Geeridii Jeneraal Caydiid kadib, hogaanka ururka USC/SNA ayaa shaaca ka qaaday
in Xuseen Caydiid loo doortay jagada Madaxweynaha dowlada “Salbalaar” iyo
gudoomiyaha USC/SNA. Waxaa jiray rag badan oo ku haboonaa qabashada jagooyinkaas
uu baneeyey Jeneraal Caydiid waxaana ragaas kamida ah xoghayaha guud ee ururka
USC/SNA Cabdikariim Axmed Cali iyo gudoomiyaha gudiga fulinta ee ururka Prof.
Ciise Maxamed Siyaad.
Magacaabida Xuseen Caydiid loo magacaabay jagooyinkaas waxaa ka dembeeyey rag ay
kamid ahaayeen Cabdiraxmaan Tuur, Jaamac Maxamed Qaalib iyo Axmed Cumar Jees,
waayo ma eysan haysan meel ay saldhig ka dhigtaan oo dhaafsiisan Muqdisho,
waxeyna dantoodu ku jirtay iney u sacabo tumaan Xuseen, sidaana ay ku sheegtaan
iney ka tirsan yihiin Dowlad Soomaaliyeed.
Waxey sidoo kale moodayeen in Maadaama Xuseen yahay muwaadin Mareykan ah, kana
tirsanaa ciidamada Mareykanka uu taageero iyo aqoonsi dowladnimo ka heli doono
maamulkii Bill Clinton (Madaxweynihii hore ee Mareykanka).
Wakiilka Xuseen Caydiid u fadhiyey Washington ayaa qoraal u diray wasaarada
arimaha debeda ee Mareykanka, wuxuu qoraalkaas ku sheegay in maamulka Xuseen
Caydiid yahay mid raacsan siyaasada Mareykanka, kana hor tegi doona mintidiinta
Islaamka ee ku xoogeysanayey Soomaaliya. Xuseen Caydiid ayaa moodayey in
Mareykanku ka welwelsanaa ururka Itixaad oo ku xoogeysanayey Soomaaliya, balse
waxey dhabtu aheyd in badi saraakiisha wasaarada arimaha debeda Mareykanka ee
xiligaas aaney weligood maqal urur la yiraahdo Al-itixaad oo ka jira Soomaaliya.
Xuseen ayaa sidoo kale u qoray Mareykanka in ururka USC/SSA ee uu hogaamiyo Cali
Mahdi iyo maxkamadaha Islaamiga ee ka jira Muqdisho ay hoos tagaan Sheekh Cali
Dheere, wuxuu kaloo Mareykanka u sheegay muhiimada in la bur buriyo ururka
Al-itixaad oo xiligaas awood ku lahaa gobolka gedo.
Ugu dambeyntii wuxuu Xuseen Caydiid si qarsoodi ah u saxiixay weerarkii Dowlada
Xabashidu ku qaaday gobolka Gedo kuna gumaaday maatidii deganeyd Luuq, Doolow
iyo Beled Xaawo.
Frank Crigler: Safiirkii Maraykanka ufadhiyey Soomaaliya (1987-90)
|
Frank Crigler oo ahaa safiirkii hore ee Mareykanka u fadhin jirey Soomaaliya
ayaa sida laweriyey waxaa lacag usoo bandhigay Xuseen Caydiid si uu olole uga bilaabo Washington,
ololahaasoo uu aqoonsi ugu raadinayo dowladii “Salbalaar”. Balse dadaalkaasoo
idil wuxuu noqday “hal bacaad lagu lisay” sababtoo ah Mareykanku wax cabsi ah
kama aaney qabin awood ururka Al-itixaad Soomaaliya ku yeesho, sidoo kale
maamulkii Calinton maba aanu dooneyn inuu malo magaca “Soomaaliya” maadaama ay
Soomaaliya aheyd jab siyaasadeed ee soo gaara Clinton kii ugu weynaa.
Sanadkii 1996 ayaa sarkaal ka tirsan wasaarada Difaaca ee mareykanka (Pentagon)
sheegay in aanu Xuseen Caydiid xaadirin tababaradii mileteri ee waajibka ku
ahaa laga soo bilaabo sanadkii 1994 sidaa daraadeedna ay u haystaan inuu baxsad
yahay. Balse Xuseen Caydiid wuxuu dhowaan u sheegay weriyeyaal Mareykan ah inuu
ruqso ka qaatay ciidankii uu ka tirsanaa.
Xuseen Caydiid wax fikrad ah kama haysan legdenkii siyaasadeed ee ka socday
Soomaaliya. Wuxuu ku barbaaray kuna noolaa wadanka Mareykanka. Weli ma aanu ku
lugeyn dariiqyada Muqdisho, mana uusan la sheekeysan shacabka caadiga ah ee reer
Muqdisho , mana garanayo qaab nololeedka shacabka reer Muqdisho. Xuseen Caydiid
weligiis ma booqan meelo dhaafsiisan Muqdisho iyo Baydhabo.
Maadaama uusan wax aqoon ah u laheyn siyaasada Soomaaliya, isha keliya ee uu wax
ka maqli jirey waxey aheyd aabihiis, geeridii Jeneraalka kadibna waxaa hagi
jirey la taliyeyaashii aabihiis, iminkana waxaa muuqata in qofka keliya ee haga
uu yahay ra’iisul wasaaraha Xabashida Melez Zenawi.
Sanadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa muuqday khilaaf u dhaxeeyey hogaanka ururka
USC/SNA iyo Xuseen Caydiid. Wafdi ay hogaaminayaan xoghayaha guud ee ururka
USC/SNA Cabdikariim Axmed Cali iyo Prof. Ciise Maxamed Siyaad ayaa ka qeyb galay
shirkii dhowaan ka dhacay dalka Kenya, ayna heshiis kula galeen DKMG, balse
Xuseen Caydiid wuu diiday inuu ka qeyb galo shirkaas ka dhacay Kenya.
Xuseen oo iminka u muuqda mid go’doon ka ah ururka uu hogaamiyo ee USC/SNA ayaa
ku sugan magaalada Adis Ababa ee cariga itoobiya, halkaasoo uu xarun ka
dhigtay, kana talo iyo tusaale qaato melez Zenawi. Xuseen ayaa u sheegay
weriyeyaal reer Galbeed ah inaanu ku noolaan Karin Muqdisho kadib markuu ka
baxsaday isku day dil in ka badan sadex jeer.
Bishii September 14keedii ayuu Xuseen Caydiid u diray qoraal dheer wasaarada
arimaha debeda ee Mareykanka, qoraalkaasoo uu ku sheegay wada shaqeyn ka
dhexeysa ururka Al-itixaad iyo Shirkada Al-barakaat iyo xiriir ay la leeyihiin
ururka Al-qaacida ee uu hogaamiyo Usaama bin Laadin.
Xadiis uu rasuulka kaweriyey Abu Musa, kuna sugan Bukhaari ayaa macnihiisu ahaa sidan:
Laba nin oo qabiilkayga kamida iyo aniga ayaa usoo galay rasuulka. Mid kamida labadii nin ayaa yiri, "Rasuulkii Allow! ii magacaw in aan noqdo guddoomiye gobol (gumarnatoore)". Ninkii kale sidaa oo kale ayuu yiri. Rasuulkii wuxuu yiri, "Uma dhiibno xukun kuwa weydiista, iyo kuwa jecel in ay helaan xukun toona."
Akhri
XIGMADDA MAANTA
|
Xuseen oo dhowaan u waramay saxaafada caalamka isagoo jooga magaalada Adis Ababa
ayaa sheegay inuu yahay muwaadin Mareykan ah, garanayana halka ay ku jirto danta
Mareykanku. Wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatooyinkii ka dhacay New
York iyo Washington “Shacabka Mareykanka dhib weyn ayaa kasoo gaaray weeraradii
argagixiso mana aqbaleyno inuu dhib kale gaaro” ayuu yiri Xuseen Caydiid oo
wareysi siiyey weriye ka socday Telefishinka FOXNEWS. “Mareykanku waa inuu
duqeeyaa Soomaaliya si aad u daran deg degna ah” ayuu raaciyey hadalkiisa.
Xuseen Caydiid waa nin ka xun dhibka gaaray Mareykanka isla markaana dalbaya
dhib gaara shacabka Soomaaliyeed. Weli lama maqal Xuseen caydiid oo ka hadlaya
dhibaatooyinka haysta umada Soomaaliyeed. Mar walba oo uu soo hadal qaado wuxuu
sheegaa iney lagama maarmaan tahay weerar mareykanku kusoo qaado shacabka
Soomaaliyeed.
Hadaba waxey ila tahay in Xuseen Caydiid yahay Askari Mareykan balse noqon kara
Muwaadin/Hogaamiye Soomaaliyeed hadii uu ka tanaasulo cadaawada uu u qabo bulsho
weynta Soomaaliyeed isla markaana wax ka bedelo siyaasadiisa lidiga ku ah
jiritaanka, horumarka, danaha iyo amaanka Umada Soomaaliyeed.
W.Q. Mohamud Yusuf Garre
yusuf22@lycos.com
RA'YIGAAGA QORAALKAN HALKAN TOOS UGU DHIIBO
AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid ugaara qoraaga kusaxiian, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk
SOMALITALK.COM | 2002