StarTribune oo Qortay in Marxuum Cali Warsame Ladiley
Sida uu maanta, Jan 9, 2002 qoray wargeyska StarTribune, marxuum Cali Warsame waxa uu u dhintay dhaawac kasoo gaarey weerar loogeystey awgeed.
Sida uu wargeysku qoray, Talaadadii ayaa madax kasocda cisbitaalka "Hennepin County" waxa uu sheegay in
weerar loogeystey [marxuumka] ay ahay sababta uguweyn ee uu u dhintay marxuumku, waxana uu caddeeyey in arintaasi ay tahay dil [a homicide].
Xafiiskaasi markii hore waxa uu sheegay in Marxuumku, [Cali Warsame Cali], dhimashadiisii October 23keedii 2001 ay ahayd dhimasho caadi ah [natural causes].
Garry Peterson, oo kasocda baarayaasha caafimaad ee cisbitaalkaas waxa uu sheegay
in Marxuumka dhimashadiisii ay ahayd mid cakiran, laakiin ayuu yiri "markaan dhammaan arimaha isu geyney waxaan garwaaqsanay in ay jirto caddayn waadax ah oo toos isugu xiriirineysa dhaawacii marxuumka iyo dhimashadiisii". waa sida wargeysku hadalka u dhigaye.
Wargeyska oo qoraalkiisa sii wata waxa uu qoray in Garry Peterson
"dadku ma garwaaqsana in qof weyn oo madaxa lagu dhifto isagoo taagan ay ahaan karto dhaawac dhimasho keena".
Soomaalida Minnesota iyo ehelka marxuumku waxay rumaysanyihiin in cadaawad kadhalay qoraal uu qoray Wargeyska StarTribune ay sabab u ahayd dhimashadii marxuumka.
Qoraalkaan oo faahfaahsan ka akhri cinwaanka hoose:
Somali man's death ruled a homicide
David Chanen, Startribune, Jan 9, 2002
QORAALADII HORE EE MARXUUMKA LAXIRIIREY
Qoyska Marxuum Cali Warsame Cali oo Kufaraxsan Baaritaanka FBI ay Dib u
Baareyso Dhimashadii Marxuumka
Qoraalkii AMY MAYRON | Pioneer Press | Minneapolis, MN, USA
Tarjumadii SomaliTalk | Nov 17, 2001 | Ramadan 2, 1422
English Version - Read here
Warar aan kasoo xiganey wargeyska Pioneer Press ee kasoo baxa Minnesota ayaa tibaxay in qoyska Soomaaliyeed ee uu kageeriyoodey Marxuum Cali Warsame Cali ay weli rumaysanyihiin in
geeridii marxuumka ay sababay dembi kadhashay nacayb ayna hadda ku faraxsanyihiin in FBI ay baareyso sidii uu marxuumku u geeriyoodey.
Marxuumka oo da'diisu ahayd 66 jir waxa uu dhintay 22kii Octobar, 2001, hal toddobaad kabacdi markii galab Axad ah lagahelay meel basaska lagaraaco ee Magaalada Minneapolis. Qoyskiisa iyo
jaaliyadda Soomaalida ee labada magaalo ee mataanaha ah [Minneapolis/St.Paul] waxa ay rumaysanyihiin in nin caddaan ah uu sooweeraray
marxuumka, tan oo ku xiriirsan nacabka kadhashay Sept. 11 xaalada shakiqabka ah
ee kuwajahan Muslimiinta.
FAAHFAAHIN WARKAAN AKHRI
MARXUUM: CALI WARSAME OO KUGEERIYOODEY MINNESOTA
Wararka ka imanaya Minnesota ayaa sheegaya in Marxuum: Cali Warsame oo ahaa oday Soomaaliyeed oo da'diisu tahay 66jir ayaa waxaa Arbaca 24 Octobar shaaca lagaqaaday in uu ku geeriyoodey Minneapolis.
GUJI HALKAN
Somalis, Muslims denounce Star Tribune story
Watch the Video - From WCCOTV
"Somali and Muslim leaders on Monday denounced as inaccurate and irresponsible a Star Tribune story saying federal investigators believe that some Twin Cities-area Somalis sent money to a group linked to Osama bin Laden." StarTribune [Minnesota]
>> Somalis say news story is behind attacks on them
>> Somali and Muslim leaders dispute a newspaper report
>> Meeting to address reports of attacks on Somalis
>> Somalis and Muslims Dispute Report of Local
>> Local Leaders Deny Fund-Raising Link
>> Area donors may have given to Somali terror group
Somalis are Americans
BY: Mohamed Jibrell - When we turned on the radio Monday morning, the first thing we heard was about local Somali contributions made to organizations that may or may not be associated with Osama bin Laden. There is clearly some serious anti-Somali sentiment being generated by the Oct. 14 article, "Terror group may have received local funds," and we cannot understand why
Shirkii-Jaraa'id ee Soomaalida Minnesota oo Qabsoomay
October 25, 2001-
Shirkii jaraa'id ee ay Soomaalida Minnesota ku qabteen magaalada Minneapolis (Oct 24, 2001) ayaa lasheegay in looga soo qayb galay si baaxad leh, waxaana lagu soo waramay in shirkaas ay kasoo qayb galeen dad buuxiyey golihii shirka loo qoondeeyey, taas oo lagu qiyaasay ilaa 600 qof.
GUJI HALKAN ama Akhri halkan
Updated:
Janaayo 9, 2002