.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

MINNESOTA: MASJIDKA ABUBAKAR AS-SADDIQUE

Warbixinta dhismaha masjidka Abubakar As-sadique Islamic Center Ee magaalada Minneapolis ee MN.

waxaan jecelahay inaad nala wadaagtaan warbixin yar oo kooban oo ku saabsan meesha uu marayo mushruucii waynaa ee dhismaha masaajidka aan kor ku xusnay.

Waxaa bilaabatay 1998 iyo waxii ka horeeyey fikrad ah inaan helo meel noo gaar ah oo aan ku ilaashano Diinteena iyo Dhaqankeena hadaan nahay Muslimiinta Soomaaliyeed ee dagan Minnesota maadaama aan nahay beel ama dagsiima aad u badan waxna qabsan kara.

Waxaa la bilaabay talaabadii ugu horaysay ee lacag ururintiisa bishii deceber sankii 1998 bishii ramadaan, waxaa markaa soo xerooday lacag gaaraysa ilaa $30,000. waqtigaa ilaa laga gaaro sanadkii 2000 waxaa soo xerooday ilaa $150,000, mashruucu wuxuu xiligaa ku socday si aan xoog badnay.

Waxaan badalay qaabkii hore oo wax u socdeen waxaana galinay dar dar cusub, walaalaha reer Minnesota-na aad bay noogu taageeraan; 0ctobar 2000 ayaan u furnay xafiis mashruuca xafiiskaas oo inta badan furnaa waxaan kaloo xoog saarnay inaan lacagyaw ururino qaabab kala duwan xilagaa laga bilaabo ilaa hada mashruucu wuxu ku socday xawaare, lacagtuna aad bay u socotay una soo xaroonaysay, waxaana iska leh libteeda ilaaha noo hirgaliyey kadibna bulsha waynta Soomaaliyeed ee reer Minnesota.

Waxaan idiin ku bishaaraynaynaa in hada mashruuca aan u hayno lacag dhan ilaa $740,323.11 maanta oo taariikhdu tahay 01-06-2002.

- Lacagtaan cida ay ka soo xarootay
 
waxay lacagyawagani kasoo xeroodeen badankoodu 90% dadka soomaaaliyeed ee ku nool magaaalooyinka Minneapolis iyo st.paul ee gobolka MN waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu guri janada uga dhiso.

- Qaababka ay u soo xeroodaan: [direct deposit] oo ah lacag dadka laga jaro akoonkooda [acc.], xaafadaha soomaaalidu degantahay oo bishii mar lacag laga soo ururiyo, taxi-layda oo iyana lacag bixiya iyo hab lacag-ururin guud [fundraising]  inta badan la sameeyo.

- Waxay kaloo lacagtu ka soo xerootay lacag-ururin [fundraising] loo aaday gobolo kale oo maryakan ku yaala oo isugu jira soomaali iyo muslimiin kale.

- Meelaha aan Raadinayno: waxaan booska ka raadinaynaa meel deegaanka dadka u dhaw islamarkaan leh meel gawaarida ladhigankaro ama barxad  [Parking] oo  fiican. Ilaa hada waxaan helnay dhul farabadan oo u dhaw meelaha aan raadinaynay laakiin waxaa cilad ku noqday barxad [Parking]  la`aan.

- Muxuu ka koobanyahay: wuxuu ka koobanyahy. Qol [Hool] wayn oo lagu tukado, meel wax lagu akhristo , meel school ah oo wax lagu baro dadka waawayn iyo dadka yaryar, meelmaydka lagu dhaqo, meel dumarka khaas u ah, meel jicicsiga loogutalagala ama jiim ah oo dhalinyaradu ku ciyaaraan.

- Xagee hada wax marayaan: hada waxaan helnay meel aad u wayn oo dadka u dhaw meeshaa waxaan rajaynaynaa inay noqoto meeshii aan raadinaynay lacagteedu waa ilaa $900,000.00 kun.

- Maxaan dadka uga baahanahay: waxaan ka codsanaynaa dhamaan musiliinta gaar ahaan soomaalida inay ka qayba qaataan mashruuca barakaysan ee laga wado halkaan. Waxaa nalakalasooo xiriiri karaa

Addres: 325 cedar Ave s #4
Minneapolis Mn,55454
Cell:612-990-2425
Off :612-436-0280
Fax:612-436-0259
Email: abubakars@tcinternet.net

Janaayo 6, 2002 , Minneapolis, MN, USA


FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Quraan
kitaab 114 Suuradod ee Qur'aanka Kariimka, (dhegeysi iyo arag) ka dhegeyso halkan
SHIRWEYNE SOMALIYEED
carlson
Shirweynihii Soomaaliyeed
ee Minnesota oo si xad-dhaaf ah Looga Soo qaybgalay
AKHRI.HALKAN
MASJIDKA KHALID
Masjidka Khaalid Bin-Waliid oo Diyaarinaya Safarka Xajka - 4-ta Febraayo illaa 4-ta Maarso, 2002
TORONTO, CANADA - Masaajidka Khaalid Bin Al-Waliid wuxuu muslimiinta W/Ameerika lasocodsiinayaa in uu qabanqaabinayo Safarka Xajka sanadkaan 1422/2002. Waa 28 bari oo safar ah, Qiimihuna waa $ 3,800 oo Kanadiyaan ah.
FAAHFAAHIN.GUJI
SAFAR SAMAFAL
Meelaha Mucaawanada loogusoo hagaajinkaro ubadka kudhibaataysan Soomaaliya GUJI.HALKAN
SIIRADII RASUULKA
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
SAKADA MAALKA
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 |
M U C J I S O O Y I N
mucjiso
NOLOSHII SAXAABADA

Dhalxata Binu Cubeydillahi
WQ: Ibrahim Salah Aden

SAKADA MAALKA
Kitaabu Zakaat
WQ. Maxamuud Ufayn
V I D E O
. The Miracles of the Qur'an
Islamcity
. An In-Depth Look at Islam
CNN
AfSoomaaliga oo qiil qiil kujira Guji...


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety