N E W S

| Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK.COM
Wararka Maanta
ISLAM Siiro Saxaabad Sako
QURAAN»  Xaafid Xaj Ciid.Adxa 
Qurbaha Students Guurka EAU
HTML TAARIIKH QUIZ SAMAFAL
. Kulankii Soomaalida London, Canada
. Macluumaadka Bilaha iyo Cimilada
XAYAYSIIS
Xawaaladda DALSAN ee dacalada Adduunka Dalsan
XAYAYSIIS
Xafiisyada KAAH EXPRESS ee daafaha dunida Kaah Express
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sacuudiga
Kulankii jaaliyada iyo Safaarada Soomaalida GUJI

Jaamacadda camuud ee Boorame
Warbixin kusaabsan Jaamacada Camuud GUJI
Jaamacada EAU ee Boosaaso
Warbixin kusaabsan Jaamacada Bariga Afrika GUJI
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruuca Masjidka Abuubakar ee Minneapolis, Minnesota, USA GUJI
Waa Maxay Screen Resolution
800x600 waa kan ugu badan oo la adeegsado, macneheed? si aad u ogaatid GUJI
MAQAAL: 4tii Maxamed

SOOMAALIDA SUDAN
Warixin kusaabsan Soomaali geeriyoodey Saxaraha u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya GUJI
MAALMO MUHIIM KU AH ISLAAMKA
ISREAL OO KU GUUL DARAYSATEY INAY GACANTA KU DHIGTO HOGAAMIYAHA FALASTIIN

Shacbiga reer Falastiin ayaa saakey ku waabeeriistey go’doon ay ugu jiraan ciidanka yahuuda oo uu hormuudka ka yahay Sharon.

Wasiirka arimaha dibadda ee Masar mudana Axmed Maahir ayaa shir jaraa’id ku sheegay in maamulka Isreal uu doonaya inuu xadgudubkiisa insaanimadda ka baxsan ku damiyo shamaca xoriyada, mana awoodi doonaan, sidoo kale hadii ay Isreal furto Albaabada Jahanamo iyada ayuunbaa noqonaysa cida ugu horeysa ee gasha, waxayna Dowladda Masaaridu ka digtay in la wax yeelo loo geysto hogaamiye Yaasir Carafaat iyo gooba barakeysan ee ku yaala Qudus.

Madaxa ka hortaga amaandarada ee Ramallaha mudane Maxamed Daxllaan ayaa ku nuuxnuuxsadey siday ay uga go’an tahay inay difaacaan sharafta iyo jiritaankooda isla markaasna waxuu ku cadeeyey wareysi uu siiyey taleefishinka al-jasiira in hogaaamiye Carafaat uu bad-qabo, niyadiisuna ay aad iyo aad u sareyso, waxaaana la soo xiriirey ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda ee Spain soona gaarsiiyey in midowga yurub uu diyaarinayo baaq lagu isticmaalayo lahjad kulul oo ay ka dalbayaan si sharuud la’aan ah inay Isreal isaga baxdo goobahay qabsatey.

Dhanka kale Amiir C/lle ayaa sheegay in uu xiriir la sammeeyey Washington loona balan qaadey amaanka mudane Carafaat, halka uu safiirka u fadhiya Falastiin Mosco uu sheegay in Ruushku ka dalbadey golaha amaanka kulan deg deg ah oo looga wada hadlo xaalka sii xumaanaya ee Bariga Dhexe, Mareykanku gaashaanka u daruuray, wax jawaab ah kama bixin mareykanku xaalada Bariga dhexe ilaa iyo hada madaxweyne Bush ayaa la sheegay inuu ku jiro beer uu ku leeyahay Taxes lana filayo inuu aqlka Cad ee looga arimiyo mareykanka ku soo laabto Axada soo socoto.

Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Dr. Saciid Ciise
Mush kiladda Soomaalida: Xagay Wax ka qaldan yihiin????
Siciid Cali Axmed
Argagixiso Iyo Islaam Meel Ma Wada Galaan!!!
Saciid Cali
Dagaalka Argagixisada Iyo Soomaaliya…….Faalo (2)
Saciid Cali
Aragagixisada Soomaaliyeed Waa kuwee Talow!!!
Saciid Cali
Shaashadaha caalamiga ah ayaa laga daawanayey taangiyada iyo gawiirada gaashaaman ee Isreal oo duqayn ba’an ku hayey xarunta hogaamiye Carafaat, waxaana lagu dhex daadiyey ciidamada kumaandooska ee Isreal si ay u soo qabtaan Carafaat, wayse ku guul dareysteen oo waxuu dagaalku hada ka socdaa xerada gudaheeda iyo dibaddeedaba.

Mar aan indha indhaynayey saxaafada carabta iyo sida ay ula socdaan dhacdadaan cusub baa waxaa iga yaabiyey inta badan waxay ula socdaan si aad ah walool ay jireen qaar ay heeso ka socdeen, kuwo cayaaro iyo aflaan taxane ah ka socdeen haba u badnaadeen taleefishinada Khaliijka.

Dadka ku xeel dheer arimaha bariga dhexe ayaa walaac ka muujiyey xasuuqa ay yahuudu ku haysa shacbiga dabran ee Falastiin iyo magannimadda hogaamiyaasha Carbeed ay maganta u yihiin Mareykanka oo ilaa iyo hada war cad laga hayn oo ay ka war dhowrayaan in Mareykanku u yeeriyo waxii ay ka yeeli lahaayeen xadgudubka yahuuda. Shaarica wadamada Carabta oo si aad ah u kacsan kana murugoonaya dhibta heysata walaalahood Falastiin kuna muujiyey dareenkooda dibadbaxyo aad iyo aad u balaaran oo ay ka dhigeen wadamadooda, ayaa dadka siyaasada faaleeya arkaan farqiga u dhaxeeya madaxda Carabta iyo shacbigooda oo laga yaabo inuu khalkhal weyn galiyo amaanka gobbolka oo dhan.

Isweydiintu waxay tahay madaxda Carabtu si sax ah ma u akhrin doonaan dareenka iyo rabitaanka shacuubtooda, mase dhici kartaa in dagaalkaan noqdo kii ay Falastiiniyiintu ku heli lahaayeen xaquuqdooda oo dhameystirin, Mareykankuse maku guulaysan doonaa xasuuqa falastiiniyiintu inay u noqoto kaar uu taageero uga helo wadamada carabta si uu u weeraro Ciraaq ?

C/xakiim Axmed Guled
Stockholm, Sweden
guledhakim@yahoo.com

###

AFEEF: Aragtida qoraalka waa mid u gaara qoraaga kusaxiixan.


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
.


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety