S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
SUNTA iyo QASHINKA
MaOgtahay khatarta ay keenikarto sunta lasheegay in Soomaaliya lagu aasay. Akhri
warbixintii Shakiib
MUSLIMIINTA DENMARK
Muslimiinta Denmark oo loo ogolaaday in ay yeeshaan dhul u gooni ah Qubuuraha Muslimiinta.
Akhri qoraalkii IbrahimSalah
DARAASAD
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka. Akhri
Qoraalkii Caddaawe
UBADKA QURBAHA
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji halkan
MAPS
Somalia claims sovereignty over Ogaden, an ethnically Somali region of far eastern Ethiopia. In 1977 Somalia invaded Ogaden in an attempt to annex it, but Somali forces were defeated by the Ethiopian army in 1978. Ethiopia and Somalia signed a peace accord in 1988 but Somalia did not renounce its claim to the region.

Quote from Encarta Online

KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
QALCADDA MOMBASSA qalcad Sawirkaan wuxuu muujinayaa Qalcadda hadda lagumagcaabo Qalcadii Ciise, tan oo sida taariikhda hoose muujineyso in badan gacanta ugu jerey Islaamka

Qalcaddani waxa ay kutaalaa magaalada Mombasa, Kenya, marka aad gudeheeda gashid waxaad ku arkaysaa ayaado Qur'aan ah oo kuqoran qaybkamida albaabada qalcadda iyo qayb kamida qaariyadaha kore ee saqafka kor u haya. Waxaadna ku arkaysaa aayadaha ay kamid yihiin "INAA FATAXNAA LAKA FATXAN MUBIIN"
By: SomaliTalk Team


Fort of Mombasa History

  • 1498 Portuguese reach Mombasa, but sail on to Malindi.
  • 1589 Turks build a small fort at Mombasa
  • 1593 Portuguese pull out of Malindi, begin to build Fort in Mombasa
  • 1631 Sultan of Mombasa stabs Portuguese captain, takes over Fort
  • 1632 Unsuccessful attemps by Portuguese to retake Fort.
  • 1632 Sultan's nerve fails; he quits, Portuguese reoccupy.
  • 1661 Sultan of Oman sacks Mombasa, but fears to attack Fort
  • 1696 Sultan of Oman lays siege to Fort
  • 1697 Portuguese in Fort dying from starvationmand plague
  • 1698 Fort falls to Omani Arabs after 23/4 years seige
  • 1728 Garrison mutinies against Arabs; Portuguese reoccupy
  • 1729 Omani Arabs retake Fort; Portuguese leave for good
  • 1741 Omani governor of Fort, al-Mazrui, declares independence
  • 1746 Al-Mazrui murdered by Omanis; his brother kills assassins, becomes governor
  • 1824 Al-Mazrui governor seeks and gets British protection
  • 1826 British protection withdrawn
  • 1828 Sultan of Oman & Zanzibar (Sayyid Said) regains Fort
  • 1829 Al-Mazrui forces starve out Suldan,s garrison
  • 1833 Al-Mazrui forces in Fort withstand bombardment by Sultan
  • 1837 The last Al-Mazrui governor submits to Sultan
  • 1875 Fort bombardedby British ships to quell mutiny by al-Akida
  • 1895-1958 Fort used as government prison

Source: National Museums of Kenya [publication]

Warbixin Soomaalida Suudaan

SOOMAALI TAHRIIB AH OO KU GEERIYOODEEN SAXARAHA U DHAXEEYA LIIBIYA IYO SUUDAN

 
maxamed amiin sh.cismaan
khartoum sudan 

 

waxaa dhawaanahan  danbe si aad ah u imanayay wadankan sudan  dad soomaaliyeed oo tahriib ah  oo ku siijeeda wadanka liibiya si ay halkaas uga sii baxaan wadamada yurub ama ay ugahelaan shaqooyin wax tar uleh oo ay ku qancaan ,taasi oo keentay in dad farabadan oo soomaali ah dhibaati kasoo gaartay tahribkaani iyada oo qarkoodna dhinteen qaar kalena ay yaalaan xabsiyada wadankaan sudan, kadib heshiis dhex maray labada wadan ee liibiya iyo sudan,.

Heshiiskaas oo keenaya in sudan eey xuduudeeda kaxirto  dadka sida sharci darada ah ugu soo qulqulaya wadankaas (liibiya) iyada oo liibiya dhankeedana eey taageertay ciidamad suudaan oo ilaaliya xuduudaha  labada  wadan iyada oo la sheegay in eey siisay qalab iskuugu jira  baabuur iyo kaalma kale oo ciidan. Taasina eey sababtay in soomaali farabadan lagu soo qabqabto saxaraha iyaga oo u sii tahriibaya wadanka liibiya oo iskuugu jira rag iyo dumar  laguna xakumay xabsiyo  ilaa sedax bil ah kadibna lagu soo daaya damiin oo aay damiinten madaxda jaaliyada soomaaliyed ee suudaan oo mar dhaw boorka laga jafay  sida uu ii sheegay gudoomiyaha jaaliyada somaliyee ee sudan c/qaadir xaashi jimcaale, iyada oo lagu amray in waqti xadidan dadkaasi si sharci ah ay uga baxaan wadanka sudan halka eeyqaarkalena wali eey ku jiraan jeelasha wadankaan sudan, waxa uuna ii sheegay guudoomiye xaashi in ay  dadaal ugu jiraan sidii ay usii daylahaayeen qaar ka kale oo  kuharay xabsiyada wadankan sudan maalmaha fooda inagu so haya.

 waxa kale jirtay in kooxdii ugu dambeysay tahriibka somalida oo baxday bartamaha bishii 1aad (January) oo iyagu  tageen xuduuda sudan eey la leedahay wadanka liibiya magaalda layiraahdoTIINA halkaas oo ay suudaaniyiin muqalasiin ah oo  ka shaqaysta arimaha tahriibka ay ka qaadayeen dad farabadn oo  iskuugu jira somali sudan iyo iyo ithobiya oo gabigood ku sii jeeda liibiya ayna usoo kireyeen labagaari oo xamuul ah iyo gaari yar oo siibla ah ,  laakiin nasiib daro waxa dhacday in dhibaata ba' an ay soo gaarto qaar katirsan dadkii tahriiibaay oo iskuugu jiray somali iyo sudan sida uu ii sheegay wiil layiraahdo maxamed axmed cumar(maxmed dheere)oo kamid ahaa dadkii tahriibka ahaa oo baabuurtaas raacay oo gaarigiisii uu dhex kujabay ayna ku dhinteen dad farabadan oo 4 kamid ahi eey yihiin soomaali.

Mar aan wax kaweeydiiyay sida uu shilku udhacay waxa uu iigu jawaabay "waxa aan ahayn ilaa sedax baabuur oo kala ah mid kuwa yar yarka ah  oo nooca siiblaha loo yaqaano ah iyo laba gaari oo xamuul ah oo midkiiba saaraayeen dad kabadan laba boqol(200)oo qof.."

Mar aan wax kaweeydiiyay soomaalida tiradooda waxa uu ii sheegay in eey ahaayeen 32ruux oo  6 kamid ah haween tahay waxa uuna ii sheegay in 4 kamid ah haweenkii iyo laba wiil ay raaceen gaarigii yaraa halka 14 kalena  eey saaraayeen gaari xamuul ah waana labada gaari oo badbaadeen, .halka gaariga kale oo aan saaraay oo jabay ay saaraayeen 12 ruux ayuu yiri waa soomaalide.

 

Mar aan waydiiyay sida ay dadku ku dhinteen waxa uu ii sheegay in gaarigu uu kajabay 6/2/2002 waxa eeyna dulfadhiyeen ila 6 maalmood  kadib ayaan bilaawnay in aan socono ayuu yiri kadib markii ay inoo soo  noqon wayeen gawaaridi kale oo aan kasugaynay spare parts kii aan ubaahnay ; waxa aana ka fogayn ayuu yiri xuduuda liibiya magaalada layiraahdo KUFRAH ilaa 500klm,  taasina waxa aay keentay in dadkii ay dhex kuwada dhacaan ilaa aan helnay ayuu yiri geeleey suuudaaniyiin  ah oo iyagu inoo gurmadeen markii ay arkeen in dhibaato inahayso oo aan xitaa kala dhunay oo qayb waliba  xitaa ay soo aruuriyeen dadkii ku lumay soonahaas   ilaa waxii dhintay ma ahane; ayna  inagu soo qaadeen ilaa 76awr waa inteene noolayd ayuu yiri  waxa ayna ina haayeen ilaa 5 maalmood kabacdina ay dawlada gaarsiiyeen oo ay inoo soo dirtay helikobtar sida dawo iyo raashin iyo biyo, kadibna waxa inala keenay magala kale o kutaal xaduuda oo inagula daaweeynayay nagulana quudinayay ayuu yiri maadaama uu xitaa safarku ina dhibayay oo aanan kabixi karin gaariga ayuuyiri.nafaqa daro daradeed.

 

Mar aan wax kawaydiiyay tirada halkaasi ku dhimatay wax uu igu yiraahday waxaa halkaas ku dhintay inkabadan 30 ruux oo  suudaan ubadan oo ay 4 kamid ahina ay ahaayeen soomaali oo aan wada soconay waxa ayna kala yihiin

1-ciise cali xaayoow
2-c/raxmaan max'ud diiriye
3-c/naasir gaambax faarax
4-max'ed sh. cali

Dadkaas dhamaantoood oo aan rafiiq ahayn way wada dhinteen ayuu yire  waxa ayna u dhinteen haraad iyo gaajo, inteenii kalene waxa lakeenay cisbitaalo ku yaal gobolka waqooyiga daarfoor caasimadiisa  faashir oo ay dawladu aad inoogi dadaashay ayuu yiri maxaa yeelay waxaa inaga dhamaaday nafaqadii oo cagabararkii ayaa nahayay  ayuu yiraahday maanta oo ah 15/3/2002 ayaan nimaaaday khartoum iyada oo mudo ay dawladu ina daawaynaysay wax inagula xakumayna majirto oo ganaax ah ayuu yiraahday. oo waa laiska keen fasaxay.

 

waxa kale oo jirta in laba nin oo soomali ah oo iyana laguxiray kadib shilkaas iyaga oo joogaa xudaad labada dal ayna ciidamada bolisku qabteen dibna ugu soo ciliyeen khartoum sida uu ii sheegay mid kamid ah labadaas wiil  oo magaciisa layiraahdo maxamed ciise axmed oo ii sheegay in uu shilkaan uga war heliyay xuduuda labada dal waxa kale oo aan maqlay ayuu yiraahday oo eey ii sheegeen dadkii halkas aan kula kulmay in uu geeriyooday nin layiraahdo xaashi garabeey oo isana kategay khartoum bishi hore laakin wax cadayn ah ma laga hayo arintaas ragii  gaarigii shilka saaraana war kamahyno ayeey yiraahdeen.

 

sida uu ii shegay maxamed xuseen sabare oo ah oday katirsan jaaliyada Soomaalida ee  sudan kuna leh khartoum baarka ugu wayn oo somalidu iskuugu timaado in eey bilaabeen wacyi gelin loo sameynayo dadka tahriibka ah oo ay ka qeybqaadanayaan ardada somaliyeed ee wax kubarat  sudan si wax loo fahansiiyo dadka tahriibka ah oo nafsadooda qatar gelinaya.

 

 waxaa xusid mudan in dhalinyaro badan oo wax u bilaabnaayeen lagu qanciyay in eey wax bartaan oo qaarkood hada jaamacado dhigtaan.

 
 ugu danbeynti waxa uu kacodsaday GUD.jaaliyad sudan mudane c/qaadir xashi jimcaale dadka tahriibka ah in eey raadsadaan wadooyin kadhibyar oo sharci ah oo lagu bixi karo ayu yiri oo kajira wadanka sudan sida in eey qaataan buu yiri visaha wadanka Chad kaas oo sahlan ayna ugu gudbi karaan wadanka liibiya. waxa uuna sheegay in eey ku taageerayaan dhankaas.

 

maxamed amiin sh.cismaan
khartoum sudan  
Emailamiin2002@hotmail.com
tel;012279919

SOMALITALK | March 16, 2002

93 qof oo isugujira dhawr dal oo Afrika ah oo Harraad Kudiley Saxaraha Liibiya May 2001


Wargeys Kasoo Baxa Minnesota oo Qoraal Dheer Ka Qoray Musharaxii Hore ee Duqa magaalada Minneaplis, Maxamuud Nuur Wardheere

Maxamuud Wardheere iyo gabadhiisa 4jirka ah ee Maryan
SAWIRKA: swjournal
Wargeyska lagu magcaabo "Southwest Journal" ayaa cadadkiisii maanta qoraal dheer ka qoray Maxamuud Nuur Wardheere oo ah musharaxii hore ee duqa Magaalada Minneapolis.

Maxamuud Wardheere waa Soomaaligii ugu horeeyeye ee Magaalada Minneapolis isu tooga doorashada duqa Magaalada, taas oo uu ka qayb galay sannadkii lasoo dhaafay.

Wardheere waxa uu hadda deggan yahay magaalada Minneapolis, ee gobolka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota oo ku yaal bartamaha dalka maraykanka.

Warkii wargeyska oo faahfaahsan ka akhri Halkan

ISHA: swjournal.com

March 14, 2002


War saxaafadeed ay soo saareen ergada faraca xisbiga KANU ee dalka Kenya

14/3/2002 iqra fm Somali section

WQ. Ridwan haji abdiwali

War-Saxaafadeed Ay Soo Saareen Ergada Faraca Xisbiga Kanu Ee Nairobi Uga Qayb Geleysa Shirka Midowga Labada Xisbi Ee KANU iyo NDP March 18da Ayna Ku Saxiixan Yihiin Gudoomiyasha Faracyada KANU Makadara,Kasarani, Iyo Xoghayayaasha Embakasi,Kasarani,Gudomiye Ku-Xigeenka Nairobi Iyo Starehe Waxay Soo Dhoweeyeen Isu Taagida Xussen Macalin Musharaxnimada Xilka Gudomiye Ku-Xigeenimada Heer Qaran Ee Xisbiga Kanu -Cusub.

Wasiirka Adeega Caafimaadka Xussen Macalin Ahna Xildhiban Laga Soo Doorto Dujis,Waxay Ergada KANU Ee Nairobi Ku Sheegeen War -Saxaafadeekooda In Xussen uu kusifoobay Karamo Iyo Daacdnimada Xisbiga Kanu, Xaqiijiyeyna Ka Madaxbanaanida Qabiilka Iyo Musuqmaasuqa,Isla Markaana Hufnaan Kaga Sifoobay Hawlaha Xisbiga ,Isagoon U Kala Eegin Dadka Kenyanka Ah Qabil,da' Iyo Siyaaso Midna Mudadii Uu Ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Abaabulka Heer Qaran Ee Xisbiga Kanu.

Sidaa Darteed ayey War-Saxaafadeedkooda Ku Yiraahdeen Waxaanu U Xaqiijinayaan Xussen Macalin Kala Har La'aan Taageeradooda ,Waxayna Ugu Baaqeen Dhamaan Kenyanka Ka Qayb Gelaya Shirka Kasarani March 18du In Codkooda ay Siiyaan.

IQRA FM, Qaybta AfSoomaaliga
iqrafm@bidii.com

FAAFIN: SOMALITALK.COM | March 14, 2002


Jaamacadda Concordia oo Muslimiinta U ogolaatay Qol Baaxadweyn oo ay kutukadaan
CANADA- Warsaxaafadeed kasoo baxaay CAIR-CAN ayaa muslimiinta ka codsaday in ay Jaamacadaas u mahadnaqaan Warka oo dhan March 11

Golihii Wasiirada ee DGPL oo la dhamaystiray
Afartii kadhinaa sagaalka ay golaha wasiirada Puntland ka koobanyihiin ay... Warka oo dhan March 11

C/Risaaq Maxamud Saleeman oo Kubiiray Xisbiga Ilayska SL
NORWAY - Musharaxii hore ee Madaxweynenimada Somaliland ayaa sheegay in uu ku biiray xisbiga Ilayska Somaliland
Ka akhri halkan March 3


Waftiyo Kakala Socda dalal Kala duwan oo Booqday PL
BOSASO- Wafdi kakala socda Maraykan, Australia, Masar, Liibiya iyo Itoobiya ayaa dhawaan booqashooyin kala gaar gaara ku tegey Puntland.
Ka akhri halkan March 2

Kalsoonid Kala Laabasho DKMG
Qoraal kasoo baxay Beesha Dhulbahante ee Degaanka Buuhoodle ayaa.. Ka akhri halkan

MAQAALKA MAANTA:WQ. Xaasi Sagaar
Taariikhdii Midabyada Badnayd ee C/Laahi Yuusuf

Doorashadii Baarlamaanka Puntland
qaabkii ay u dhacday doorashadii guddoomiyaha iyo labada guddoomiye ku xigeen ee baarlamaanka PL
Ka akhri halkan feb 28

Beesha Mudulood oo Qoraal Kasoosaaray daagaalkii Xamar
Warsaxaafadeed u soo saaray Golaha Midnimada Muddullood (GMM) ee Xaruntiisa tahay magaalada Toronto, Canada ayaa ka walaacsan dagaalka lagu hoobtay ee ka dhacay Degmooyinka Maka iyo Madiina
Ka akhri halkan feb 28

SULDAAN SIRAAJI IYO ARAGTIDIISA DKMG
Waraysi uu bixiyey Suldaan Maxamed Xaji Siraaji oo uu kaga hadlayo waxyaabihii ay DKG garab martay
Ka akhri halkan feb 28

CISMAAN ABOKOR IYO ARAGTIDIISA SOMALILAND
Waraysi uu bixiyey Hoggaamiyihii hore ee Xisbiga Ilayska Somaliland Cismaan Abokor Ka akhri halkan feb 28

Shuruud Adag oo Maraykanku Kuxiray 3 Soomaalida Sweden
Si looga saaro Liiska Argagixsada ayaa Seddex nin oo soomaali ah heystana dhalashada wadankan Sweden kana mid ahaa.. Ka akhri halkan feb 27

»WARBIXIN JAAMACADDA CAMUUD EE BOORAME:
waraysi radio Sagal layeeshay madaxweyne kuxigeenka Jaamacada Camuud pro. C/laahi Xaashi Abiib Ka.Dhegeyso.Halkan

Jabuuti oo Jawaab Kulul Kabixisay hadalkii Itoobiya
Hadalkii uu dhowaan sheegay safiirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobey ee Kusaabsanaa Soomaaliya ayaa... Ka Akhri Halkan [Djabouti] feb 26

Soomaalida u soo Guur Timaada Dalka Hindiya oo Baryahan Batay
Soomaali badan ayaa sanadkii aynu soo dhaafanay guursaday hablo badan oo reer india ah oo (muslimiina ah) iyadoo ay... Ka Akhri Halkan [Hindia] feb 23


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety