.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
NIN ISKU QARXIYAY MAGAALDA SANCA

English Version sida ey sheegayaan ila ku dhaw dhaw dhinaca Amaanka ee dalka yaman waxaa shalay is qarxiyay nin magaciisa layiraahdo (samiir axmed maxamed al-xada) ninkaas oo ey sida lasheegay raadinayeen ciidamada amaanka ee dalka yaman mudo badan ayadoo lagu tuhun sanaa inuu katisanaa ciidamada ururka Al-qaacida ee uu hogaamiyo usaama binlaaden uuna sidoo kale ku lug lahaa qaraxii loo geystay markabkii uu mareykanku lahaa ee lagu qarxiyay dakada cadan kal hore.

ninka is qarxiyay ayaa waxaa ku qaraxday banbo uu rabay in uu ku tuuro ciidanka amaanka oo raacdeysanayay.

ninkaan ayaa sida ey sheegtay SAXIIFADA layiraahdo 62-september wuxuu ahaa mid kamid ah kuwa ugu weyn ee ay raadinayeen ciidamada amaanka mudo badana eyna daba joogeen ayagoo ku eedeynayay inuu ka tisan yahay uruka al-qaacida taba barro heersare ahna uu kusoo qaatay wadanka Afgaanistaan intii uukunoolaa, sidoo kalana sida ey saxiifadu sheegtay wuxuu ahaa ninkaas oo ey da'diisu aheyd 25 jir dadka kuwa ugu dhuumashada iyo is qarinta badan, wuxuuna lahaa magacyo badan oo uu isticmaali jiray asagoo waliba lahaa waraaqo aqoonsi oo kala duwan oo been abuurad ah oo uu ku dhuuman jiray.

sida la ogyahay dowlada yaman waxey mudaba waday dadaal ey kula dagaa lameyso dadka lagu tilmaamo iney katirsan yihiin ururada mintidka ah ayadoo kal hore weerar ku qaaday gobolada Jowf iyo Ma'rib oo lasheegay iney karaadineysay rag mintidiin ah oo ku dhuumanayay

ISHA WARARKA: abuukar yasin | abuukarsom@hotmail.com
SANCA
YEMEN

Al-Qaida suspect blows himself up [AP]

SOMALITALK | NEWS | Febraayo 14, 2002

FAAFIN: SOMALITALK.COM  


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MASJIDKA ABUBAKAR
abubakar Mashruuca Masjidka Abubakar
Warbixin kusaabsan halka uu marayo Mashruuca Abubakar As-Saddique ee Minnesota Ka akhri halkan
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaaLondon, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN

XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety