MA URURU DANEED BAA MISE WAA URUR DIINEED????
Ahmed Abdi Shire
Jaabir26@yahoo.co.uk
March 30, 2002
Inta ayanaan u gelin inaan is weydiino jawaabta
su'aashan aan dib u yara milicsano sooyaalka
taariikheed ee baraarugga islaamka ah ee
somaliaya,markaa waxaa khasab ah inaan xusuusano mar
walba culimada kala ah Sh suufi ,Sheekh Mohammed
Moalim Sh Noor Ali OLow Sh Abdi Qahani. oo intuba ahaa
culimadii sida weyn u bilowdey uguna dedaaley saxwada
maanta ka jirta Somalia ardadoodiina najaxdey,intaa
waxaa dhinac socdey dedaalkii ay horeyba isaga u
wadeen culimada Somaaliyeed iyo dariiqooyinkeeda kala
duwan qayb weyna kasoo qaatey xoriyaddii Somalia ..
Haddaba isku soo wada duuboo waxaa lixdameeyadii dalka
ka abuurmey xarakadii la odhan jirey JAMAACA AHLIYAH,
ee ay ku mideysnaayeen dhallinyaradii Somaliyeed ee
baraarugsaneyd haddaba bilowgii todobaatanadii waxaa
jamaaca Ahliya soo foodsaarey cadaadis iyo culeys kaga
yimid xukuumaddii shuuciga ahayd ee dalka ka
hanaqaaddey taasoo sababatey in dhallinyaradii kala
qaxdo dalka dibaddiisa sida dowladaha carbeed iyo kuwa
deriska gaar ahaan Kenya iyo Tanzania waxaa kaloo soo
foodsaarey xarakadii fikrado duullana ah oo ay la
yimaadeen markiiba raggii asaaska u ahaa xarakada sida
fikraddii takfiirka salafiyada iyo Al islaaxa oo
halkii dacwada ka socon lahayd bilaabey siyaasad
loollan ah oo iyaga u dhexeysa dadkoo dhanina u wada
yaqaaniin iyaka Al Ikhwaanu Muslimiin,waqtigaas wixii
ka dambeeyey waxaa madasha u xoog batay salafiyiinta
oo iyaku waday dedaal dacwadeed dadkuba ha dhaliilaan
masaa'ilka qaarkoode, takfiirku way dhuumanayeen
Al-Islaaxna waxay doorbideen iney iska fadhiistaan
khaliijka oo raadiyaan aqoonsiga ikhwaanka dowliga ah
iyagoo ujeeddadodu ahayd inay aqoonsi caalami ah ku
caburiyaan xarakaadka kale balse aan la imaan wax
dedaal dacwadeed iyo diin sheegis waxa keliya ee ay
heleen waa gacanta deeqsiga ah ee muxsiniinta carbeed
iyo aqoonsiga Akhwaanka balse uma maareyn sidii
mudnayd shacabkana wax looguma qaban ee waxaa ku amar
ku taagleeyey koox yar oo xukun dhexroorsan xarakada
ku hagta.
Dedaalka Al-Islaax waqtiyadaas wuxuu ku ekaa uun
ximinta xarakaadka kale iyo iney dhallinyarada
somaaliyeed ka hor istaagaan fursadaha qaaliga ah sida
jaamacadaha carbeed oo kale, si kastaba salafiyadu
waxay siddetameeyadii ku tallabasatay si xawli ah
meelo badan oo dalka ahna way ka muuqdeen gaar ahaan
gobalada koonfureed halka waqooyigana ay socotey
dacwadii shabaabka waxdada reer waqooyiga inkastoo dad
badani ku dhaliileen masaailka khilaafiga ah oo ay
buunbuuniyeen iyo degdeg badan haddana waxay ka
dhabeeyeen 1988kii inay muujiyaan damac siyaasadeed.
Salafiyiintiina waxay u xuubsiibteen xisbiga alitixaad
oo qof walba oo somaliyeed uu maanta si u yaqaano
halka Al-Islaax ku guryo noqdeen iney buunbuuniyaan
ceebaha culimada iyo wax ka sheegis ururadii safka
kula jiray sida uruka Al-Itixaad iyo iyagoo caburiyay
dhamaan xarakaadkii fikirka ikhwaaniga ah watay sida
Aala-Sheekh oo uu sheekh u ahaa Rabbi ha u naxariistee
Sh.Mohamed Macali Xassan, sidoo kale waxay baabi’iyeen
Jameeca Islaamiya oo aaminsanayd mabda’a Ikhwaaniga.
Al-Islaax waxa ay dhib ka dhex abuureen ardada
Somaliyeed ee Carabaha wax ka barata tusaalena waxaa
noogu filan dhacdadii kol hore ka dhacdey Sudan ee uu
abaabuley ninka hogaamiya Al-Islaax Dr. Ali Sh. Ahmed
isagoo dalka Sudan u sheegay in ardada somaliyeed ee
uusan isagu keenin ay shahaadooyinkoodu yihiin wax
kama jiraan halkaasna ku cuna qabteeyey ardadii ay ku
tabcayeen dan yarta soomaliyeed ceebna u soo jiidey
qaabka Somalida wax u barato oo ah mid qof waliba
iskii isu debero bur burkii xukuumaadda waayo
Al-Islaax waxay maamushaa Daladda Waxbarashada Xamar
Iyo iyagoo taageero farabadan ka hela Akhwanka dawliga
ah oo ay u maraan sadaqaadka iyo deeqaha waxbarasho ee
lagu soo qaado magaca bulshowaynta Somaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee kolkii dalku galay dagaalada
sokeeye waxaa Al-Islaaxu taageereen uruka USC oo ay
Akhwaanka dawliga ah ka dhaadhiciyeen inay yihiin urur
mujaahidiina iyagoo qoray buug ay kutaageerayaan oo
layiraahdo Al-Somal Wa Juduurul Mu’asaati Raahina oo
uu qoray Dr. Ali Dheere oo uu ku taageerayo guulihii
ay soo hoyeen USC. Sida Al-Islaax ay ku qoreen iyakoo
muujinaya taageerada ay u hayaan qabqablayaasha
qaarkood waxaa ka mid Al-Liwaa Al-Islaami oo bilowgii
sagaashankii ay ku qoreen maqaal cinwaankiisu ahaa
Xaraka islaamia bada'at jihaadahaa min manaadiq wusdaa
fi somal.waxaa kaloo ay Al-Muslimiin oo kasoo bixi
jirtey Sucuudiga ku qoreen aakhirkii 1991 iney
taageersan yihiin dagaal ooge Ali Mahdi Mohammed halka
marar badana laga arkayo siday ula dhaqmeen shirarka
dib u heshiisiineed ee Somaliya iyakoo qabaailka qaar
u qaybiyey lacag si ay mowqif mideysan uga qaataan
kuwo kale waxayna gacan weyn ku leeyihiin dagaalada
had iyo jeeraale ka dhaca Mogadishu, Kismaayo Alta
jubba oo ay soosaareen bayaano ay ku taageerayaan koox
kamid ah kooxaha Kismayo isku haya. Waxay lug wayn ku
leeyihiin dagaalda ka socda Ogadenia sida ku cad buug
uu dhowaan soo baxay lana yiraahdo Barashada xaqiiqda
Geeska Afrika. Waxay dhowaan xireen qaar ka mid ah
hayado islaami ah oo ka hawlgeli jirey Ogadenia sida
Al Najax oo kale iyakoo marmarsiinyo ka dhigey iney
dowladda Itoobiya maamusho gobolka
Al-Islaax waxay ku dhiiqoodeen ximinta xarakaadaka
ilaa ay la gashey iney meel uga dhacaan hooyooyinkii
muslimiinta sida Caa'sha raadiyallahu canhaa oo ay ku
jeesjeeseen Rasuulka SCW
Isagoo mid kamid ah culimada Islaaxa uu yiri (anigu
kolay ma damceen sagaal jir), arinkaas oo ay ka digeen
Culimobadan oo Somaliyeed oo ay kamid ahaayeen Sh.
Ibrahim Suuleey iyo Sh. Ahmed Dahir Awees. Al-Islaax
waxay kaloo lugaha la galeen masaailka dhaxaalka
sinnaanta ragga iyo dumarka taasna hal ujeeddo ayay ka
lahaayeen oo ah iney kaga ugaadhaan hay'daha shisheeye
ee dalka ka hawl gala kadib markii naas gudhaya u
muuqdeen hay’adihii Carbeed. Haddaba ma urur daneed
baa mise waa urur diineed.
Waxaa Diyaariyay
Ahmed Abdi Shire
Jaabir26@yahoo.co.uk
AFEEF: Aragtida qoraalka waa mid u gaara qoraaga kusaxiixan.