.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK: LONDON NEWS
Xasan Sh. Xuseen Muuse oo Loo Magcaabay Xubin in uu kanoqdo Golaha Looga Arimiyo Masjidka iyo Madarada Islaamka uguweyn London, Ontario

Xasan Shiikh Xuseen Muuse
LONDON, CANADA (SomaliTalk Jan 28, 2002)

Soomaalida London, Ontario ayaa jimcadii aad ugu farxay markii ay maqleen iimaamka Masjidka ugu weyn magaalada, Imam Jamal Taleb, oo ku dhawaaqay in Xasan Shiikh Xuseen Muuse oo kamida kamida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magaalada lagu daray xubin in uu kanoqdo golaha looga arimiyo Masjidka iyo madarisada Islaamka ee Magaalada London Canada.

Xasan Shiikh waa nin dhallinyaro ah oo diinta Islaamka fidinteeda qayb weyn kaqaatay intii uu kunoolaa dalka Canada oo magaciisa. Mar salaadii Jimcada kadib ay SomaliTalk waraysi gaaban layeesheen waxa uu u shegay in uu siweyn ugu qanacsanyahay magcaabidaas oo uu ugu khidmayn doono umadda Islaamka si caam ah Allah wajigiis.

Xasan oo aan horay waxqadakiisa jaaliyadda dhexdeeda ugu soo bandhignay SomaliTalk bishii November 2000, waqtigaas wuxuu waxbarayey carruurta yaryar ee Soomaalida magaalada, ilaa iyo hadda Allah mahadiis wuxuu sidii gacanta ugu hayaa horumarita iyo kobcinta jaaliyadda.

Wuxuu sumcad aan laqiyaasikarin ka mutaystay jaaliyadda dhexdeeda, taas oo gaarsiisey heer Islaamka magaaladu ay aad u bartaan, ilaa hadda oo lagudaray golaha guud ee Muslimiinta Magaalada danohooda ilaaliya.


"Waxaan ku noolahay Kanada macneheedu ma aha in aan beddello dhaqanka Islaamka ee suuban". Dr Munir El-Kassem November 24, 1999

Imam Jamal Taleb, London, CA
London, Ontario waa magaalo kutaal dalka Canada. Waxayna dhanka Koonfureed kaxigtaa Toronto qiyaastii 200 km, islamar ahaantaana waxay dhanka Woqooyi qiyaastii 200 km kaxigtaa magaalada Detroit ee Gobolka Michigan, USA. Waxaa laguqiyaasay cadadka dadka kunool magaalada in ay yihiin ilaa 300,000 (Saddex boqol oo kun), muslimiinta kudhaqana waxaa lagu qiyaasay ilaa 30,000 qof.

Laba masaajid oo waaweyn ayaa kuyaala magaalada, iyo meelo dhawr ah oo jaaliyado Islaam ah ay kasameeyeen goobo lagu tukado, waxaa kale oo jira masjid yar oo si gaar ah loogu qoondeeyey ardayda jaamacad kutaal magaaladan, kaas oo kudhexyaal qol kuyaal jaamacada oo meesha lagu weesaysto u gaartahay.

Waxaana masjidka uguweyn magaalada kudhexyaala dugsi Islaami ah oo lagumagcaabo London Islamic School kaas oo muqararka ama maadooyinka lagadhigaa ay u dhigmaan xagga heerka kuwa dugsiyada Canada. Waana masjidka golohiisa sare xubinimadiisa lagu daray Xasan Shiikh.

Dugsi quraanka London
Soomaalida deggan magaalada waxaa lagu tilmaama Soomaali tusaale u noqonkarta dhammaan jaaliyadaha Soomaalida qurbaha marka laga hadlayo sida ay uga midaysanyihiin danta guud iyo sida ay isu kaalmaystaan. Tiro ahaan Soomaalida magaalada deggani ma badna, inkasta oo tirakoob sugan aan lahayn, xagga ganacsigana xoogweyn kuma laha sida Soomaalida daggan magaalooyinka Toronto iyo Minnesota, mustaqbalka carruurtooduna waxa uu u muuqdaa mid ifaya hadii ay dadaalkaas sii wadaan.

Dadaalka Soomaalida London - Akhri
Wadajirku waa furaha Guusha - Akhri

Waxaa iskusoo dubarisey:
Maxamed Cali
London, Ontario, Canada
html@somalitalk.com

Janaayo 28, 2002


FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
BILICDA SOOMAALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Haldhaa / Goray
gorayo Waa haldhaa ama Goray dhex mushaaxaya dooga iyo Bilicda Soomaaliya oo nabada.
geel Eeg Sawirka oo weynn
Geela Soomaaliya wuxuu dhulka nabadda ah kusiyaadiyaa bilic, iaga oo weliba leh manaafacaad aad u farabadan.
ari Eeg Sawirka oo weynn
Ariga Soomaaliya: Caano, subag, lacag, bilic



Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety