Naqdinta
Ururada Islaamiga Ah: Talo
Siciid
Cali Axmed | saidahmed@usa.net
April
9, 2002
Ka
dib markaan maanta ka akhriyay boggoga Somalitalk maqaalo laba ah oo ciwaankoodu
kala ahaa “Al-islaax ma urur Diineed baa Mise waa mid daneed” iyo
“AL-ISLAAX WAA URUR DIIN IYO ADUUNYO, ayaa waxaan jeclaaday in aan
mawduucan in yar oo talo ah ku darsado.
Walaalayaal, xaalada ay maanta marayso ummada Muslimku waa mid aan wax badan u
baahanayn in laga sheego waayo waa mid qofkastaba u muuqata. Kala daadsanaata,
khilaafaadka iyo is nacaybka ka dhexeeya dadka Muslimiinta ahi waa sabab kamida
sababaha waawayn ee ummada Muslimka aha musiibooyinku ugu dhacayaan. In laga
tago kala daadsanaanta iyo is nacaybku waxa ay sabab u noqon kartaa mustaqbal
fiican oo u soo hoyda ummadan muslimiinta ah ee maanta meel kasta dhiigeedu
daadanayo.
Dhaliinyarada
wadaada ahi intii ay waqtigooda ku lumin lahaayeen in ay dhexdooda iska
naqdiyaan oo iyagu isku mashquulaan waxaan soo jeedin lahaa in ay tamartooda
(Energy) ku bixiyaan sidii ay u waajihi lahaayeen turunturooyinka waaweeyn ee
umadooda hor yaala kuwaas oo maalinba maalinta ka danbeeya sii xoogaysanaya. Waa
in ay ku dadaalaan adkaynta
midnimada safka muslimiinta oo ay iyagu ugu horeeyaan. Marka aan sidaa leeyahay
umma jeedo in aan idhaahdo qaladaadka1
ay ku dhacayaan urururadasi ha laga aamuso. Maya, waxa aan u jeedaa waxa weeye
in khaladaadkaas iyo tilmaamintoodu aaanay noqonin mid ina ilowsiisa inta badan
ee a kulmisa ururadaa.
Waxa
aan aaminsanahay in dacawada islaamka ah ee Soomaaliya ka jirtaa ay taariikho
iyo duruufo kala duwan ay soo maratay , waxaana aan shaki lahayn in mudadaas ay
dhaceen khladaad u baahan in dib loo eego lana saxo. Sixida iyo toosinta
qaladaadkaasi waa in ay noqotaa mid hadafkoodu yahay in la la toosiyo masiirka
mustaqbaliga ah ee ururada Islaamiga ah. Nuqdooyinka
hoos ku qoran aragtidayada waa qaar ina caawin kara marka aynu rabno in
aynu naqdino dadka aynu aragtida ku khilaafsanahay :
1)
In la naqdiyo
ururada Wadaadada iyo kuwa kaleba waa arin aan xumayan aragtidayada waana in la
soo dhaweeyaa laakiin waxaa loo baahanayahay in naqdintaasi ay noqoto mid wax
dhisaysa (constructive criticism) ee aanay noqon
mid looga dan leeyahay in ay wax burburiso (Destructive criticism).
2)
In Naqdinta
shakhsiyaadka la iska daayo oo ay naqdintu noqoto mid ku waajahan fikradaha iyo
mabaadiida ururada. Sidaas oo kale waxa ay ila tahay wax diidayaa in aanay jirin
hadii naqdintu tahay mid ku waajahan mawaaqifta Dacawiga ah amaba Siyaasiga ah
ee ay Ururadaasi qaataan.
3)
In la qiro in
Xarakooyinka Islaamku ay yihiin bani-aadmi isu yimid bani-aadmigana waxa
sifadiisa ah in uu qaldamo Cid aan qaldamina ma jirto marka laga reebo
macsuumkii Maxmed ahaa (calayhi salaatu wasalaam)
4)
Waa
in qofka wax naqdinayaa waxa uu naqdinayo
cilmi fiican u leeyahay, tani waxa ay fududaynaysaa in naqdintu
noqto mid ku dhisan manhaj cilmiya iyo macluumaad sax ah.
5)
In qofka wax
naqdinayaa uu yahay mid ka fog tacasubka indhaha la kaas oo keena in qofku arko
uun daldaloolaadka waxaa uu naqdinayo
Mahadsanidin
Siciid
Cali Axmed
saidahmed@usa.net
FAAFIN: SOMALITALK.COM | April 9, 2002
AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga.
EMAIL
MAGACAAGA AH KAFURO SOMALITALK