SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA DADWEYNAHA
R A ' Y I

AL-ISLAAX WAA URUR DIIN IYO ADUUNYO

 WQ:maxamed axmed c/hi goosaar 
dheere33@somalitalk.com  
Sanca Yemen 

April 6, 2002

Majecli inaan dabgal kusameeyo dhamaan waxii uu kahadlay qoraaga aragtidiisa kamuujiyay ururka AL-ISLAAX waayo? in badan oo kamiad ah mamudno sii tixraacid in lagusameeyo waxaanse jeclahay inaan hadalakeeyg kusoo koobo dhowr qodob ookala ah sidatan:

» ISLAAX: Ma Ururur Diineedbaa mase mid Daneed!!! Axmed Cabdi Shire

1-ma cadda tiirdhaxaadka fikradeed ee aay kusaleeysantahay argtidiisa waayo waxaa cabbir lagu qiimeeyo oraah kasta ah  fikirka eey aaminsantahay iyo manhajka qoraaleed ee uumarayo qoraha oraahda hadaba haddaan dib ujaleecno qoraalka AXMED SHIRE macado fikradda uu aaminsanyahay ee uu ka ambaqaadayo MACILMAANIbaa oo waxa uudiidanyahay urur magacdiineed wato inuu siyaasada faraha lagalo?mafilaayo inuu saas aaminsanyahay waayo? waxa kamuuqato inuu yahay nin udhuun daloola baraaruga islaamka iyo xarakaadka islaamiga oo wax kadhaxmuuqato maqaalkiisa culimada soomaaliyeed ragii ugu waaweeyna  allaha unaxriistee sida sh.maxamed macalim iyo sh.xasan daahir aweeys iyo DR.dheer  hadaba madhihi karnaa SHIRE waxa uu kaduulayaa fikrad islaami ah? aniga maqabo waayo SHIRE waxa uu AL-ISLAAX ku haaystaa sidakucad cinwaanka oraahdiisa ineey diinta iyo adoonyadii iskulabayaan!!!!!!!!! sida eeyilatahayislaamka maqabo diin iyo aduunyo kala madaxbanaa.

2-  MR.SHIRE waxa kamuuqato inuu kujiro dagaal eeysan baraaruga islaamka iyo ururada islaamiga ah eeysan wax shaqo ah kulaheeyn waxa uu kawaramayaa khilaafada soomaalida kudhaxmaray suudaan buuga soomaaliya uukaqoraya DR.cali dheere  iyo lagdanka qabaailka soomaalida qaarkamid ah kudhaxmaray ama walisocdo gudaha dhulka soomaalid eeitoobiya!!!hadaba taasi wax aan ka oranayo mjirto waayo ma`ahan dagaal beeleed ama khilaaf soomaaliyeed kii uhoreeyay tan labaad qofka haddii uu buug qore buugiisa  ma`ahan qur`aan aan lagadaba hadli karin ee waa wax aqbali karo naqdin iyo dib usaxid tan sadaxaad buugaas uuDR.cali qoray AL-ISLAAX manhaj uma aho kamana wada sinno argtida eey kaqabaan.

3-MR.SHIRE qoraalkiisa waxa kusoo arooray wax baabi`inayo qiimaha cilmiyeed ee uu qoraalkiisa yeelan lahaa taasoo ah isburin uu isag isburinaayo waxa uu sheegay in DR.cali dheere qoray buug layiraahdo  SOOMALIYA IYO AASAASKA DHIBAATADA TAAGAN taasoo uu daliil kaga dhigtay in AL-ISLAAX taageersanaayeen ururkii USC hadaba haddaan dib ujaleecno waxa uu DRka.buugiisa kuqoray waxa uu ka hadlay in SIYAAD BARRE uu aasaas uahaa dhibaatada maanta dalka taalo  isag oo ku eedeeyo arimo eey kamidyihiin fasaad siyaasadeed iyo mid diineed sida qabyaalda caburinta shacabka faafinta shuuciyadda iyo ladagaalanka islaamka..IWM hadaba isagoo MR.SHIRE kadhigay wax ka sheegidda SIYAAD BARRE tageera USC ayuu waxa uu sheegay in dhalinyarada saxwada  soo foodsaaratay cadaadin kaga timid xukuumaddii shuuciga aheeyd hadaba oraahdan mataageero USC baa?! misana marlabaad ayuu sooqaatay oo uuyiri AL-ISLAAX waxa eey kudhiiqdeen masaa`ilka dhaxalka DR.cali markuu kahadlay in SIYAAD BARRE kuxad gudbay qura`aanka oo uu raggii iyo dumar kii usimay dhaxalkii isagoo DR.ka soobandhigay caddeeymaha uu uhayay arintaas wax uu SHIRE kusheegay ineey tahay taageero USC haddana isagoon uhaaynin wax caddeeyn ah arintaas ayuu AL-ISLAAX ku eedeyay  been abuur ah ineey dhaxalkii faragaliyeen!!!!!!!!!.

4-arinta kusaabsan taariikhda saxwada waxeey uumuuqataa in AXMED SHRE eeykamadoowdahay waayo wax uu qoraalkiisa dhaafi waayay in AL-ISLAAX  khaliijka fadhiyeen iyo ineey kudadaalayeen xubinnimada xiriirka caalamiga ah ee ikhwaanka hase ahaatee masheegin wax itijaahaadka kale wadanka kasii qabteen  waxa kale oo uu sheegay in dhammaan kooxaha islamiga looyaqaanay ikhwaan hase ahaatee kama uusan hadlin sababta keentay  miyeesan aheeyn waxqabadkashabaabkii xambaarsanaa fikirka ikhwaanka haddeey jwaabta haa noqotana AL-ISLAAX ma`ahan cirka soo dhac ee waamirahii  shabaabkaas tankusaabsan  AL-ISLAAX iyo xiriirka dowliga ah ee ikhwaanka taasi natiijadeeda wax eey kuu soobixi markaad ibabardhigtid  AL-ISLAAX iyo ururada kale iyo cid walba mapka khariidad soomaaliya halkuu kaga yaalo.

5-AL-ISLAAX wax qabadkiisii waxa eey soo baxday burburkii soomaaliya  markuu dhacay ee uu helay xuriyad uu ku shaqeeynkaro markii ururada kale eey soomaaliyo macluul iyo cagabarar labaaba`day eey milyaaradka doolar hub iyo rasas ku iibinayeen ooy dagaalada sokeeye dhankooda kahurinayeen AL-ISLAAX wax eey sameeysatay halkudhig ah ADDACWA WAL-IRSHAAD,AL-IQAATHA,ALMUSAALAXA oomicnaheeda yahay dadkoo hanuun iyo diin loogu yeero dadka macluuleeysan oo gargaar lalgaaro dadka diriray oo dib uhishiisiin laga dhaxsameeyo halku dhigas iyagoo ka ambaqaadayo ayeey waxeey gargaar lagaareen dadkii dhibaateeysnaa waxeey fureen xaruma waxbarsho min dugsi hoose ilaa heer jaamacadeed waxeey xamar iyo goboladii kale ee duruufta saamaxeeysay kafureen xarumo dib uheshiisiin oo inbadan guulo lataabankaro kasoo hooyeen halka maanta kooxaha kale eesaxwada kujiray eey kusifoobeen maah maahdii carbeed ee aheey LAAFIL-CIIRI WALFINNAFIIRI dagaalna waxba kuma keenin dal iyo dadna waxba uma qabanin.

guntii iyo gabagabdii tilaabada uu qaaday AXMED SHIRE waamid dhiiri galin mudan waayo in lagasaaro xaalada kooxaha islaamiga soomaaliya xaramnimada(lamatabtaan)waxeey faa iida utahay saxwada waayo waxaa lahelayaa afkaar badan oo wax lagu dhisi karo waxaana yaraan lahaan dulqaad la`aanta soomaalida kucaanbaxday waxaa se taas fure u ah in goobaha lagu faafiyo ama laisku dhaafsdo afkaarta eeydjiyaan qodoba saldhig uh qoralada iyo afkaarta (scientific research items).

          wasalaama caleeykum waraxma tullaahi

        by:maxamed axmed c/hi goosaar

       dheere33@somalitalk.com

        sanca yemen  

Qoraagu qoraalka uu u jawaabey ka akhri cinwaanka hoose

» ISLAAX: Ma Ururur Diineedba mase mid Daneed!!

FAAFIN: SOMALITALK.COM | April 6, 2002


AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga.
 

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 
 
Sawirka Kore waa Dhulbeeraadkii Soomaaliya
Sawirka hoosena waa sida loo bedeley, iyadoo lagu beeray daroogo, gaar ahaan dhulka ay maraan labada webi
 
Dal Biyo La'aan ah Degaan ahaana La Qurmiyey
Jamhuuriyada Soomaaliyeed waa hooyga budcada
Cabasho Shaneemooyinka Xamar iyo aflaamnta Jinsiga

ABSHIR BACADE
Boqolaal qorshoo wada qabyaa ....
Qaadow adigaa leh.
Qoryo raamso quudkana yaree...
Qaadow adigaa leh.
Qayiloo cun reerkana qadi .....
Qaadow adigaa leh.
GABAYGA OO DHAN..
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruucan masjidka oo ay kubaxayso $900,000.00 kun. waxaa hadda loo hayaa $740,323.11, warbixin GUJI..
XAWALADDA DALSAN
Xawaaladda DALSAN ee dacalada Adduunka Dalsan
KAAH EXPRESS
Xafiisyada KAAH EXPRESS ee daafaha dunida Kaah Express
SAXAABADA RASUULKA
Habnololeedkii Saxaabadii Rasuulka GUJI
SU'AALO / QUIZ
Isku day in aad ka jawaabtid su'aalaha kuqoran HALKAN
CYBERCRIME
Want to know more about the cybercrime
Check here

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.