.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
Shatiga-Xawaalada Minnesota

SHIRKADDA DAHABSHIIL OO NOQOTAY SHIRKADII SOOMAALIYEED EE UGU HOREYSEY OO LASIIYO SHATIGA LACAG-XAWILAADA MINNESOSTA

SOMALITALK NEWS

MINNEAPOLIS- Shirkada Dahabshiil ayaa maanta oo taariikhdu tahay Janaayo 4, 2002 lasiiyey shatiga ay lacagta ku xawili karaan ee Gobolka Minnesota.

SomaliTalk oo telefoon kula xiriiray maamulaha shirkada Dahabshiil ee Minnesota, Maxamed Cali Nuur, ayaa noo xaqiijiyey in ay shirkadaas maanta lasiiyey shatigii oo markaas aan lahadleyney ay dib-bilaabeen shaqadii xawilaada lacagta.

Maxamed Cali Nuur waxa uu SomaliTalk usheegay in ay shatiga codsadeen November 19, 2001. Waxaana uu sheegay in ay soo dhexgaleen fasaxyo dhawr ah oo kusoo aadey kalaguurka labada sano ee 2001/2002, iyo dhalashada 2002 oo intaba fasax ka ahaa Maraykanka, taas oo dib u dhigtay bixinta shatiga, balse uu aad ugu faraxsanyahay in maanta loo ogolaaday shatiga [Laysanka Minnesota].

Maxamed, Maamulaha Dahabshiil (manager) ee Minnesota waxa uu sheegay in ay shirkadu buuxisey dhammaan shuruudihii laweydiiyey si ay u helaan shatigaas. Shuruudahaas oo ah kuwo ay soo saartay qaybta maaliyada ee Gobolka Minnesota. xeerkaas oo dhigayey "Lagabilaabo January 1, 2002, dadka ka shaqaynaya ama ku hawlgala lacag gudbinta (ama xawilaada) waxaa waajib ku ah in ay haystaan Shatiga (leysanka) Wasaaradda Ganacsiga." [Xeerkan.Akhri]

X U S U U S I N
cabdalla1.jpg Akhri halkan
Sawirkani waa wiil Soomaaliyeed oo kusugan Yaman, oo u baahan mucaawino aadamino. GUJI...
Minnesota waxay kamid tahay gobolada ay ugu farabadan yihiin Soomaalida kudhaqan cariga Maraykanka, kuwaas oo aad u adeegsada habka xawiilada Soomaalida marka ay eheladooda joogta Soomaaliya u xawilayaan lacagaha ay u baahanyihiin in ay ku kabaan nolol maalmeedkooda maadaama aysan Soomaaliya ka jirin ilo dakhli ama dhaqaale.

Ilaa iyo haadda (Jan 4) waxaa shatiga xawaalada Minnesota lasiiyey laba shirkadood oo ay midi tahay Dahabshiil, tan kalena ay tahay shirkadda lagu magcaabo Sigue Corp. oo xarunteedu tahay San Fernando, California. Shirkada Sigue waxay lacagaha u xawishaa ama ka xawishaa dalalka Mexico, Guatemala iyo Nicaragua.

Shirkadaha kale ee Soomaaliyeed ee xawaalada sida Jubba Financial Services, Amal Money Wire iyo Somali Global Services (Alkhayraat) ayaa weli sugaya jawaabta hay'ada u qaabilsan bixinta shatiga Minnesota.

Mar aan maanta lakulanay mid kamida shirkadda Somali Global Services (Alkhayraat) wuxuu noo muujiyey sida ay ugu hanweynyihiin in ay helidoonaan shatigaas dhowaan.

Shirkadaha waaweyn ee aan weli sharcigaas xawaalada Minnesota lasiin waxaa kamida Western Union, Travelers Express iyo American Express oo ah shirkado waaweyn oo kajira Ameerika.

Sida ay sheegtay wasaarada Ganacsiga (Minnesota), lama ciqaabayo shirkadaha codsiga shatigaas soo xereeyey wixii ka horeeyey waqtigii ballanta ahayd in la codsado. Waxaana warku sheegay in ay hawshooda sii wadan doonaan inta looga soo jawaabayo. Shirkadaha aan codsigaas dalban waxaa sharci laga qaadidoonaa wixii loo gaaro Febraayo 1, 2002.

SOMALITALK NEWS | MINNEAPOLIS, MN, USA | Jan 4, 2002
Cusboonayn: Janaayo 5, 2002


Maraykanka oo Xanibaadi Kaqaaday $50,000 oo ay lahayd Shirkad Soomaaliyeed
MINNEAPLOIS: Shirkada xawilaada ee Somali Global ayaa maraykanku u fasaxay lacagtii horay looga xanibay...
KA.AKHRI.HALKAN Dec 27


FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002


GABAYO: MUHASHO | YAA-SOOMAAL | MAHADHO | CUDDOON | SIYAASADDA.PL

MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaaLondon, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN




Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety