Al-Itixaad iyo SRRC Kumaa ah Argagixiso?
Mohamud Yusuf Garre
yusuf22@lycos.com
Janaayo 2, 2001
Burburkii taliskii Siyaad Barre kadib waxaa soo ifbaxay ururo fara badan isuguna
jiray kuwo diimeed sida Al-itixaad iyo Al-islaax iyo kuwo siyaasadeed sida
USC,SSDF, SNF iyo RRA haatan ku bahoobay isbaheysiga SRRC.
Sanadihii xigay burburkii taliskii Ina Siyaad waxaa muuqday loolan xoog leh oo
ay ururada siyaasadeed iyo kuwa diimeedba ugu jireen gacan ku dhiga hogaanka
wadanka.
Shir nabadeedkii u horeeyey ee lagu qabtay Jabuuti laguna doortay in Cali Mahdi
Maxamed noqdo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa markiiba ku gacan seyray
hogaamiyihii ururka USC Gen. Maxamed Faarax Caydiid weeraro ba'ana ku qaaday
waqooyiga Muqdisho oo uu ka talinayey Cali Mahdi iyo weliba koofurta iyo
Gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Isla sanadkaas ayaa ciidamada ururka SNF weeraro ku qaadeen gobolada Bay iyo
Bakool halkaasoo ay ku gumaadeen shacan aan waxba galabsan, bililiqeysteena
hantidii shacabkaas, taasoo sababtay in kumanaan qof u dhintaan macaluul,
kumanaan kalena ku sigtaan iney raacaan, nasiib wanaag beesha caalamka ayaa soo
dirtay cunto ay weheliyeen ciidamo shisheeye taasoo badbaadisay shacabka
gobolkaas.
Ururka Al-itixaad wuxuu dhankiisa kaga jiray loolankii siyaasadeed, wuxuu
saldhigyo ciidan ku lahaa gobolka shabeelada hoose taasoo cabsi weyn ku abuurtay
hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ka jiray, sababtayna in ugu dambeyntii lakala
diro ciidamadii u daacada ahaa ururka. In badan oo kamid ahaa ciidamadaas ayaa
waxey ku laabteen gobolada waqooyi bari oo ay qabiil ahaan ku abtirsadaan.
Badiba ciidamadii u daacada ahaa ururka Itixaad waxey ahaayeen dhalinyaro da'yar
lagana dhaahdiciyey fikrada ah "ITIXAAD KELIYA" taasoo ah in qofkii aan
taageersaneyn ururka qaldan yahay.
Ma dheereyn markii ay madaxa is dareen ciidamo uu watey Cabdulahi Yusuf iyo kuwo
daacad u ahaa ururka Itixaad. halkaasoo ciidamadii duulaanka ahaa ee uu watey
Cabdullahi Yusuf ku gumaadeeb boqolaal dhalinyaro aad u da'yar, fikrad weyna aan
ka heysan loolankii siyaasadeed ee meesha ka socday una dhexeeyey ruug cadaa
SSDF ah iyo hogaamiyeyal Itixaad xukun doon ah saldhigooduna ahaa UAE, Jabuuti
iyo Kenya.
Sanadkii 1996 ayaa dowlada xabshidu weerer balaaran kusoo qaaday gobolka Gedo,
waxaa ciidamada xabashida horkacayey Cumar Xaaji Masale, ciidamadaasoo ku
gumaaday halkaas boqolaal qof oo rayid ah kuna barakiciyey kumanaan qofood kale.
Ciidamada xabashidu weli ma joojin weeraradaas waayo markey u baahdaan iney
argagax ka dhaliyaan cariga Soomaaliya xadka unbey kasoo talaabaan.
Sidoo kale bartamihii iyo dhamaadkii sanadkii ina dhaafay ayaa ciidamo uu wato
Cabdullahi Yusuf isuguna jiray Xabashi iyo Soomaali weeraro ku qaadeen gobolada
Nugaal iyo Garoowe, halkaasoo ay ku laayeen shacab masaakiin ah una badnaa dumar
iyo caruur. Cabdullahi Yusuf oo taageero ka heysta dowlada xabashida ayaa ilaa
iminka argagax ku haya shacabka gobolkaas Puntland.
Ku dhawaaqii dowladii CARTA kadib, waxey dowlada xabashidu aasaastay ururka la
magac baxay SRRC (Somali receonciliation and Restoration Council) kaasoo ay ku
bahoobeen hogaamiye kooxeedyo ay kanid yihiin Xuseen Caydiid, Cabdullahi Yusuf,
Shaati Guduud iyo kuwo kale oo fara badan.
Madaxda ururka SRRC waxaa saldhig u ah magaalada Adis Ababa halkaasoo ay ka
talo, tusaale iyo amarba qaataan ra'iisul wasaaraha dowlada xabashida Melez
Zenawi.
Qaraxyadii ka dhacay rugta ganacsiga aduunka iyo goobo kale oo ka tirsan cariga
mareykanka laguna eedeeyey inuu ka dambeeyey ururka Al-qaacida ee uu hogaamiyo
Usaama bin laden dabadii, waxey dowlada xabashidu sheegtay in dowlada
Cabdiqaasim xiriir la leedahay ururka Al-qaacida, dowlada itoobiya oo ka
faa'ideysaneysa fursadan dahabiga ayaa sheegtay iney weerer mileteri ku qaadi
doonto cariga Soomaaliya hadii dowlada Mareykanku ku taagereyso arintaas, si ay
u bur buriso waxey ugu yeereen argagixiso ka jirta gudaha Soomaaliya iyo
saldhigyo ururka Al-Qaacida ku leeyahay halkaa, balse dowlada mareykanku wey ku
gacan seyrtay fikrada xabashida.
Dowladaha jaarka la ah Soomaaliya sida kenya, Jabuuti, Suudaan iyo dowlada
Cabdiqaasimba waxey sheegeen inaaney haba yaraatee wax argagixiso ah ka jirin
gudaha Soomaaliya, dhankoodana ururka SRRC waxey sheegeen in ururka Al-Qaacida
saldhigyo mileteri ku leeyahay gudaha Soomaaliya. Xuseen Caydiid ayaa bishii
hore bilowgeedii u sheegay saxaafad caalamka in ay Soomaaliya soo galayaan
argagixiso kasoo carartay Afgaanistaan, sidoo kalena shir jaraa'id ay Xuseen
caydiid, Aadan Gabyow iyo Shaati Guduud usbuucii tegey ku qabteen magaalada Adis
Ababa ayaa waxey ku sheegeen in ay Soomaaliya ka jiraan saldhigyo ay leeyihiin
ururka Al-Qaacida ee uu hogaamiyo ninka mareykanku sida aadka ah u doonayo ee
Usaama Bin Laden. Waxey sheegeen in ururka Itixaad xiriir weyn la leeyahay
ururka Al-qaacida. Sidoo kalena waxey dowlada mareykanka ka codsadeen iney
weerer mileteri kusoo qaado cariga Soomalaiya. Waxey kaloo ka codsadeen dowlada
mareykanka iney ku caawiso ururkooda SRRC saanad mileteri iyo
mid maaliyadeed si ay u cayaaraan doorkii Isbaheysiga Waqooyi (Northern
Alliance) uga ciyaareen bur burintii xukuumadii Dhaalibaan (Taliban) ee
Afgaanistaan.
Horay looma arag loomana maqal hogaamiyeyaal codsanaya in cadow shisheeye
weeraro shacabkooda, waxaase taas kasii yaab badan in hogaamiyeyaashanu xisaabta
ku darin cida ay xukumi doonaan hadii Mareykanku weeraro gumaadana shacabka
Soomaaliyeed maadaama hogaamiyeyaashanu yihiin kuwo haraad ba'an u qaba hogaanka
Soomalaiya.
Umada Soomaaliyeed yar iyo weynba waxey ka warqabaan in ururka Itixaad aanu wax
saldhigyo mileteri ah ku laheyn Soomaaliya, isla markaana aan la arag
firfircooni siyaasadeed uu ururku lahaa dhowaanahan, dhanka kalena ururka SRRC
wuxuu cadeeyey baahida uu u qabo in ciidamo shisheeyey soo galaan gudaha
Soomaaliya, gumaadaana shacabka Soomaaliyeed aan nabad arag 12kii sano ee lasoo
dhaafay ayna dilootay gaajo, cuduro iyo amaan daro.
hadaba su'aashu waxey tahay ITIXAAD IYO
SRRC KUMAA AH ARGAGIXISO?
Jawaabta su'aashaasi ma aha mid dheer laga doonayo, waxaana shaki ku jirin in
ururka SRRC yahay midka argagixisada ah maadaama hogaanka ururkaas doonayayaan
in shacabka Soomaaliyeed noqdo mid maalin dowlada xabashidu gumaado, malainta
xigtana mareykanku cirka ka duqeeyo, maalinta sadexaadna ay iyagu gowracaan inta
ka hartay shacabka Soomaaliyeed.
Mohamud Yusuf Garre
yusuf22@lycos.com
_________________________________
FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002
AFEEF: Aragtida qoraalkani xambaarsanyahay waxaa leh isla mar ahaantaana ay gaar u tahay qoraaga kusaxiixan, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk.com.