War Saxaafadeed: Afhayeenka Ururka SRRC ee Waqooyiga Maraykanka
CabdiBarre
jabriil62@hotmail.com
Janaayo 1, 2001
Heshiiskii Seddex geesoodka ahaa ee C/Qasim-Cismaan Caato oo dhinac ah, Col. Hasan Abshir-Col. Jama Ali Jama oo iyana dhinac ah Iyo Magac u yaalada kale oo ay ka mid ahaayeen Qanyare-Bood-Jees oo dhinac kala ah, go'aankii ay ku gaareen Nakuuru waa loo fadhiyay inuu qalalaaso iyo mu'aamaraad siyaasadeed oo horleh ku wajihin doono Goobaha, Gobolada Nabadda iyo meelaha aan Gacantooda ku jirin.
Waxaanse loo fadhiyin sida bareerka ah oo ay durba u adeegsadeen Al-Ittixad oo durba weerarro argagixisanimo ka billaabay Gobo Badan;
Dhacdo: Qalaalaasihii u horeeyay waxay la beegsadeen goobihii Degamada Madiina sida nabadda ah uu Xaji Muse Suudi uga talinayay. Oo ay ka gaysteen dil, dhac iyo boob aan la soo koobi karin. Weerarkaas waxaa iska kaashaday Maleeshiyada Booliska kooxda Carta.
Dhacdo: Al-Itixaad oo ay gadal ka soo riixayaan Cismaan Caaato iyo Col. Jama Ali Jama waxay iyana falal argagixiso shalay oo ay bishu ahayd Dec. 31/01, ka gaysteen Gaalkacyo, oo ay ku weerareen ganacsato aan waxba galabsan. Ujeedada laga lahaana ay tahay in la iska horkeeno beelaha nabadda u dagan Gaalkacyo.
Dhacdo: Kismanyo Dec. 29/01 Ciidanka C/qasim uu ku qabsaday Kismaanyo kana koobnaa Maxaysatada uu hogaaminayo Col. Barre Hiiraale iyo Ciidamada Maxkamaddaha Islaamiga lagu sheegay waxay si bareer ah ugu dileen faras magaalaha Wiil la yiraahdo; Cabdi Cadde oo u dhashay deeganka. Iyadoo ujeedadooda ay tahay inay bara kiciyaan (Ethnic cleansing) dadka deegaanka.
Hadaba wuxuu ururka SRRC ku dhawaaqayaa Nin kastaba ha maqlee, inuu diiwan galinayo mar kasta, shcibka Soomaalida oo ay argagixisada Carta, Al-Ittixaad, iyo Dalayda calooshood u shaqaystayaasha ah bareer iyo qarsoodiga u laynayaan. Waxaana naga go'aan ah inaanaan harsan illaa Shicibka Soomaalida ay ka helayaan Caddaalad, maxkamadna lagu soo taagayo Argagixisada Carta iyo wax alla wixii ku lug leh falalkan Argagixiso oo ay caadaysteen.
Wa Billahi Tawfiiq
CabdiBarre
Afhayeenka Ururka SRRC ee Waqooyiga Maraykanka
_________________________________
FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002
AFEEF: Aragtida qoraalkani xambaarsanyahay waxaa leh isla mar ahaantaana ay gaar u tahay qoraaga kusaxiixan, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk.com.