SOMALITALK.COM
E.S.L
Waa bog aad k helikartid macluumaad ku saabsan ESL (English as a Second Language)
www.esl.net
TOEFL
Waa bag aad kahelikartid macluumad kusaabsan TOEFL (Test of English as a Foreign Language)
www.toefl.org
BILICDA SOOMAALIYA
Si aad waxbadan uga ogaatid bilicda Soomaaliya iyo khayraadka ku duugan Guji halkan
IS-XISAABI
Is-Xisaabi inta aan lagu xisaabin
Fadlan Guji halkan
BBS PRESS
Bayaano Beelaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle
Guji/Click
QALIN JEBIN
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000.
Guji halkan
Hambalyadii 2000
URURKA MSSU
MSSU waa ururka midowga ardada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota.
Guji halkan: 2001
June2000 | May2000
MUSLIMIINTA USA
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka
Guji halkan
MUSLIMKA MINNESOTA
Muslimiinta Minneapolis MN Talo ayay u baahan yihiin
Guji halkan
SALAADIHII CIIDDA
London, CA: Adha | Fitri
Minnesota: Fitri | Goobta
TAARIIKHDA LAGAMA BEENSHEEGO
Guji halkan

| Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

PUNTLAND NEWS
Warbixinti Cabdulahi Yusuf ee RAI UNO

RAI: www.rai.it

ITALY, Nov 20, 2001 - waxaa xalay saacadu markay aheyd 22:45 televisionka Raiuno ee dalka talyaaniga laga soo daaya barnaamij ay soo diyaariyeen Wariyaal dhawaan Puntland tagey.

Topic laga hadlaayey waxaa weey Argagaxisada Puntland lagu sheegayo. Waxay wareysi layeesheen Cabdullahi Yussuf. Barnaamijka aad ayuu u dheeraa waana soo gaabin doonaa waxay ka hadleen.

Marka hore waxaa warbixin sii yay cabdullahi yussuf (Arinkaan oo aad uga fajicisay dadban oo daawaday barnaamijka oo ay qaarkood seexaan waayaan.)

Cabdullahi wuxuu ku taagtaagsaday in Puntland iyo somaaliya oo dhan ay Al itixaad gacanta ku dhigtay. Wuxuu yiri meel layiraaho Qajaadsame iyo ALxamduliAllah oo Boosaaso 40 km u jirtay iney AL qaaida xeryo k uleeyihiin halkaasna lagu towbaro ciidamadooda.

Wuxuu kaloo sheegay in ciidan gaaraya 400 oo nin oo somalia ah ay hada Osama la socdaan. wuxuu kaloo yiri dhamaan Iskullaadka, Bangiyada, Dukaanada iyo dhaamaan Puntland iney gacanta ugu jirto AL Itixaad iyo Osama.

Waxay soo saareen masawiro ay ka soo qaadeen Iskuulaadka iyo Jaamacada Puntland oo dad si aad u xijaaban ay wax kabaranayaan kana dhigayaan taas oo u fasireen iney dadkani yihiin Extremist ama Xag jira. Waxay masawiro ka soo qaadeen suuqada magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo oo lacagta baanaka lagu kala iisanayo waxayna ku fasireen in lacagahaas uu Osama leeyahay.

waxay masawiro ka soo qaadeen Al barkaat iyo AMal, iyo Kaah IYo AL Khayraart daaraha iyo xarumaha waaween ay ku leeyihiin Boosaso. Waxanya ku sifeeyeen in ay halkaasi ku xareesan yihiin lacagaha Al qaida, taasoo cabdullahi yussufna uu uqiray inuu Osama lee yahay. Waxay kaloo soo sawireen Iskool Gabdhaha loogu talagalay oo kuyaal magaalada Gaalkacyo, Iskuulkaas ayaa dhismihiisa waxaa wax kabixiyey Talyaaniga, Iskuula waxaa la tusay iney gabdhaha dhigtaa ay aad u xijaaban yihiin isla markaas wariyaha ayaa wuxuu COMMENT ahaa ugu daray "waa kaas lacagtii meesha ay gashay", asagoo ka wada dugsiyo Islaami xag jira ah. Waxay soo masawireen magaalooyinka oo dhamaan dadka ay aad u asturanyihiin oo xijaaban yihiin dumarka ayagoo raba iney u fasiraan in ay Puntland tahay xaruntii Al Qaida. Waxay kaloo soo saareen masawiro xaga cirka laga qaaday oo ay ka soo qaadeen meel u dhaxeysa Boosaaso iyo Qardho oo ay dadka guryo ka dhisteen aad u qurux badan waxay yiraaheen waxaa iskaleh Osama bin Ladin, waxaana taas u xaqiijiyey Cabdullahi yussuf oo kusii daray in halkaas ay u badan tahay inuu ku soo cararo markii Afghanistan gacanta lagu dhigo.!!!!

Waxay kaloo soo sareen iskuulaadka casriga ah ee Computerada oo dad wadaado ah wax ka dhigayaan si ay u tusaan u wax barashada Al qaida iyo Itixaad ay gacanta ku hayso!!!

Cabdullahi oo hadakliisa sii wata ayaa wuxuu yiri hadaan arinkaa si deg deg ah wax looga qaban Westernka mardanbe ayey ka shalaayin doonaan, oo dadkani waxay gacanta ku dhigi doonaan East Afrika oo dhan.

Waxay kaloo wareysteen nin kamid ah Maamulka cabdullahi ninkaas oo u shiday cajalad uu ku laga soo duubay TV soomaliya ka hor dagaaladii oo waxaa kujira Gabdho iyo dumar niikina haya ama ciyaaraya ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka markaas ayuu wuxuu yiri ""waa kaas saas ayey dumarka soomalida ahaan jireen wixii ka horeeyey 1989, hadana fiir banaanka say u labisanyihiin""" markaas ayaa waxaa la dabadhigay masawir ay Gaalkacyo bartamaheeda ka qaadeen oo dumar wada asturan oo Jalbaab qaba. Markaas wuxuu sii raaciyey waa u jeedaa say u qabsadeen Somalia.

Waxay kaloo masawir ka soo qaadeen dhalin yaro uu dhawaan cabdullahi ku xiray Gaalkacyo uu ku sheegay iney u socdeen Afghanistan si ay Osama ugu dagaalamaan " waxayna wareesteen wiil labaanatan jirah oo Maxamed lagu magaacabay "wiilkaas ayey waxay ka duubeen asagoo leh waxaan u soconey afghanistan saan u soo jihaadno oo jano u galno""" waxaa kaloo meesha fadhiya dhow wiil oo kale oo madax laga soo xiiray.

Barnaamija gababadiisa ayaa waxaa lagu soo xiray Comment ay ka bixinayaan wariyaasha waxay Puntland ku soo arkeen, waxayna yiraaheen waxaan ku soo araganay cilm, lacag, quwad aad xoog leh iney ku leeyihiin AL itixaad iyo ALqaida waxayna xeebaha Puntland ku magacaabeen "XEEBAHA OSAMA BIN LADIN" waxaana ku lifaaqsan Clip cabdullahi yussuf oo hadlaya oo leh Waxaan ahay nin soomali ah oo ku dhashay soomaliya waana aqaan somalida waxaan lacag ah malaha soomalida waana mid dibada ka timid waan inaanu iska qabanaa. wuxuu yiri Osama ayaa leh maantana goorta uu rabo ayuu ka soo degi doonaa xeebaha Puntland iyo dhaman soomaliya.

wuxuu ku khatimay waan halgameynaa oo waan iska dhicineynaa argagaxisada. Markaas ayey weediiyeen oo waxay yiraaheen oo Gaalkacyo adaa gacant ku haya miyey Al itixaad joogaan markaas intuu qoslay ayuu yiri "" orodoo Gaalkacyo soo dhexmar waa arki doontaa quwada ay ku leeyihiin waana meesha soomaliya ay ku kulamaana marka ukala gooshayaan Itoobiya ilaa Boosaaso""

Barnaamijka waxaa soo daayey TG T oo ka soogalay RAIUNO ee Talyaaniga.

ISHA-WARKA: Barre Maxamad barre100@hotmail.com


12 Qof ayaa kudhintay Dagaalkii Arbacadii Nov 21 kadhacay Garoowe
Akhri Warkan...

AFEEF: Qoraalkaan waxaa sida uu u qoranyahay nagusoo gaarsiiyey qoraaga ku saxiixan.


FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MASJIDKA ABUBAKAR
abubakar Mashruuca Masjidka Abubakar
Warbixin kusaabsan halka uu marayo Mashruuca Abubakar As-Saddique ee Minnesota Ka akhri halkan
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaaLondon, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN

XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV



Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety