DhagartaTigreyda u adeegsaneyso maleshiyooyinka kooxaha
Dr. Saciid Ciise
Atlanta - USA
saciidciise@aol.com
Janaayo 4, 2002
Saciid.1 | Saciid.2
Dadka Soomaaliyeed waa dad isla weyn, waana wax wanaagsan inaad is kala
weynaatid wixii xumaana oo heerka dadnimada aan la socon Karin. Qawaniinta
dadku u samaystay inay dhaqdo qofka damiirkiisa waxay u maraan jidad badan oo
kala duwan oo dhamaantood ku wada dhamaada aragtida ku salaysan waxa guud
ahaan dadku u arko wanaag.
Dad badan oo Soomaaliya waxey isweydiiyaan waxa ka qaldan dhaqanka
Soomaaliyeed marka ay dib uga fekeraan dhacdooyinka Soomaalida ka dhaca marka
ay la soo gudboonaato xili dagaal.
Abaanduliyeyaasha dagaalka Beelaha oo ah dagaalyahan ku soo barbaaray
dhaqanka qabiilka ee ku aadan dagaalka ayaa waxay noqdaan kuwo geesinimadooda
awgeed saameeyn weyn si dadban ugu yeesha adeegsiga dhaqanka xun ee ku aadan
colaadaha beelaha wada dega u dhexeeya.
Nin Ingriis ah oo aad u daneeyey islaweynida Soomaalida ay u hayso
dadnimadooda iyo mowqifkooda aan lahayn shakiga ee ku aadan in gobanimadooda
ay ka difaacdaan shisheeyaha, ayaa safar ku yimid Soomaaliya 1942, isaga oo
lugta ku marayey gobolada waqooyi dhinacooda koofureed. Ninkaas wuxuu heystey
sawir ah in dadkii jebiyey wadanka Ingiriiska oo adduunka horey ugu awooda
roonaan jirey, iney leeyihiin qiimo aad u sareeya oo ay u hayaan dhowrista
heybada iyo sharafka dadnimadooda. Maxaayeelay dadka Ingriiska waxay markasta
ku ahayd arrin aan la qaadan karin markii gumeysiga Ingriisku uu la galay
dagaalka dagaalyahankii gobonimada Soomaaliyeed ee Sayid Mohamed Cabdulle
Xasan in ciidankii Soomaaliyeed ay kumanyaal dagaalka ugu dhimanyeen iyaga oo
ka soo jeeda dal dadkiisu tiro yar yahay, haddana aadan moodin in dad ka
dhinteen qiimaha ay u qabaan sharafka madaxbanaanidooda awgeed.
Nasiibdarro markii ninkaas uu hoos u dhexgalay bulshada dadka Soomaaliyeed ee
degaankaas wuxuu kala kulmay wax qiimo ahaan uu aadamigu ka argagaxo. Wuxuu
arkay in dadka Soomaaliyeed aysan ehelnimo wadaninimo aysan wadaagin oo waxa
ay degaanka ka aaminsan yihiin uu yahay gooni u daaq. Waxaa yaab weyn ku
noqotay marka beelaha wada dega ay colaad dhexmarto sida aan raacsaneyn
qiimaha dadnimada oo ay iskula dhaqmaan gudahooda, haddana dhaqankaas xun ay
ku faanayaan oo ay weliba iskula weyn yihiin. Wuxuu tusaalle u soo qaatay in
dagaalyahanka beelaha oo intooda badan ah rag, ay ku dhiiran yihiin in naag
uur leh oo ah hooyo mudan gargaar aadaminimo iyo in lagala xishoodo dhib la
dareensiiyo, iney dooxaan uurkeeda, haddana ay gowracaan caruur aan dhalan oo
isla mar ahaantaasna ay ku faanaan iney dileen cunug wiila.
MAXAY GALABSATAY MIMMI?
GUJI...
Qore: Liiban Shariif
Stockholm, Sweden
|
Arrintaas oo kale waxey cid kasta oo fekereysa xasuusinaysa wixii ka dhacay
Xamar 3dii oktoober 1993, markii wiil da`yar oo Mareykana oo dalka loo keenay
arrimo la xiriira bani'aadaminimada inta la meyd garaacay isaga oo jirkiisa oo
dhan wada dhiiga in lagu jiido jidadka, haddana lagu faano falkaas arxan
daradaa. Inkasto Mareykanku ku qaldanaa dagaalka, haddana in si ka baxsan
baniaadaminimada loo dhaqmo xiliga adag waa talo aan caafimaadqabin oo ka soo
jeeda xeer dhaqameed xun.
Wadaadada dagaalka oo ka xeer duwan abaanduliyeyaasha qabiilka ayaa dhaqanka
Soomaalida sidoo kale si dadban waxey ugu leeyihiin saameeyn. Wadaadadaas oo
hugan dhaqanka Carabta oo khilaafku ku sal adag yahay ayaa diinta u adeegsada
qalab siyaasadeed ahaan. Waxaa soo kordhay in masaajidka la isku dooxo ama
inta la tukado, wax yar kadib dadkii wada tukanayey ay ka qeyb qaadanayaan
falal waxyeelo ku ah dadka walaalahooda. Cimaamad la qaato astaan uma
noqonayso dagaalka dhinaca diinta. Dowlad xukumi karta ma jirto qofka
qalbigiisa, waana taas mida adduunka ku dhalisay in wax muuqda oo xeera qofku
marka uu jebiyo lagala xisaabtamo, caqiidadiisana loo daayo Ilaah inu kala
xisaabtamo. Diinta oo inta badan ay saldhig u tahay aaminsanaanta qofka ayaan
cidna suurtogal u ahayn inay ogadaan waxa ku keydsan qalbigiisa. Wadaadadaas
waxey u dagaalamayaan xoog ku socodsiinta diinta iyaga oo dadku muslin yahay,
taas miyeysan la mid ahayn Ciidanka Sacuudiga oo salaada jimcaha dadka
jididedka ku soo garaacaya si ay u galaan salad qasaba.
Waxaan la yaabi jirey wadaadka Cali Dheere oo degen Karaan iyo wadaadka Muse
Suudi Yalaxow oo degen dharkinley inta sameysteen maxkamado dadka gacmaha iyo
lugaha ka goynayey iyaga oo sheegaya iney diinta wax ku xukumayaan. Waxaana
si cad u muuqatay waqtigaas in cidamo fara badan oo meelaha ay ka talinayeen
joogey ay si burcadnimo ah u abaabulnayeen, laakiin aysan u muuqan
wadadadaas, iyaga oo siyaasad ahaan u arkayey ciidan beesha difaacda, isla
markaasna wadaadada indhohoodu ay si wanaagsan ugu jeedeen fal dambiyeedka
dadka tirada yar oon hubeysnayn, kuwaas oo ka ah masuul caruur badan oo aan
heysan waxey cunaan, haddan aan awoodin iney sharaf meheradooda ugu shaqo
tagaan.
Hadda ka hor ayaa nin la yiraahdo Jamal oo magaalada Muqdishu ka ahaan jirey
duqa magaalada wuxuu jebiyey guri uu dhistay nin maskiina oo ku yaaley meel
dukaafada, isaga oo sabab uga dhigay sharcidarro, laakiin ninkaas wuxuu
ogsoon yahay raga dowladda madaxda u ah qaarkood iney la mid yihiin oo dhulal
iska dhistaan haddii ay rabaan oo aan laga dumin Karin. Isaga oo ka xun
cariishka ilmahiisa laga dumiyey ayuu wuxuu yiri " aduunka waxaa jira laba
Jamaal, midna dadkiisa ayuu jihad ugu jiraa(waa Jamaal Cabdinasir), midna
carruurtii ayuu jikooyinka ka jebinayaa".
Wadaadadu waa ineysan dalka gelin dagaal diineed oo ka murugo badan kan
qabiilka. Qaaliyaasha ka soo shaqeeyey gobolada dhexe waa adag tahay in laga
helo wadaad aan dhaawac ka soo gaarin dulmi uu diinta u adeegsaday, maxaa
yeelay dadku waa jecel yihiin diintooda, laakiin marka siyaasad ahaan loo
adeegsado sidii laga doono, dadka waxey ku reebeysaa in lagu handadayo
cabsida magaca Ilaahey, qaladka muuqdana uu u noqonayo magaca diinta
maamulkeeda. Marka waxaan qabaa in inta wadaadadu ay dhiibato iyo fidno
diimeed dadka u keeni lahayeen, magacxumo maamul diimeed lehna laga dhaxli
lahaa, waa in diinta ay u dayaan caqiidadeeda ayna ka gaabsadaan iney ka
dhigaan siyaasad wadata xoriyad ka qaad oo aan dadka lagu dirqin maamulkeeda.
Halgamayaasha Jabhadaha oo ah macangegyo ka soo jeeda dhanka ciidanka
milateriga ayaa intooda badan ah kuwo jira siyaasada beelaha dhankeeda adag.
Halgamiyeyaashaas waxey u dirirayeen si jabhada oo hubeysan, waxey xoog ku
doonayeen xaq ay arkeen inuu ka maqan yahay. In xaq loo dagaalamo ma ah wax
xun haddii cida xaqa laga tabanayo ay diido iney dhiibto xaqa, laakiin
jabhaduhu waxay ahayeen kuwo dhego la' oo xaqa ka maqan mahaa aysan u muuqan
waxa ka horeeya iyo waxa ka dambeeya. Ereyada jabhadaha waxyaabaha ugu yaabka
badnaa waxaa ka mid ahaa dal ay burburiyeen oo ay leeyihiin waan xoreynay,
Fikradooda ayaad kala soo bixi kartaa inay u arkaan maamulka ay la
dagaalamayaan sidii inuu dalka heysto cadow shisheeye oo la mida kii
gumeysiga, aragtidaasna waxey keentay burburinta dalka iyo in ay jid ka
dhigtaan in dal xora ay dib u yiraahdaan waa la xoreeyey.
Qof haddii si xun uu xaqa u doono waxaa sida badan uu galaa xaqdarro ka badan
tii uu doonayey. Horay ayaa loo yiri arrinu meesha ay ku dhamaato waxay ku
xiran tahay jidka aad u martid.
The transitional government in Somalia has repeated accusations that Ethiopia has sent troops across the border to train militia groups opposed to it.
Read
Ethopia 'training Somali militias' BBC Africa, Jan 3, 02
He [Nuruddin Farah] blamed neighbouring Ethiopia for stirring up trouble and seeking to convince the United States that it should take military action against Somalia as part of its anti-terror campaign. Read Somali writer says U.S. misreads bin Laden story alertnet, Jan 3, 02
The Ethiopian government has denied media reports that it has sent military personnel to Baidoa, 240 km northwest of the Somali capital, Mogadishu
Read
Addis Ababa Denies Military Personnel in Somalia Jan 2, 02
|
Jabhadihii dhamaantood waxay ku dambeeyeen kuwo isku rogey iney cadow ku
noqdaan: dadkii, dalkii iyo diintii. Waxaad mooda hadda iney dareemeen inuu
ah qalad ereygii ahaa anaa xoreeyey degmadaas, waxeyse ku bedeleen erey cusub
oo ah " looma dhameyn". Waxaa horay loo yiri nin waxgarada warkiis ma aha
"hadaan joogi lahaa waxbaan dhigi lahaa", maxaayeelay qof maskaxda ka jiran
ayaa isku heysta in maqnaashihiisu ay ka dhigeyso libaax goobta ka maqnaa.
Jabhadaha weli waxaa u muuqda xaqii ay ku bilowdeen, laakiin weli ma arkaan
dareenka xaqdaradaa oo ay hadda ku jiraan.
Siyaasadoodu waxey u dhamaatay kuwo doonaya iney urur walba oo ay galaan
jecel iney dumiyaan oo lagu kala tago iyo kuwo jecel iney dalka cadowgiisa
siiyaan sirta dalka si ay dheef uga helaan, ama kula dagaalamaan dalka ehelka
u ah wadanka.
Dhagarta Tigreyga oo ah mid aan keligeed istaagneyn, lugna ay ku leeyihiin
ururo shisheeye oo diin iyo siyaasadba leh, ayaa ah mid shaxdeedu ay aad u
sareyso. Waxey dhowaan dowlada Mareykanka u soo jeedisey qorshe ay ku
damacsan tahay in loo ogolaado in ay Soomaalida u sameyso dowlad. Markii
Mareykanku uu hordhigay qorshahaas Yurub, ayaa lagu diidey talo soo
jeedintiisa, waxaana isla markiiba bilowday in arrinta la isku qilaafo, maxaa
yeelay Yurub ayaa aaminsan in dalka Soomaaliya ay tahay dal ay horey u lahaan
jirtey, haddii wax la sameynayana ay iyadu hormood u noqonayso. Markii
arrintaas ay socon weysey, ayuu mareykanku ku maslaxay Tigreyga in uu u
furayo mashruuc uu ku siinayo la dagaalanka argagixisada, si ay u qoroto
ciidan sirdoona oo uga shaqeeya geeska Afrika iyo kooxo maleeshiyaa oo si
naxariis la'aana ula dagaalama ciddii loo arko argagixiso.
Tigreyga ayaa balanqaad lacageed siiyey madaxda kooxa Soomaalida si
mashruucaas Mareykanka maalgelinayo uu ugu adeegsado fulinteeda. Siyaasada
muuqata ee mashruucaas waa in madaxda jabhadaha maamulo ay iyagu xukumaan loo
sameeyo, lana siiyo hub ay kula dagaalamaan dowlad aan Tigreygu raali ka
ahayn. Qeybta qarsoon waa in kooxahaas ay Tigreyga u soo aruuriyaan ciddan
shan kuna oo ay jabhad ahaan u tababarto, dabadeedna ay kula dagaalanto
Jabhadaha Soomaalida Galbeed iyo dhaqdhaqaaqa Oromada, taas oo ay jid uga
dhiganayso iney la dagaalameyso argagixisada wadankeeda gudihiisa, arrintaas
oo ay og tahay iney si fiican uga gadmeyso Mareykanka.
Dalalka Yurub raali kama aha in Tigreygu ay wax ciidana u diraan Soomaaliya
iyada iyo kooxaha ay wadataba, waxeyna aaminsan yihiin haddiiba ciidan la
geynayo in ciidan reer Yuruba meeshaas la geeyo. Sidoo kale wadamada Carabta
ma jecla in Tigreygu waxa ay wataan ay ka socdaan dhanka Mareykanka, waxeyna
jeclaan lahayeen iney ciidan Caraba meeshaas la geeyo intii cid kale ay geli
lahayd wadan Caraba. Tigreydu waxey qabaan walaac weyn oo ku saabsan Ciidamo
yimaada Soomaaliya oo furfura waxyabihii ay maleegtey, taasna waxey ku
dhalisay iney mashruucaan dedejiyaan inta aan la isla ogolaan ciidan la geeyo
Soomaaliya.
Dalka Mareykanka raali kama aha inuu si qaawan Tigreyga ugu soo hogaamiyo
dalka Soomaalida, laakiin waxba kama qabo haddii iyada iyo xulafadeedu ay
wadanka ka raacdeyn karaan dadka hadda maamulaya.
Tigreygu waxaa u qorsheysan in marka hore ay Maleshiyooyinka kooxaha
Soomaaliyeed u adeegsato iney ku cirib tirto gobanimadoonka Soomaalida
Galbeed, haddi taas ay u hirgasho, waxaa xiga iney ciidan Soomaaliyeed ay ka
soo qoraato dhulka Soomaalida ay gumeysato, kuna xoojiso kuwa kooxa si ay u
qabsato dalka Soomaaliya, waxaana u qorsheysan iney ka taqalusto
hogaamiyeyaasha kooxa, si Soomaalida iyo Reer Galbeedkaba ay ugu muujiso iney
raali ka tahay dhismo dowlad oo dad dibeda laga soo xulay ay u hogaamiyaan.
SIYAASIGA SOOMAALIGA AH EE AAN RABNO YAA INOO HAYA??!!
GUJI...
Qore: Fahad Yaasiin
|
Tigreydu waxey googol furan u sameysay abaanduuliyeyaasha beelaha iyo
kooxahooda waxeyna halkaas ka heshay mariin lagu burburiyo isla weynidii
Soomaalida ay dalkeeda iyo diinteeda ay uga ilaalineysay shisheeyaha
cadowgaa. Dalka Soomaalida horey ugama dhicin oo waa taariikhda markii ugu
horeysey oo ay dhacdo Soomaali si raqiisa danta dalkeedii kala safatay tan
Tigreyga. Waxaa dalka ka dhacay in wadaado ay afduubeen sarakiil Oroma oo
jooga Xamar ayna gacanta u geliyaan maamulka Tigreyga. Waxaad moodaa in
dhaqanka xun ee Soomaalida ka jirta xiliga adag ay si qaldan ugu fideyso
dhanka siyaasada, taas oo mehered ay ka dhigteen dadka ka xumaada siyaasda
gudaha, kuwaas oo ku faanaya in dalkoodi iyo dalkoodi ay ku soo hogaaminayaan
cadow.
Qoraalkii hore ee saciid
Dr. Saciid Ciise
Atlanta - USA
saciidciise@aol.com
_________________________________
FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002
DISCLAIMER: Opinions expresses here are those of the authors, and do not necessarly reflect the opinion of SomaliTalk
AFEEF: Aragtida qoraalkani xambaarsanyahay waxaa leh isla mar ahaantaana ay gaar u tahay qoraaga kusaxiixan, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk.com.
|