Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK NEWS
NIN SOOMALI-SWEDEN AH OO LAGU XIREY ISRAEL OO LAGA SOO MUSAAFURIYEY.

33 jir soomaali-sweden ah oo ay qabteen ciidamadda sirdoonka Israel isagoo doonaya inuu ka baxo wadanka kuna sii socday Jordan horaanta bishan maarso ayaa laga soo saaray Israel.

Ninkaan waxaa uun lagu qabtey baaritaan joogto ah oo ay sameynayeen ciidamada Israel oo ay kula kulmeen dabadeedna waxay uga shakiyeen inuu xiriir la leeyahay waxa ay ugu yeeraan argagixisada, ma ahayn nin la baadi goobayay oo la baafiyey ,loogamana shakin wax dambi ah. Mar ciidamadu wareysanayeen ayuu muujiyey ama laga dareemay inuu rabitaan aan xad laheyn u hayo ururka argagixisada ah ee Al-qaacida waa sida ay Israel hadalka u dhigtaye.

Maamulka Israel ayaa hadaba u arka ninkaan soomaali-swedenka ah inuu khatar ku yahay amaankooda waxayna go'aansadeen inay Israel ka saaraan dibdanbana uusan ugu soo noqon ama si abadiye ugu soo laaban karin dhulka ay Isael ka taliso. Hay'ada sirdoonka ee wadankan Sweden oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan Såpo ayaa waxay cadeysay in ninkaan uusan wax dambi ka laheyn agtooda waa sida lagu soo daabacay jariidada Metro cadadeedii 23 maarso, 2002.

Hadaba dadka siyaasada Israel indha indheeya ayaa rumaysan in dambiga kaliya oo uu ka galay Israel uu yahay kaliya in magaciisa uu yahay magac muslim uuna asalkiisu ka soo jeedo wadan muslim ah oo, uusan wax aadmahu dambiga u yaqaan uusan gelin oo ay Israel doonayso inay u dulaysato sida ay hada gumaysiga ugu heyso dadka rayidka ah ee reer falistiin ee aan waxba galabsan.

C/xakiim Axmed Guled Stockholm, Sweden
guledhakim@yahoo.com

March 23, 202


DOWLADDA SWEDEN OO RAALI AHAASHO KA DALABTEY DOWLADA TURKIYA(SVT) Maanta ayaa Anna Lindh oo ah wasiirka wasaarada arimaha dibadda ee dowlada Sweden ka dalabtey raali ahaasho dowlada Turkiya hadal loo turjumi karo inay ugu yeertay wadanka kaligii taliye. Afhayeenka wasaarada arimaha dibadda oo lagu magacaabo Berit Jobeos ayaa sheegay in Anna ay khadka taleefoonka kula xiriirtey dhigeeda Ismail Cem oo ayna ka raali galisey habkii ay erayadeeda u xulatey wasiirada.

Shir qaramada midoobey qabatey usbuucaan ayay ku tiri Anna Lindh ”waa in kaligood taliyayaashu abuuraan xoriyad waasic ah, waxayna tusaale ahaan u soo qaadatey iyadoo ku weerarayso wadamada Ruushkacad, Shiinaha iyo Turkiya.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibadda mudane Jobeus waxuu yiri Turkiya ma ahayn in lagu tiriyo amaba isku mar carabka lagu dhufto iyada iyo kooxdaan.

C/xakiim Axmed Guuleed
Stocholm, Sweden

DHAQANGUURKA Soomaalida Sweden


AFEEF: Aragtiyaha qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan


SU'AALO CILMIYEED: GUJI...


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruucan masjidka oo ay kubaxayso $900,000.00 kun. waxaa hadda loo hayaa $740,323.11, warbixin GUJI..
XAWALADDA DALSAN
Xawaaladda DALSAN ee dacalada Adduunka Dalsan
KAAH EXPRESS
Xafiisyada KAAH EXPRESS ee daafaha dunida Kaah Express
SAXAABADA RASUULKA
Habnololeedkii Saxaabadii Rasuulka GUJI
SU'AALO / QUIZ
Isku day in aad ka jawaabtid su'aalaha kuqoran HALKAN
KOOBIGA DADKA
Macluumaad cilmiyeed kusaabsan Koobiyaaraynta dadka "HumanCloning" GUJI..
CYBERCRIME
Want to know more about the cybercrime
Check here

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.