Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - ITOOBIYA
"Waxba Kama Jiraan Billadii Zenawi" World Peace Council
ZenawiFadeexad Weyn ayaa la soo gudboonaatey Dalka Itoobiya, tan oo kadambeysey billadii Been Abuurka ahayd ee lasheegay in Zenawi  ku helay nabada Soomaaliya iyo Eretria. Waxaana arintaas beeniyey ururkii lasheegay in uu billaadaas bixiyey, waa World Peace Council.
[WARKA OO DHAN HOOS KA AKHRI]
Ma'ogtahay in Minneapolis laga furay Internet Access Soomaaliyeed
GUJI HALKAN - KADIBNA EEG MINNEAPOLIS
Masjidka Khaalid ee Toronto oo Sameeyey CD tafsiirka Quraanka ah
GUJI HALKAN - KADIBNA EEG TORONTO

In light of published accounts that the World Peace Council awarded a prize to President Meles Zenawi of Ethiopia, the WPC press bureau wishes to declare that no such award was given by our organization in the past or will be given to anyone.

All other information on this subject, wherever they originate from, should be considered as false and deceptive.

More information on WPC’s believes and activities can be found on our official web site: www.wpc-in.org . Email: info@wpc-in.org 

ISHA: http://allafrica.com/ethiopia 

Waxaa dunida la yaabeen markii ay ku baraarugeen in arinta kusaabsan billada uu ku guulaystey Zenawi ahayd mid been abuur ah oo la macmalay. 

Warsaxaafadeedka kasoo baxay ururka World Peace Council waxa uu billadaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

"World Peace Council (WPC) waxa ay cadaynayaan in billada Zenawi aysan waxba ka jirin. Dhammaan akhbaarta arintaas la xiriirta iyo meesha ay kasoo baxday waa in loo tixgeliyaa been abuur iyo khiyaamo" sidaas waxaa yiri warsaxafadeedka WPC.

Waxyaabaha ay qabtaan WPC iyo xaqiiqada warkaas waxaa lagala xiriiri karaa bogga rasmiga ah ee WPC oo ah: www.wpc-in.org . ama Email: info@wpc-in.org

Billadaan haadda ku noqotay been abuurka, waxaa markii hore la sheegay in Zenawi uu ku mutaystay nabad ka aslaaxinta Soomaaliya iyo Ereteria [warkii hore].

Majiro war cad oo kusaabsan arintaan been abuurka ee hadda soo cusboonaaday oo kasoo baxay maamulka Zenawi.

Aragtidii Dadweynaha Soomaaliyeed ee warkaan GUJI.HALKAN

###

Radio Xoriyo oo Faallo Ka Qoray Billada La Been Abuuray ee Zenawi

MELEZ ZENAAWI OO FADEEXOODAY
www.somalitalk.com/radio/xoriyo

Beesha caalamka ayaa la yaaban fadeexo caalami ah oo ku dhacday Melez Zenaawi todobaadkan. Fadeexadaas oo si balaaran looga sheegay saxaafada caalamka ayaa ah mid hada ka hor aan ka dhicin dunidan.Arintu waxay ku bilaabatay Melez Zenaawi oo laba todobaad ka hor sheegtay in ay Beesha Caalamku u aqoonsatay in uu yahay nabadoon caalami ah iyada oo la siinayo bilad sharaf la siiyo nabadoonada caalamiga ah oo la yiraahdo World Peace Award. Zenaawi ayaa la wareegayey in bilad sharaftaasi ay tahay mid sanadkii hal mar la siiyo ruuxa ay beesha caalamka u aqoonsato in uu yahay nabadoon caalami ah. Hadaba maalinta talaadada ee 23 bisha July waxaa warsaxaafadeed soo saaray ururkii uu Zenaawi sheegtay in ay siiyeen biladaasi caalamiga ah.

Ururkaasi oo la yiraahdo World Peace Council oo saldhigiisa yahay magaalada Athens ee dalka Greece ayaa sheegay in haba yaraate aysan jirin bilad sharaf noocaasi ah oo ay bixiyaan isla markaasna aysan weligood Melez Zenaawi siinin bilad sharaf madaama aysan jirin ba bilada nooca uu sheegayo oo ay bixiyaan.Ururkaasi waxay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen in hadalada sheegaya in ay Zenawi bilad sharaf siiyeen uu yahay mid sal iyo raad toona aan lahayn cidii sheegta arintaasna ay shacabka khaldayaan.

Arintan oon hada ka hor lagu arkin Dunida oo ruux sheegta in uu yahay hogaamiye dal oo waliba ku beenowda ayaa beesha caalamka la noqotay mid lala yaabo iyada oo muujinaysa in uu Melez Zenaawi yahay nin aan la aamini Karin oo uu hadana yahay mid dalalka reer Galbeedku ay ka dhagaystaan Talooyinka uu ka soo Jeediyo Geeska Afrika ayaa is Dabooli la'.

waraka maanta ee Radio Xoriyo

ISHA: Raadiyaha Gobanimadoonka - Xoriyo

 Wararka Kale ee Radio Xoriyo: www.somalitalk.com/radio/xoriyo

Warkii Hore ee Billada Been Abuurka ah ee Zenawi GUJI

SomaliTalk.com | July 27, 2002

 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.