Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - SOOMAALIYA
Warsaxaafadeed

Xoghayaha guud ee GMM
Cabdalla Macalim Maxamud (Cabdullahi siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

Guddomiyaha GMM Dr Cabdi Culusow,guddiga fulinta iyo xubnaha Golaha midnimada mudullood Dhamaan waxaay iyaga oo aad uga tiraanyeysan, aad iyo aadna uga xun dagaalada soo noqnoqday ee ka jira deegaanka Maka iyo Madiino ee Magaalada Muqdisho tacsi u dirayaan dhamaan eheladi dadkooda ku nafwaayeen dagaalkaas ,sidoo kale waxaay u sheegayaan in ay hiil iyo hoobo la garab istaagan yihiin dadki iyagana dhaawaca iyo bara kaca ka soo gaaray dagaaladaas .GMM waxaay odayaasha, culumaa’udiinka ,aqoonyahanka iyo siyaasiinta mudulood dhamaan ka codsanayaan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiyaan dirirta ka taagan deegaanka Maka iyo Madiino ee Magaalada Muqdisho.

 Soomaaliya iyo Sunta ku duugan
Meelaha sunta halista ah lagu sheegay waxaa kamida: Hobyo, Mareeg, Jawhar, Muqdisho, Marka, Baraawe, Bardaale (Baydhabo), Jamaame, Boosaaso, Xaafuun, iyo wadada u dhexeysa Boosaaso iyo Garoowe iyo meelo kale. Xeebta dheer ee Soomaaliya cid u warhaysaa ma jirto. Akhri warbixintii sunta Soomaaliya
Dr. Bashiir Sh. Maxamed

Waxaan u sheegaynaa kuwa caadaystay faragelinta arrimaha beesha mudulood iyo arrimaha maareynta deegaankooda in ay joojiyaan fara gelinta iyo soo dhex gelida khilaafaadka soo kala dhex gala hogaamiyayaal mudullood ,haddii kale wixi cawaaqib xumaa ee ka yimaado faragelintooda in ay iyaga dusha u dhiganayaan mas’uuliyadeeda, waa in ay ogaadaan in ay dhamaatay u dulqaadashada dadka nufuustooda daciifka tahay caadana ka dhigtay namiimnimo iyo kala geynta dad walaala ah iyaga oo falkan xun doonayo in ay ku gaaraan dana guracan ee lagu wiiqayo danta guud ee beesha mudulood.Dhinaca kale waxaan safxadda Ruunkinet iyo safxadaha kala midka ah soo tebinta wararka ku tiri kuteenka ah u sheegaynaa in ay ka waantoobaan soo tebinta warar aan lahayn raad raac iyo meel la saaro marka la gaaro waqtiga la xissabtanka dhamaan dadki u ololeeyay dab ka hurinta dad Somaaliyeed oo walaala ah dhexdooda.

GMM wuxaay Xaaji Muse Sudi yalahxow iyo dhinaca kale ee ka soo horjeedo ka codsanayaan in gacan ka hadalka lagu bedelo wada hadal iyo in xaaja kasto lagu dhameeyo miiska dushiisa iyado oo aan marnaba laga tagayn in heshiis kasto oo la gaaro asaaskiisa ku salaysnaado danta guud ee beesha mudulood iyo guud ahaan danaha ummadda soomaaliyeed .25/07/2002

1. Dr. ABDI MOHAMED ULUSSO, waa Guddoomiyaha Guud ee Golaha Midnimada Muddulood;

2. Mudane ABDALLA MOALIM MAHAMUD(Cabdulahi siyaasi), waa xoghayaha Guud ee Golaha Midnimada Muddulood
3.MAXAMED MUXIDIIN CALI,waa afhayeenka guud ee Golaha midnimada muddulood fadhigiisana yahay Magaalada Muqdisho

4. NUR CALI XASAN, waa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood ee Sweden.

5. DR. ABDULLAHI HASSAN Alasow ‘BARIIRRE’, waa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood ee Canada.

6. ALI MOALIM MUSE, waa Guddoomiyaha Gol;aha Midnimada Muddulood ee USA,

7. ABDULLAHI AHMED MOHAMED, waa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood ee Holland.

8. MOHAMED AHMED ALASOW ‘Januune’, waa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood, Swizterland.

9. ABDALLA MOALLIM MOHAMUD, waa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood ee Waddamada Carabta.

10. ABDULQADIR ALI GAAB, waa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood ee Waddanka Ingriiska.

11. AHMED HADAFOW, waa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood ee waddanka Jarmalka.

12. HASSAN SHEKH ABDI, waa wakiilka GMM ee Afrika, wuxuuna joogaa LESOTO.
13.Mr HASSAN HOLOWLE ,waa gudoomiyaha golaha midnimada muddulood ee dalka Pakistan
14.HASSAN MOHAMED IBRAHIM,waa gudoomiyaha golaha midnimada muddulood ee dalka finland.
15.MAHAMED MAHAMUD DHEERE,waa gudoomiyaha golaha midnimada muddulood ee dalka sudan.

Moallem10@hotmail.com


Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

 SomaliTalk.com | July 27, 2002

 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16


Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

 
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.