Dareenka iyo laxawga Haweenka Puntland/Jubbaland
Ku:
. Dhamman Isimada iyo Nabadoonadda Reer Puntland
.
Maamulka iyoSiyaasiyiinta Puntland
.
Culamaau' diinka Puntland
.
WaxgaradkaRag iyo Dumar
.
Ganacsatada
.
Jaaliyadahadibadaha ee reer Puntland/Jubbaland
Guud ahaandadka reer Puntland/Jubbaland
Ujeeddo: Go'aan kasoo baxay haweenka Reer Puntland iyo Kismaayo ee Magaalada
London, UK
Shir ay isugu yimaadeen qaybo ka kala socda haweenkabeelaha reer Puntland iyo
Kismaayo ee deggan magaalda London [UK] iyo nawaaxigeeda, ayaa looga hadlay
arimahamurugsan ee ka taagan Puntland iyo degaanada Jubada hoose, gaar ahaan
Kismaayo.
Waxaa haweenku aad uga xumaadeen inqilaabyada siyaasadeed/dhaqaale ee ka
taagan Puntland, kaasi oo keenay in uu horseedo dhimasho, dhaawac,
kala-qaybsanaan (Polarisation) aan loo baahnayn. Waxaa noomuuqatay in
siyaasiyiinta iyo odayaasha beelaha reer Puntland aysan wali ku guuleysan
dhibaatada nahaysata ay ku dhameeyaan si nabad ah.
"Geel duqihiisii durduriyeen aarankiisa maxaad mooddaa!!!"
|
Waxaa kaloo caddaatay inkastoo Issimadii soo jireenkaahaa ay ku dadaaleen
wanaag oo dhan in haddana waxaa warku nagu soo gaarayaanin shaqsiyaad magac
Issin wataa ay Tuuto u xirteen sidii ay isugu laynlahaayeendadka walaalaha
ah. Arrintaas oo ah dhaqan khatar ah oo taasoo hor-seedikartadhibaato ugub
(precedence). Sida gabar dhalinyaro ah oo shirka kasooqayb-gashay ay ku
maah-maahday, "Geel duqihiisii durduriyeen aarankiisa maxaadmooddaa!!!",
waxaa dhab ah in Issinkii sidaas u dhaqma ee cadowga la saftaa inuusan wax xil
ah u qaadikarin dadweynaha reer Puntland/Jubbaland taariikhdanauu meel madow
ka galidoono uusan masalikarin dadkooda.
Sidaa darted makii aan isla falanqaynay oo si aad ah uga baaran dagnay xaalku
halka uu hadda marayo, waxaa haweenka Puntland ee reer London [UK] isla qaateen in
loo gudbiyo dhamaan qaybaha aan kor ku xusnay DAREENKOODA IYO LAXAWGOODA
arrimaha socda ku aaddan.
1. In qooysaskii qaraabadoodu fitnadaan ku geeriyoodeen ama ku
dhaawacmeen laguqanciyo si kastaa iyo sidii lagu daaweynkaro; in dadkii wax
kala gaareen dhibkooda lagu xaliyo sidii dhaqanka suubban ahaanjiray.
2. In dhibaatada siyaasadeed ee hadda ka aloosan Puntland aan lagu
xalinkarin kooxaysi iyo dana gaar ahaaneed ee runtu waa caddahay aan dadka la
isku layn caasumadda Garoowena aan dagaalka lalabeegsan maadaama ummaddii
shanta gobol iyo Buuhoodleba joogaan.
3. In laga digtoonaado khatarta ay keeni karto marka loo isticmaalo
dekadaha iyo air-port-yada dalka sidii meel qof shaqsi ah leeyahay ama loo
isticmaalo canshuurta ka soo xeroonaysa dekadda ajende qarsoon oo ay leeyihiin
dad aan udanaynayn dadkeenna iyo dalkeenna.
4. Waxaa dhacday maalinti Isniinta ee taarikhdu ahayd 21-kii Janaayo 2002
in sidaandaansi ah oo xilkasnimo la'aan ah iyadoo aan loo meel dayin madfac
lalabeegsaday meel deegaan ah ee ka mid ah magaala madaxda Garoowe. In kastoo
Eebbe uu naxariistiisa caruurtii iyo shacabkii uusan wax ku yeelin misna
waad garankartaan khatarta ay dhacdadaasi leedahay. Sidaas awgeed waxaan
kubaaqeynaa in si degdeg ah hubka looga dhigo dadka sida khaldan qoryaha
loogu dhiibay laguna magacaabay "MARYO-CALAS" dibna loo dhaqan-celiyo ayagoo
loo helayo shaqooyin iyo xirfado ay si xalaal ah ugu noolaadaan.
5. Inciidamada taba-baran ee Daraawiishta iyo Booliska Puntland oo
magaca Ilaahey umaray badbaadinta dalkooda iyagoo Eebbe ku tiirsan Issimada
iyo shacabkanakaashanaya ay si deg-deg ah u sugaan amniga dhammaan deegaanka
Puntland.
6. Waxaan uga digaynaa dadka dibadaha ka tagay intay waddankooda wax u
tari-lahaayeen ineysan isku dayin sidii dabka baasiin ugu shubilahaayeen si ay
u gaaraan dangaara iskuna layn dhalinyarada jaah-wareersan, caraysan oo
cadilan kuwaasoo wax-barasho [haysan].
7. Waxaan si gaar ah uga xunahay foolxumada iyo dibindaabyada ay
Dooxatada Jubba ku hayaan dad rayidka ah dulman oo ay xooggaku haystaan
deegaankooda .
8. Waxaan kula talinaynaa dadka soo guryo-noqday ayagoo ka faa'ideysanaya wadciga jaahwareerka ah
ee dalka ka taagan Puntland iyo Somaaliyoo dhan ama fikrado kale inaysan marna
isku dayin iska hor-keenka dadka walaalaha ah iyo wixii amniga Puntland
wax-u-dhimikara .
9. Ugudambaystii waxaan dadka reer Puntland ku adkaynaynaa in ay xil
iska saaraan nabadaynta dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo midnimadooda kuna
dadaalaan inay ka fogaadaan wixii sababikara xassilooni darro ka
aloosanta gobolka Geeska Africa.
Allaah awoodda leh waxaan kabaryeynaa in dadkayaga dhibbanaha ah ee lasoo
bara-kiciyey uu ka koriyo dhibaatada ay ku jiraan. Waxaan u hambalyeynaynaa
una ducaynaynaa Issimada kudadaalay hakinta dagaal sokeeye, wax-garadaka,
ururada haweenka Puntland,ciidamada u dhaartay inay difaacaan dalkooda iyo
culimaa'u diinka sharafta lehee aan dagaalka hor-seedayn kuwaasoo ku sugan
dariiqii Eebbe iyo rasuulka(SCW).
Ugu dambaystii waxaan xusuusanaynaa una ducaynaynaa odayaashii ay ka mid
ahaayeen Cali Waraabe, Gurey Haji Yusuf, Ugaas Dakhare, Haji Qoraxay, Haji
Abdi-maneeno. Waxaan u tacsiyeynaynaa dadkii iya goonool la gubay, kuwii
baabuurta la dulmariyey sidii Abdirizak Hirsi Dheere, dumarkii la kufsaday iyo
kuwii la bara-kiciyey. Waxaan si gaar u xusuusinaynaa haweenka geesiyaasha ee
reer Puntland/Jubaland inay dhacdooyinkaas madow xusuustaan oo hadday doonaan
cafiyaan laakiin aan marna la ilaawikarin.
Allaahuma hal balaqnaa Allahuma fash-had.
Wabilaahi Tawfiq
Saxiixayaasha
1. Sucaad Bashiir Nuur Geeddi
2. Waris Farah Ali Qase
3. Halimo Ahmed Duub-weyne
4. Hawa Haji Abdullahi Shirwac (Qore)
5. Sureer Abshir Muuse Mataan
6. Khadra Bulxan
7. Faadumo Abshir Farax
8. Cadar Hussein
9. Sahra Yuusuf Geelle
10.Barni Xayir
11.Caasha Abshir Faarax
12.Maryan Xayir
13.Sahra Abdi Muuse
14.Hodan Ahmed Mire
15.Suleekho Abdi Barre
16.Abwaanad Siciido Abdi Muuse
17.Caasha Allegaro
18.Saciida Yuusuf Mohame
19.Hawa Maclin Lugay
20.Ambiya Jamac
21.Zeynab Mohamed Jaamac Kaarshe
22.Hawa-yarey Adan
23.Lul Adan
24.Fatxiya Mohamed Ahmed
25.Saciida Adan Diiriye
26.Sahra Gabon
27.Hawo Matooto
28.Hawo Haji Shire
29.Maryan Godo Haji Abdullahi
30.Hawo Geelle Mohamed Kaneec
31.Lul Abdi Muuse
32.Maryan Xoog-weyn Guuleed
33.Khadiija Nuur Kasteeli
34.Maryan Mohamuud Abshir
35.Shamis Mohamuud Abshir
36.Nadiifa Farah
37.Hawa Ciise
38.Maryan Cali Abdirahman
39.Caasha Xasan Bile
40.Hawa Macalin Adan
41.HawoWarsame Buryar
42.Khadiija Abuukar
43.Mulki Hussein
44.Shukri Muuse
45.Badran Adan Seed
46.Ayaan Qaasim Hussein
47.Amaal Abdi Jibriil
48.Ayaan Abdi Jibriil
49.Hiba Adan Hussein
50.Sahra Sheikh Hassan Sheikh Abdirahman
51. Ibada Issa Shirwac
52. Zeinab Jamal Karshe
53. Batran A Sed
54. Bisharo Warsame
55. Nasra Abdi Rabi
56. Zeinab Haji Hussein
57. Mariam Haji Abdullahi
58. Sahro Sheikh Ali
59. Cadar Xussein Mire
60. Habiibo Xirsi
61. Hodon Siciiid
62. Farhiyo Said Haji
63. Asha Ahmed Ismail
64. Saida Calwan Mohamed
65. Zeinab Yussuf Mohammed
66. Marwo Ali Botan
67. Jamilo Diriye Ali Dheeg
68. Hawo Adan Warsame
69. Hawo Hassan Hagi
70. Muhubo Osman
71. Habiba Hodan Hersi
72. Isir Cabdulahi Sheikh Nuur
73. Halima Mohamed
74. Ismahaan AbdirahmanBotan
75. Idil Saciid
76. Safiya Mana-fato
77. Farhiya Maana-fato
78. Hibo Hassan
79. Laila Dahir
80. Nasra Mohamed
81. Nasrin Muuse Qaaddirye
82. Faaduma Hassan Dhooqa-ruug
83. Halima Warsame Farah Shillin
84. Zeynab Ciise Ahmed
85. Safiya Abdullaahi Aw Yusuf
86. Jawaahir Abdullaahi Aw Yusuf
87. Sacdiya Saciid Hussein
88. Kowsar Adan Hussein
89. Haajira Adan Hussein
90. Safiya Hirsi Jama
91. Batuulo Xaashi
92. Ruqiyo Abshir Warsame
93. Caasha Abdi
94. Muna Fara-badane Guhaad
95. Halima-Sacdiya Mocallim
96. Hawo Ciise Labo-lugood
97. Waris Farah Diirshe
98. Siciida Cumar Haji
99. Ifrah Cumar Haji
100. SacdiyaCumar Haji
101. TariiqAbdi Shire Godo-godo
For details please contact:
Dr. Sureer Abshir Muuse Mataan
sabshir@aol.com
Somalcentre@aol.com
Janaayo 24, 2002
AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara qorayaasha ku saxiixan
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
|