Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK NEWS

GUDOOMIYIHII IIGU YAABKA BADNAA!

WQ. C/xakiim Axmed guled  | guledhakim@yahoo.com

Stockholm, Sweden | April 1, 2002

  Xaflad si aad u heersareyusa loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen ururada ku midoobay dalada Ururuka Isbahaysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Iswiidhan oo gaaraya 31 urur iyo marti sharaf kaleba, laguna maamuusayey gebogebada kalafadiga 6aad ee Ururka Isbahaysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Iswiidhan ayaa shalay ka dhacay degmada Katrineholm oo u dhow Stockholm.  

Kalafadhigan oo socday inta u dhexeysa 30-31da maarso 2002 ayaa waxaa ka mid ahaa marti sharaftii  halkaas ka hadashay;  

·      Sheekh C/raxmaan Sheekh Muxiyadiin oo ka soo jeediyey wacdi uu dadkii isugu yimid kalafadhigaas ku xusuusiyey cabsida ALLE.  

·      Dr. C/laahi Cilmi Mohamed (Asad) oo ku hadlayey magaca  Somali Center for Water & Environment ayaa soo bandhigay cilmi baaris uu ka sameeyey kaalinta tiroyarida kheyraadka dabiiciga ah uu ku leeyahay khilaafaadka Soomaalida. Waxuu daraasadiisi ku cadeeyey in dadku ay isku ciriiriyeen dhulka qoyn ee labada webi, kana soo hayaameen dhulka qalalan oo uu u dan lahaa inta badan gobbolada dhexe, waxuu kaloo aaminsan yahay in faqriga ka dhashay tiro yarida kheyraadka dabiicaga ah uu hooyo u yahay khilaafaadka soomaalida oo aysan ahayn qabiilka waxa salka u ah dagaalada rayidka ah.  

·      Dr. Saciid Jaamac oo ka yimid London ahna qoraa iyo gudoomiye ku xigeenka Ururka Qoraaga Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Af-soomaaliga iyo Aayatiinkiisa dambe. Markuu billaaabey inuu gudogalo aragtidiisa ku aadan Aayatiinka Afkeena Hooyo ayaa dadkii oo dhami sanqadhii iyo guuxii mararkii hore baxayey hal mar joojiyeen. Saciid waxuu ujeedadiisa ku soo diyaarsadey waraaq aad iyo aad u hufan oo uu ka ilaaliyey Afafka qalaad oo dhan isagoo ku akhrinayey cod aad u macaan oo soo jiitey degaystayaashii, una marinayey sidii geereer oo kale, mar uu cadeynayay in Af-soomaaligu qani yahay waxuu yiri:   

Af-Soomaaligu waa Af hodan ah, gaar ahaan         dhinaca Suugaanta waxaa lagu tilmaamaa Af aad u balaaran. Soomalida ka sokow aqoonyahanno shisheeye ah oo ku xeel dheer danaynta, isku taxalujinta, u kuur galka, iyo lafa-gurka Af-Soomaaliga iyo dhaqankiisa ayaa dhammaantood arrintaa isla wada qirsan.    

Dhanka kale Cabdi Abshir oo ka mid ahaa Aqoonyahankii ka soo qeyb galay kalafadhigan, xubin firfircoona ka ahaa guddigii galbanayey ee hore ayaa ii sheegey inuu hadalkii saciid ka helay 14 erey oo carabi ah iyo 7 erey uu isagu macnahooda garan waayey. Saciid waxuu hadlayey in ka badan 40 daqiiqo dakuse waxy la ahayd inuu hadlay oo kaliya 4 daqiiqo.  

·      Inj. Mohamed H. Mooge oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee fara ku tiriska ah ee ku takhasusay cilmiga Badaha ayaa waxuu soo jeediyey Arimaha Badaha Soomaliya iyo Xaaladahooda. Waxuu si cilmi ku dhisan u muujiyey dihnaanta badaha Soomaalida iyo ka faa’iideysi la’aanta jirta. Waxuu walaac weyn ka muujiyey sunta lagu qubayo badaheena iyo xaalufinta lagu hayo xeebaha u gaarka ah Soomaalida.  

·      Qareen Xasan Maxamed Cumar (Okio) ayaa isaguna ka hadlay Maxaa naga khaldan oo aanu u hagaagsan la’nahay Arimaheena. Xasan durbadiiba waxuu ka codsadey Amuun oo ah suxufiyad ka socotey Radio Sweden qeybta Af-Soomaaliga inaysan waxba ka duubin si uu dadkii halkaa yimid uga dherjiyo sida uu wax u arko, waxuuna isticmaalay waan (is-fogaareynayaa), Amuuna way aqbashay, dabbadeedna waxuu ku nuuxnuuxsadey sida ay aqoon yahanka Soomaliyeed aysan fursad ugu helin ka qeyb qaadashada xalinta arimmaha murugsan ee Soomaalida, sidoo kalana waxuu deyro ka muujiyey xal soomaaliyeed oo dhow, gaar ahaan shirka Nairobi. Mar uu ka waramayey ad adeyga dadka soomaaliyeed ayuu waxuu sheegay in Dr. Xirsi Magan iyo kooxdiisa ay xitaa ku soo dareen Af-Soomaaliga ereyga Mahadsanid oo aan horey soomaalida isugu mahad celin jirtin. Dhanka kale dad badan ayaa aaminsan oo uu Sh.basdhiir Amaan ka mid yahay in Soomaalidu ay lahayd ereyo u dhigma amaba ka qiimo badan mahadsanid oo kala ah:

Axsantu, ILLAAHAY ha kuu kaalmeeyo, Alle hakuu gargaaro iwm.    

Marti shafartii kale ee aan Soomaalida ahayn ee halkaas ka hadashey waxaa ka mid ahaa:

·      SSGunnar kraft oo ka Socday Isbahaysiga Forumsyd kana hadley sida iyo cida ay kaalmooyinta siiyaan waxuuna xusan labbo mashruuc oo ay ka kala wadaan Gaalkacyo iyo mid loogu magac daray Xabada ku bedelo Kubad oo Muqdisho ka socda.  

·      Murat artin oo ka socday xisbiga biddixda, xubina ka ah golaha shacbiga Iswiidhan, waxuuna si aad iyo aad ah ugu hadlay siyaasada guracan ee mareyka kuna wajahan Carabta, waxuuna hada ka hor soo hor dhigay baarlamaanka Iswiidhan soo jeedan (mooshin) lagu Taageeraayo Soomalida.  

 

·      Micheal Hagberg oo ka socday xisbiga talada wadanka haya ee Shaqaalaha ayaa hadalkiisu u badnaa inay muhiim tahay in Soomaalidu siyaasada iyo waxbarashada ka wada qeyb qaataan, gaar ahaan waxuu farta ku fiiqay doorashada xagaaga dhacaysa.  

Waxaa maalintii labbaad saacadaheedii dambe kalafadhigu gudogaley ansaxinta gudiga cusub oo ay soo diyaariyeen golaha dhexe ee Ururka Isbahaysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Iswiidhan, waxaana gudoomiye cusub loo doortey dhakhtar Yacquub Aadan Cabdi oo ka shaqeeyo Isbitaalka Hudinge ee Stockholm, halka gudoomiye ku xigeena loo doortey Cabdi-mahdi Axmed Warsame oo horey u ahaan jirey gudoomiye ku xigeen.  

Waxyaabaha isoo jiitey waxaa ka mid ahaa shir gudoonka kalafadhigan oo ka koobnaa 3 qof oo midi ahayd gabar da’yar lana yiraahdo Ismahaan C/laahi, Dr. C/laahi Cilmi Warsame iyo C/laahi Xasan Dhaqaale sida ay u maamuleen oo ay xakamaha ugu hayeen shirka, run ahaantiina wuu ka heer sareeyey dhamaan shirarkii noociisa oo kale ahaa ee ka dhici jiray wadankan sweden marka laga eego sida yaabka leh ee ay dhalinyaradaas u agaasimeen ururadii faraha badnaa, iyo marti sharaftii kala duwaneyd ee ka soo qeyb galay. mar aan wax ka weydiiyey sida ay suurta galka ugu noqotey inay majarha ugu hayaan shirka waxay Ismahaan ii sheegtay in Soomaalidu u bislaatey hab-maamuuska shirarka.   

Waxaa mucjiso igu noqday hogaamiye Soomaaliyeed oo lix sano wax soo maamullayey oo eed la’aan, hufnaan, eex la’aan, jacel iyo hamuun ay u qabeen inuu jagada sii hayo ay uga marag kaceen ururadii ku midoobey Daladdaan oo uu masuuliyada u hayey Ibraahim Buraalle. Waxaa hadal qiiro iyo boohinba ay ku dheehan tahay ka soo jeediyey Cabdi Abshir oo ka mid ahaa guddidii galbanaysay , waxuuna ku sifeeyey Ibraahim Buraalle saddex sifo oo uu yiri anigu bulshadii isoo barbaarisay kuma arkin waana Dulqaad balaaran, Run sheegnimo iyo Daacadnimo xad dhaaf.  

Ibraahim buraalle isaga ayaa iska casilay jagada gudoomiyanimada, waxuuna ku saleeyay in Isbahaysigu u baahan yahay dhiig cusub madaama uu isaga 6 sano soo hayey, waxuuna balan qaadey inuu la shaqeyn doono guddiga cusub. Hadiyo fara badan ayaa la gudoonsiiyey Ibraahim waxaase isoo jiitey markii la gudoonsiiyey Ubax uu calan ka dhex taagan yahay oo aan anigu is lahaa markii hore waa calankayagoo Cawaalle, laakiin noqdey calankii Iswiidhan.

 

C/xakiim Axmed guled

 Stockholm, Sweden

 guledhakim@yahoo.com

 

FAAFIN: SOMALITALK.COM | April 1, 2002

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MACLUUMAADKA QAADKA
Qaadka iyo Soomaalida UK
ABSHIR BACADE
Boqolaal qorshoo wada qabyaa ....
Qaadow adigaa leh.
Qoryo raamso quudkana yaree...
Qaadow adigaa leh.
Qayiloo cun reerkana qadi .....
Qaadow adigaa leh.
GABAYGA OO DHAN..
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruucan masjidka oo ay kubaxayso $900,000.00 kun. waxaa hadda loo hayaa $740,323.11, warbixin GUJI..
XAWALADDA DALSAN
Xawaaladda DALSAN ee dacalada Adduunka Dalsan
KAAH EXPRESS
Xafiisyada KAAH EXPRESS ee daafaha dunida Kaah Express
SAXAABADA RASUULKA
Habnololeedkii Saxaabadii Rasuulka GUJI
SU'AALO / QUIZ
Isku day in aad ka jawaabtid su'aalaha kuqoran HALKAN
KOOBIGA DADKA
Macluumaad cilmiyeed kusaabsan Koobiyaaraynta dadka "HumanCloning" GUJI..
CYBERCRIME
Want to know more about the cybercrime
Check here

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.