.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

TAARIIKH SOOMAALI
Seyid Maxamed Cabdulle Xasan

TAARIIKH KOOBAN

Seyid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu kudhashay baliga lamagacbaxay Sacmadeeqo oo qiyaastii 11km (7mayl) woqooyi kaxiga Buuhoodle. Sannadkii uu seyidku dhashay waxay taariikhdu ahayd 1856, taas oo ahayd gu' barwaaqo ah oo la oran jirey Gobaysane. Hooyadiis waxaa la oranjirey Carra Seed Magan.

Abaarihii 1892 wuxuu u kicitimay Maka iyo Madiina, waxayna is raaceen 13 wadaad oo kale.

1895 ayuu seyidku kusoo laabtay dalka Soomaaliya, wuxuuna kasoo degey xeebta magaalada Berbera.

Waxaa taariikhdu werisey in markii uu Seyid Maxamed kasoodegey doonidii uu lasocday uu ingiriisku weydiiyey in uu bixiyo cashuur, wuxuuna ugu jawaabay: "Adiga yaa cashuurtii kaa qaaday markaad halakan ka soo degtay?". Dabadeedna afceliyihii baa kuyiri ingiriiskii "waa wadaad waalane inaka daa". Sidaa daraadeed waxaa ingiriisku ku magcaabay wadaadkii waalaa. Tuducdaas taariikheed waxaan kasoo xiganay buug ay qoray wasaaradii hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya sannadkii 1973dii.

Taariikhdii daraawiishta oo kooban ka akhri halkan


SYL

15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC), kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:

  • C/qaadir Sakhaawadiin
  • Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake
  • Sayid Xirsi Nuur
  • Maxamuud Cusmaan Baarbe
  • Daahir X Cusmaan Sharmaarke
  • Xaaji Muxumed Xuseen
  • Khaliif Hundow Macalim
  • Muxumed Faarax Hilowle
  • Muxumed Cabdulle Xayeesi
  • Cusmaan Geedi Raage
  • Dheere X Dheere
  • Muxamed Cali Nuur
  • Cali Xuseen Cali

Taariikh kooban oo SYL ka akhri halkan


Calanka Soomaaliya

Sannadkii 1954 ayaa Calanka Soomaaliya waxaa sameeyey Maxamed Cawaale Liiban. Allah ha u naxariistee oo Maxamed Cawaale wuxuu ku geeriyoodey Toronto, Canada, June 5, 2001.

Taariikhda calanka oo kooban Ka akhri halkan

Mahaysaa taariikh muhiim ah oo Somaaliya, fadlan soo tebi si aad ula qaysatid Soomaalida iyo caalamka kaleba.

AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA

FAAFIN: SomaliTalk | 2002

MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
ISHA.QORMADAN




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety