SEEFAHA QARSOON EE SUXUFIYIINTA
MR.DHIBLAAWE
dhiblaawe@spacemail.com
March 15, 2002
Saxaafadu waa aalad aad u awood badan oo dhankasto loo isticmaali karo,waxna
waalagu burburinkaraa laguna dhisi karaa,qofka suxufiga ah waxaa israaqadiisa
rabi ku daray waxqoris iyo tebin,si markaasi suxufigu aanu u noqon mid wararka
uu tebiyo aan lagu kalsoonaan karin waa inuu noqdaa mid ka hufan ceeb oodhan oo
aan dhana u janjeerin.
Lakin markaad eegtid suxufiyiinta somalida uma hogaansamaan qaanuun ka ah dhan u
janjeerid la'aanta,waxaa igu maqaalo ah in weriyaha caanka ah ee Ahmed Hassan
Cowke uu yiri "anagaa wadano"isagoo tebinayo ciyaarihii gobolada markaas oo ay
ciyaarayeen gobolka w/galbeed iyo gobolkale waqtigaas oo ay somalia ka
talinaysay dowladii kacaanku,marka haddii ay arintaasi dhabtahay maxaad
kasugaysaa weriyayaasha somaliyeed waqtigan oo ay somalia kajirto dhibaatada
lawada ogyahay?,waxaa xaqiiqo ah in weriye kasta uu u tebinayo warka sida uu
isagu jecelyahay.
Aqristow hadii aad tahay qof dhegaysto BBC-da waad igu raaci lahayd ra'yiga
korku xusan,hadii aan siifaahfaahiyo,sida aan kawarqabno waxaa dhawaan booqasho
shaqo ku tegay weriye Ahmed H.Cowke ,maalmo kadibna waxaa magaalada hargaysa
tegay weriyayaasha BBC-da laanteeda afsomaliga ee bariga africa oo dhamaantood
somali ah sida mr.Cadow,mr.H.bariise,mr.Ahmed kismaanyo,mr.Catoosh ,mr.Cowke oo
lasocday etc.weriyayaashaasi intii ay joogeen magaalooyinka Muqdisho iyo
Hargayso waxay london u tebiyeen warar kookoban waana lawaraystay.hadaba
aqristow hadii aad dhuuxdid wararkii ay ragaasi direen waxaa hubaal ah inaad
waxwayn ka fahantay.
Aqristow marka wax la aqrinayo waxaa loo aqriyaa sedax hab.
1-Reading the lines
2-Reading between the lines and
3-Reading behind the lines.
sidaasi darteed hadii aad tahay qof hab aqriskiisu yahay habka sedaxaad waxaa
suurtagal ah inaad igu raacdid ra'yi gaygan ku saabsan wixii aan kafahmay
wararkii ay direen weriyayaasha laanta afsomaliga waana sidan.
COWKE IYO MUQDISHO
Ahmed Hassan Cowke oo ah weriye magac wayn ku leh somalia in mudo ahna kusoo
jiray saxaafada somalia ayaa tegay magaalada muqdisho oo uu mudo kamaqnaa,wuxuu
magaalada gaarwareego oo marba dhan u dhexqaadaba warbixin ayuu kasoo diray
,Aqristow hadii aad dhegaysatay warbixintii "XUUXAADA IYO XAMXAMTA" ahyd waxaad
dareemaysaa inuu Cowke dhanka Negative ka uunka eegay magaalada
muqdisho,xumaankasto oo lasheegi karay ayuu si habaysan u sheegay warbixinta oo
dhana wuxuu ku koobay dhanka Amaanka magaalada,lakin dhinacyada kale ee Arimaha
bulshada,dhaqaalaha,caafimadka ,fanka iyo ciyaaraha,iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee
kajiro magaada kama hadlin.
Elman FC
Somalis in first win
Elman FC from war-ravaged Somalia has recorded their first-ever win in the 28-year-old history of the East and Central African (Cecafa) clubs competition.
They defeated home side Zanzibar's Forodha FC 1-0 at the Amaan stadium.
BBC AFRICA
PHOTO: BBC AFRICA Feb 21, 02
|
waa dhab in amaanku mudnaanta koowaad leeyahay lakin
waxaa larabay warbixinta uu diro weriye ruugcadaa ah sida mr.Cowke inay
miisaanaato oo dhankasto taaabato,Cowke iloobay inay muqdisho tahay meel wejiyo
badan,sida inay muqdisho tahay meelaha somalia ugu muhiimsan xaga ganacsiga,inay
muqdisho kajiraan kooxo sport oo weliba intii uu Cowke joogay
muqdisho ay kooxda ELMAN oo ku ciyaaraysay magaca somalia kabadisay wadan
african ah wadankalana barbar dhac lagashay taas oo xataa BBC-da qaybteeda ku
baxdo englishka ay yiraahdeen "waa guul aanay somalia gaarin mudo 28 sano
ah".
waxaa intaa sii dheer markii cowke lagu waraysta barnaamishka salaamaha ee
lawaydiiyay wixii ugu yaabka ama ugu xiisaha badnaa oo uu ku arkay muqdisho
intii uu joogay wuxuu ku jawaabay waxaa iigu yaab badnaa "markii aan gaadhigii
aan raacayay aan xidhay suunta daxadirka oo laygu yiri (ha xidhan suunka waa
intaas oo layna soo weeraraa oo furitaanku dhibato kugu noqdaaye)", markaa
waxaad dareemaysaa in Cowke xataa waxyaalihii madadaalada ahaa uu la aaday xaga
amaanka uun. waxase iswaydiinleh ! mr.Cowke markii magaalada muqdisho ku wadan
jiray gaariga landcruiser ka ah oo uu weliba ahaa weriyaha qaaska ah ee duqa
suunka taxadirka miyuu xidhan jiray? maxaase u diiday indhaha cowke inay arkaan
wanaaga uu kasheegay magaalada muqdisho weriye Catoosh.
Dhanka kale Cowke wuxuu firitaankii BBC-da qaybteed FM ta ee hargaysa si
kalsooni iyo farxad leh u yir "halkani waa hargaysa" waxaana intaa sii dheerayd
in si qalad ah loo isticmaalay heestii gobanima doonka ee uu qaadi jiray alaha
u naxariistee Abdullahi qarshe ee ahayd "Dadkaan dhawaqayaa ,dhulkooda doonayaa
, haday u dhiidhiyeen alahayow u dhiib"
Waa socotaa... Lasoco qaybta Labaad iyo Xasan Bariise iyo Hargeysa.
WQ. MR.DHIBLAAWE
dhiblaawe@spacemail.com
March 15, 2002
. SAXAAFADII SOOMAALIYEED WAXAY NOQOTAY DANRAACATO!!!
. NIN BUKA BOQL U TALI
AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk
ARAGTIYIHII HORE: