.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

GABAY MAANSO
GABAYO: YAA-SOOMAAL | MAHADHO | CUDDOON | SIYAASADDA.PL


U Muhada Soomaaliyey Wanaag Xumaan Laga Midoobaayo

Qore: C/casis cusman
abdicasis@hotmail.com

Janaayo 5, 20002

Ugu horayn Asalaamu calaykum

Waxaan idin soo gudbinayaa gabayga aan magaciisa kor ku qoray Haddii aan wax yar idinka taabto u jeedada gabaygan aan u mariyey Waxaa weeye dadka soomaaliyeed ee qurbaha jooga marka aad Qoraaladooda ama afkaarahooda aad akhridid aad arkaysid in aanay Intooda badani laba soconba xaalada dalkoodii ka jirta waxaana Kuu cadaynaya taas sida ay wax eedaynayaan taas oo keenta iyana Xaalad kale oo aan fiicnay oo ah in lagu gefo qof masuul ah oo aan Cidiba maqal ama dhalisaba in iyaga dhexdooda hadalku kaga xumado.

Dhanka kale shebakadaha internetka ee soomaalida qaarkood ayaa iyana waxay noqdeen kuwo maqaalada aan u kala aabo yeelin iyaga oo shaqsiyaad gaar ah dan u fulinaaya aniga oo aan jeclayn in aan kuwaa iyaga ah halkan magacooda ku soo bandhigo balse gabayga si kale ugu sheegi doona ayaa waxaan idin leeyahay qofkasta oo Soomaali ahaw waajib ayaa ku saaran berina lagu waydin doono wajibadaa iyaga ah halkan kuma soo wada koobi karo laakiin hada kan keliya ee aan rabo in aan ka hadlo waa kii dalkeena iyo dadkeena waxaan idin leeyahay cid la maqlaa ma jirto ee wanaag hala wada raadiyo

Waa kan gabaygii

Mufti lama maqliyo macalin diineede
Malaaqyiyo wax garad rayiga kuma midoobaane
Miskiin lama caawiyiyo reer masuul gabaye
Magan lama baxshiyo kaan miciin wadane
Mooryaan baa ina helay magaci baa biiyey
Mugdi waxaan ku soconaa in dhuhu midhiq u jeedayne
U muhada soomaaliyey wanaag xumaan laga midoobaayo

Ninkii reer meteli jiray waa dilaal meel walbaba jooga
Malyan waxay ka qataan maamulka tigreeye
Macsuun kama baxaan iyo huteel magac leh oo dheere
Kuwii shalay midoobaan maanta arag naaye
Maskaxdaada geli qabiil inaan lagu midoobaynin
Madax weyniyo askari kuwaad meel walbaba siisay
Oo tolkood ka madhan baan maandhow aragnaaye
Maskaxdaada geli qabiil inaan lagu midoobaynin
U muhada soomaaliyey wanaag xumaan laga midoobaayo

Musquluha ku rida qabiil waa sun iyo maale
Midiyaha ka dhiga dadkiinii waa is madhiyeene
Maskaxiyan u arag qabiil wuxuu mahadho kuu geestay
Muslim nimo u naca kuweer amxaar daba mushaaxaaya
Mergiyada ku dhega ninkii xumo maleegaaya
Mooryaan luwis iyo wuxuu mala awaalaayo [m.lewis]
Maqaalada ka joojay mililka hooraaya
Murugada ka daayaay maxasta ooyeysa
Mabdiyan u diidaay warkii mahadho keenaayaa
U muhada soomaaliyey wanaag xumaan laga midoobaayo

Mooskiyo caleemaha u ruxa
Mabda midkii wanaag lagu midoobaayo
Haday murugto xaajadu rag baan maato dhaafayne
Marti waxaan u nahay muusiyo hitlayre [ mousline]
Midabkaaga nimankii necbaa ragii madaxa xiiraye
U muhada soomaaliyey wanaag xumaan laga midoobaayo

Intaa ayaan ku soo geba gebaynaa gabaygii Waxaan ka cudurdaarayaa haddii uu jiro qof Aan si gaar ah wax ugu dhimay ha ii soo Sheego waan ka raali geliyaa Qore: C/casis cusman
abdicasis@hotmail.com


GABAYO: YAA-SOOMAAL | MAHADHO | CUDDOON | SIYAASADDA.PL

FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkani xambaarsanyahay waxaa leh isla mar ahaantaana ay gaar u tahay qoraaga kusaxiixan, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk.com.


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaaLondon, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN




Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety