SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SHALAY & MAANTA 

S O O M A A L I Y A : 1 5 0 0 - 2 0 0 2

Soomaalida iyo Reer Galbeedka
Maxaa Kala Haysta.

Qaybo kamida qoraalkaan waxay ku salaysanyihiin qoraaladii warbaahintu ka qoreen Soomaaliya sannadkii 2001.

Tixraaca iyo meelaha qoraalkan laga soco xigtey kala soco qaybta ugu dambeeya qoraalkan.

Minneapolis|Minnesota. May , 18, 2002

Sida ay ku warameen markii ugu horaysay dalal badan oo reer galbeedka ahi, kuwan oo uu hogaaminayo Maraykanku goortii ay bilaabayeen waxa ay ugu yeeraan la dagaalanka Argagixisada Aduunka, in dagaalka imika ku jeeda taa uusan ku ekaan doonin Afgaanistaan oo keliya, ee uu gaari doono dal walba oo ka horyimaada markaa sida uu Maraykanku wax u arko. Tan oo uu gaarsiiyay Madaxawaynaha Maraykanku mar u la hadlayay ciidamada Badda ee Maraykanka.

Dalalka hadaba sida goonida ah ay reer galbeedka iyo Maraykankuba u hadal hayeen, ama qorshohoodu ahaa in ay noqdaan Barta xigta ee weeradada Isbahaysigaa ayaa waxaa safka hore kaga jiray dalal dhoowr ah oo ay ka mid yihiin, Soomaaliya, Yaman, iyo Ciraaq. Somaaliya ayaad hadaba moodaa in ay tahay tan ugu tabarta yar ee sida aadka ah ugu dagan weeraradaa, tan oo loo aanaynayo waxyaabo badan kuwan oo ay ka mid yihiin Soomaaliya oo aan lahayn doowlad dhexe oo awood buuxda u leh in ay maamusho ama faraha ku qabato dalka oo dhan, iyo shacabka Soomaaliyeed oo aad moodo in uu maanta daal, dagaal iyo dhimishaba ka dhargay oo aan intaa xili dambe sida muuqata u xiisa qabin. Taasi waa wararkii saxaafada ee 2001, taas  oo  qorayaal Soomaaliyeed ay horay uga hadleen .


Som
al
Uk
Italy

France

Ethiop

Keny
Djabout

Soomaaliya Waa Tuma?

somalia KHARIIDADA SOOMAALIYA
Sida qoran Qarnigii Sagaal iyo Tobanaad ayay bilaabeen Faransiiska iyo Talyaaniguba sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen geyiga Soomaaliyeed, Ingiriiska ayaa hadaba sanadii 1887kii taagay qaybtii ugu horaysay ee ku hoos noolaata Gumaysi, isagoo sanadkii 1888kii la saxiixday Faransiiska heeshiis lagu astaynayay halka iyo sida loo kala degayo Soomaaliya. Talyaaniga ayaa isaguna helay sanadkii 1889kii qayb yar oo xukunkiisa hoostimaada, sanadkii 1925kiina waxaa faraha loo soo geliyay qaybo kale oo ka mid ah dhulka Soomaaliya. Dhulka Ogaden ayaa isaguna si dhan u hoos tegay Gumaysiga sanadkii 1936kii. 

Kadib markii Talyaanigu kusoo jabay dagaalkii labaad ee aduunka, ayaa la isugu geeyay qaybtii uu gumaysan jiray iyo tii Ingiriiska oo lagu magacaabay Soomaaliya, goortaas oo la siiyay xukun hoosaad sanadii 1956kii, tan oo dhalisay in afar sanadood oo keliya kadib sanadii 1960kii la siiyo xoriyad buuxda dhul dhan 350.000Km2. Islamrkaana ay ka talinayaan Dad Soomaaliyeed oo u dhashay dalka iyo dadka [Inkasta oo cudurka sidaa u burburiyay Ummadda maanta uusan weligii meesha ka maqnayn]. Waxaa taa dhinac socday qaybintii dhulka Soomaliya. Laba qaybood oo waawayn ayaa la siiyay Kenya iyo Itoobiya,  Soomaalida Jabutina Waxaa xiligaa weli gacanta ku hayay Faransiiska oo isaguna siiyay xoriyadooda Sanadkii 1977kii.

Xooriyadii Soomaaliya ka dib mid waliba oo kamid ah doowladihii soomaray Soomaaliya waxa ay si aad ah oo xoogan oga shaqaynayeen soo celinta dhulwaynihii Soomaaliya ee la kala qaybiyay, tan oo dhalisay in uu dagaal ba'an dhex maro doowladii xiligaa talinaysay iyo Itoobiya sanadkii 1964kii dagaalkan oo ka dhacay dhulka Ogaden.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Ogaden markey taariikhu ahayd March 15 1978.

Reference: Somalia History

Dhibaatadii badnayd ee Gumaysiga iyo qabyaaladii xooganayd ee ka socotay Soomaaliya mudo dheer ka dib waxaa dhacay inqilaab ay ciidamadu agaasimeen sanadii 1969kii, kan oo uu hogaamiye ka noqday Marxuum Maxamed Siyaad Barre oo xiligaa isagu ciidanka ku jiray. Tan qudheeda ayaa ka dhigtay in gumaysi diidkii Soomaaliya iyo isticmarkii xabashadu doonaysay mar kale fooda is daro, Maxamed Siyaad Barre oo isagu ahaa geesi ma gabade ah, ayaa in badan hadal hayn jiray in Soomaalidu ay geli doonto dagaal ba'an oo ka dhan ah Gumaysiga iyo kuwii uu waagaa dabada ku watay ee la jiray ama garabka bidayay isaga..khudbad aad macne wayn u xambaarsanayd ayuu 1974kii ku yiri Siyaad sadexsandood kadib waanu ku qasbanahay in aan galno dagaal dhiigbadani ku daato..

Nin aad caan oga ahaa Soomaaliya ayaan maalin waydiiyay sababta ku kaliftay in ay isaga iyo reerkiisu kasoo horjeestaan Doowladii markaa jirtay, Waxa uu iisheegya in uusan qudhiisu garan karin sababta uu sanadkii 1972kii oga baxay Soomaaliya, oo isla markaana qayb ogaga noqday qolyihii u horeeyay ee bud dhigay dagaalkii ugu horeeyay ee doowladii Soomaaliya lagala soo horjeestay.ama hadaan si kale u iraahdo buddhigii u horeeyay ee dagaalda sokeeya.

Dagaalkan ay hadaba Soomalidu la gashay cadawga koowaad ee Soomaaliya sanadii 1977kii ayaa isagu intiisa badan ka dhacay dhulka Ogaden ee ay amxaaradu ka haysatay wagaa, dagaalkan ayay Soomaalidu gudaha u galeen dalka Itoobiya, kadib goortii ay ka taalaabeen Dhulwaynihii Soomaliyeed ee gumaysigu ku jiray, heer ay gaareen in qabsadaan in badan oo ka tirsan dhul dhaca gudaha Itoobiya. Inkasta oo mar dambe ay dib ogaga soo baxeen kadib markii dalal badan oo Maraykanku ugu horeeyo ay handadaad ka dhan ah Soomaaliya usoo jeediyeen Soomaalida, halka dalal badan oo kale oo Cupa iyo Ruushku ka mid yihiina ay dagaalka ka qayb qaateen oo amxaarada la soo safteen, tan ayaa dhalisay in uu ciidankii Soomaaliya oo loo yaqaanay waagaa in uu yahay mid tabar daran uu ku noqday mid ka guulaysta waxa ay reer galbeedku ugu yeeri jireen Libaaxii Afrika "Itobiya".

Soomaaliya xiligaa wixii ka dambeeyay waxa uu gumaysiga reer galbedku ukala qayqaybiyay reero dhamaantood soo kala horjeeda, Sanadkii 1991 waxaa qaraxay dagaalkii sokeeye oo in badanba ay reer galbeedku ka shaqaynayeen sidii ay mar un Soomaaliya oga abuuri lahaayeen xasilooni dari.

Sanadii 1992 oo ay baahi badani ka dhacday Soomaaliya ayaa waxaa galay Maraykanka iyo dalal kale oo uu hogaamiyay, iyaga oo ku gabanaya magaca "Ilaalinta Musaacadada Banii'aadanimo ee Soomaaliya", waxa ay isla xiligaa samaysteen barnaamij ay ugu magac dareen "Qorshihii Rajo Soo Celinta", qorshahan oo ay hogaaminaysay Qaramada midoobay, waxa ay kala kulmeen dhamaan ciidamadii halkaa la geeyay dharbaaxo culus, gaar ahaan kuwii Maraykanka xiligaa halkaa ka joogay, kadib markii ay isku dayeen in ay dad u dhashay dalka wax yeelaan, halkaasna lagaga dilay ciidamadii Maraykanka in kabadan sagaal iyo toban Askari, oo ka tirsanaa sida uu Maraykanku ku waramay "Ciidamada sida Raha u Booda", tan oo sababtay in ay kasoo baxaan Soomaaliya isla sanadkaa. waa sida warbaahintu u dhigtaye.

Sanadkii 1995 waxaa qayb ka mid ah dadka caydiid ay u dooreen in uu madxawayne u noqdo inkasta oo aysan reerkiisu u dhamayn, hadana taasi waxa ay keentay in uu dagaal adag ka dhexdhasho isaga iyo ninka ay qaraabada yihiin ee Cusman Caato, tan oo ka dhigtay Magaalada Muqdisho in ay marto wax aysan arag tan iyo 1991kii, kolkaas oo ay dagaalada sokeeye ka qarxeen halkaa. Sanadii 1996kii horaantii Agost waxaa geeriyooday Gen Caydiid isaga oo dagaal kula jira ninka ay qaraabada yihiin caato, halkaas waxaa maamulkii Jabhadiisa si ku meel gaar ah loogu dhiibay Xuseen Caydiid oo isagu ah Wiil uu dhalay oo ka tirsan Ciidamada Bada ee Maraykanka. Tan iyo horaantii dagaalka sokeeye ee Somaaliya ma aysan jirin xukuumad dhexe oo soo martay ama ay yeesheen Soomaalidu.

Dabayaaqadii Sanadkii 2000 waxaa shirwayne ballaaran lagu qabatay Degmada Carta ee Dalka Jabuuti, waxaa lagu ansixiyay dawlad iyo dastuur ku meel gaar ah, waxaana isla goobtaa lagu caleemo saaray Madaxawaynaha doowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasin Salaad Xasan, oo isagu horay oga soo qabtay xilal kala duwan doowladii Maxamed Siyaad barre, isla sanadkaa bishii Agosto ayuu cabdiqaasim u kicitimay magaalada Muqdisho oo aad looga soo dhoweeyey, inksata oo qorshihii Carta uu markii hore ah Baydhabo, inkasta oo markii dambe qaar dagaal oogayaasha reer Muqdisho ahi iska soo taageen in ay la shaqeeyaan Dowlada ku meel gaarka ah.

Waxaa latilmaamay in C/Qaasim ay soomaray fursadii qaali ah, laakiin sida soo shaacbaxday fursadaas sidii lagarabey ugama uusan faa'iideyn mujtamaca Soomaaliyeed, amaba xataa Muqdisho. 

DKG ee C/Qaasim hogaamiyo waxyaabaha lagu tilmaamo in aysan ku guulaysan ama aysan wax kaqaban waxaa kamida:

  1. Hanashada madaxtooyadii Qaranka oo ku dhextaal Xamar.

  2. Furitaanka dekeda Weyn ee Muqdisho ama garoonka diyaaradaha.

  3. Lacagaha lasoo macmalo ee camirtay Muqdisho.

  4. Daroogada ama noocyada kaladuwan ee mukhaadaraadka ah oo lagubeero labada webi ee Soomaaliya.

  5. Filimada Jinsiga ah oo xamar looga yaqaan 'macmacaanka dhallinyarada' oo aan lasiin muhiimad weyn sidii loo joojinlahaa, tan oo ah dhaqan suulin kusababeysa mujtamaca islaamka ah.

  6. Xaalufinta dhirta dhulka Soomaaliya ama dhuxusha loo iibgeeyo carabaha oo xamar si toos ah uga dhoofta, iyo Xoolaha dheddiga ah oo  nolol lagudhoofiyo.

  7. Halista sunta kuduugan dhulka iyo xeebaha Soomaaliya oo aysan sidii lagafilayey uga digin shacabka (inta la helayo khubaro baaritaan xaqiiqo ah ku samaysa).

  8. isu soodhoweynta shacabka Soomaaliyeed oo aad moodid in la ilaawey.

Baarlamaanka DKG ayaa isagana lagu tilmaamay in la maqlo oo keliya marka baarlamaanka dhexdiisa uu muran kajiro, taas oo weliba dad badani u arkaan in uusan awood kulahayn magaalada Muqdisho oo ay kataliyaan kooxo dhawr ah oo go'aamada baarlamaankaas aan aqoonsanayn.

Waxaa hadda socda shir cusub oo lagu heshiisinayo Soomaalida oo lagu wado in lagu qabto caasimada kenya ee Nairobi, shirkaas oo markii dhawrjeer dib loodhigay la isweydiiyey "kalsooni intee le'eg ayaa lagu qabikaraa in ay Soomaalida shir nabadeed oo degdeg xal loogu gaaro u qabanqaabiyaan dawlado hadda haysta ama gumeysta dhul Soomaaliyeed". Waxaa tan dhinac socda dood u dhexaysa aqoonyahanka Soomaaliyeed qaarkood oo oraneysa "dawlada Soomaaliya ma lagu salayn karaa Qabiil, mase waa in qofka loo eegaa xirfadiisa, kartidiisa, khibtadiisa, aqoontiisa, iwm.. ".

Somaaliya iyo Itobiya Dagaal Joogta ah.

Waxaan shaki ku jirin sida aan soo daahfurayba in dagaalka iyo colaadu ay yihiin wax iska caadi ah oo marwalba dhaca marka laga hadlayo Soomaaliya iyo Itoobiya, tani waxa ay jirtay tan iyo xili aan dhawayn, maanta oo ay hasytaan dagaal oogayaal habeen iyo maaliba u taagan sidii ay u fulin lahaayeen ujeedooyinka gumaysiga qaawan ee Itoobiyana kuma sii jirto oo waa halka ay Soomaalidu tiraahdo “ waa ka dar oo dibi dhal”.

Waxaaba si guud loo oran karaa Itoobiya cid ay heshiis la tahay ma jirto, marka laga hadlayo xataa geeska afrikada bari, iyo khaliijka cadan, eretereya, Yementa, iyo weliba Soomaaliya oo dagaalkeedu joogta ahaa tan iyo weligeedba.

Xaga carabtana Xiriir kasta oo dhexmara Carabta iyo Itoobiya waxaa horudhac u noqon kara ama la fahmi karaa marka ay suura gal noqoto in ay is fahmaan Soomaalida iyo Itoobyaanka qudhoodu, tan ayaa intaa ka dib la oran karaa waxa ay bilow fiican u noqon kartaa is faham dhan oo dhex mara Carabta iyo Itoobiyaanka, inaga oo marwalba xasuusan in Soomaalidu ay tahay tan keliya oo si dhan looga dareemi karo xiriirkii carabta iyo Itoobiyaanka oo hagaaga, Maadaama ay tahay Soomaalidu qayb aan qaybsamin oo ka mid ah Dunida Carabta.

Xiriirka Carabta Iyo Itoobiya.

Hadii aan markaa isku dayno in aan dib u eegno xiriirka carabta iyo Itoobiyaanka waxaa inoo muuqanaysa in uu yahay mid ku salaysan colaad, isfaham la aan, shar iyo shaki ciida ka badan, mar mar xidhidhka oo ay kala goostaan hadii laga maarmi waayo iwm, Intaas oo idil waxa la oran karaa waxa ay ka dhalatay is hoosaasin siyaasadeed oo aad oga muuqatay labada dhinacba, inta la ogsoonyahay maalin keliya arimahaa iyaga ah kama uusan gudbin xidhiidhka carabta iyo Itoobiya. Arimo dhoowr ah ayaa hadaba la odhan karaa waxa ay sababeen arintan.

Loolankii siyaasadeed ee u dhaxeeyay Sudaan iyo Itoobiya, ama Itoobiya iyo Soomaaliya, xataa marka lagu daro coolaada xooga badan ee ay Itoobiyaanku u hayaan dhaqdhaqaaq kasta oo ku salaysan Mabda'a Islaamnimada kan oo kasoo muuqda meel un ka mid ah geeska Afrika.

Weerarkii cuslaa ee ay Itoobiyaanku la galeen Erateria, sidii ay doonaysay in ay xoog ugu qabsato, iyo go'aankii Carabta ee ku jeeday arintaa oo si adag ogaga soo horjeeday talaabadaa ay u qaadeen Itoobiyaanku dhanka Sharta.

Siyaasada Itoobiyaanka ee ku jeeda webiga NIIL iyo maarayntiisa, iyo qaabka ay doonayaan in lagu xaliyo Masar iyo Sudan arintaa.

Barnaamijka Gumasyi ee Itoobiyaanka, kan ku jeeda Soomaalida, xidhiidhka sida aadka ah u xumaaday ee labada dal oo dunida carabta inteeda kalena si wayn u saameeyay.

Xidhiidhka ay Itoobiyaanku la leeyihiin Yahuuda.

Sida waxshinimada ah ee ay Itoobiyaanku ola dhaqmaan Muslimiinta reer Itoobiya.

Siday dooniba ha noqotee waxaan shaki ku jirin in wadan walba oo carbeed ay si gooni ah u saamaynayso xidhiidhka uu la leeyahay carabta ama uu lasamaysanayo, inskata oo xidhiihdka carabta iyo Itoobiyaanku uusan ka marnayn arimahaa aan kasoo waranay.

Hadii aan Markaa dib ugu laabano xidhiidhka Itoobiya iyo Soomaalida, weligeedba Soomaalidu waxa ay si hagar la'aan ah u saacidayn jireen Muslimiinta Itoobiya, Boqoradii, Salaadiintii sida badan loolanka la geli jiray hogaamiyayaashii diinta Kiristaanka oo iyagu dagaalkoodu taagnaa qarnigii shan iyo tobonaad iyo kii lix iyo tobanaad, Doowlada Itoobiya iyo kooxahan diinta kiristaanka ayaa iyagu si wayn usoo shaac baxay kadib markii la waayay ama ay tageen hogaamiyayaashii muslimiiinta ee Itoobiya. Sababtana weeye tan ka dhigtay in muslimiinta Itoobiya ay kun iyo koowjeerna ka badnaadaan Kiristaanka, halka ay doowladuna tahay Kiristaan.

Loolan Qalafsan oo Xaga Xuduuda Ah.

1894kii ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska , Talyaaniga , iyo Itoobiya, kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden Af-Soomaali | English.Version

Marka si kooban loo tilaamo dhulka sida xooga ah gumaysigu ugu daray Itoobiya waxaa ka mid ah Gobolka "OGADENIA", kan oo ah dhul Soomaaliyeed oo aan muran geli karin, Soomaaliduna waa ay codsadeen in dib loo siiyo ama loogu soo celiyo tan oo lagu guulaysan waayay halka ugu dambaytiina ay dhalisay dagaalkii 1977kii, kan oo Ummadda Soomaaliyeed guul iyo magacba usoo hoyay meelwalba oo ay joogeen. Todobaatameeyadii waxa uu gumaysigu bilaabay in uu soo hubeeyo qaar ka mid ah Soomaalida, kuwan oo sida lasheegay ay u horeeysay Jabhadii la odhan jiray SSDF oo uu hogaamin jiray Col Cabdulaahi Yusuf . Tan oo sabab u ahayd burbur badan.

Sanadii 1990kii burburkii doowladii Soomaaliya, burburkaan oo uu horkacayey ururkii USC, ka dib, Itoobiya waxa ay noqotay doowlad xor u ah oo u madaxbanaan dalka iyo dadka Soomaaliya, waxay bilowday in ay soo gasho xuduuda Soomaaliya, oo ay disho cidii ay doonto islamarkaana qafaalato wixii ay u aragto in ay macne u samaynayaan, waxaa kale oo ay xooga saartay in ay iska hor keento dhamaan jabhadaha qabiilka ee soo kala horjeeda, si markaa aysan marnaba nabad ogaga dhicin geyiga Soomaali, xataa marka lagu daro dagaalka faraha balaaran ee ay ku jirto dhamaan Ummadda Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogto...Waxa dhacda marar badan in ay isku dayaan in ay ku talaabsadaan waxwalba oo ay isleeyihiin waad ku baajin kartaan wax walba oo hagaag iyo maslaxad ah oo shacabkani heli lahaa...taa marka lala akhriyo iyadii oo doonaysa in ay si dhan u ugaarsato dhamaan Ururada ka jira Soomaaliya iyadoo aan loo kala aaba yeelin...ugu dambayntii waataa u ola olaynaysay sidii ay Uruada Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya oga dhigi lahayd ama ugu tilaami lahayd Qaacidadii Labaad

Waxaase wararkaas itoobiya mid kasoo horjeedkeeda aad uga hadlay ken Menkhaus oo professor sare ka ah Davidson College, USA, isla mar ahaantaana ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, waxaana uu yiri Eedeyanta Soomaaliya in ay tahay wadan argagixiso waa mid ku salaysan daliilsi iyo male ee ma ahan xaqiiqo lacadeeyey. "Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." ayuu yiri Dr. Menkhaus.

Xiriirka Ka Dhexeeya Itoobiya Iyo Dagaal Oogayaasha Soomaalida.

Xiriirka ka dhexeeya dagaal oogayaasha Soomalida iyo cadawga Koowaad ee Soomaaliya ayaa ah mid qoto dheer oo ku salaysan siyaasada "Qaybi oo Xukun", hadii markaa aysan jiri lahayn labo arimood oo ay midi taa tahay iyo Doowladaha Awooda sheegta oo doonaya in aysan Soomaaliya Doowlad ka dhalan, waxaa la oran karaa marna ma aysan ku sanduleeyeen Itoobiyaanku waxa ay doonayaan Shacabaka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Maanta oo la helay wax un doowlada u eg, ku meel-gaar iyo waxaad rabtaba ku magacaabe, Itoobiya waxa ay markale la soo baxday nacaybkii ay u qabtay in dunida lagu arko Soomaalidii oo midoowday Saxarkeediina dhamaaday, Marwalba waxa ay ahayd wax aad u yaab badan waxa ku jirabaya ama ku qasbaya Itoobiyaanku in ay sidaa u dhaqmaan, ama ay xaasidnimo intaa la eg inoo qaadaan, waxaad arintan si dhab ah u garan lahayd goorta aad akhrido buuga uu qoray Prof. Raabi, Cinwaankiisu yahay "SOOMAALIYEEY XAGEE BAAD U SOCOTAA", buugaa ninkaa Soomaaliga ahi waxa uu qoray sanadii 1981, waxaana lagu dabacay markii ugu horaysay Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska. Waxa uu buugu ka waramaya sida Soomaaliya gumaysigu ugu soo duuli doona, iyo go'aanka lagu gaaray qaybsadashada Soomaaliya, iyadoo aanu wada xasuunahay waqtiga uu prof-ku qoray buuga in uu ahaa berisamaad ay Soomaalidu si hagaagsan u dhaqnayd.

Sida uu ku dhawaqay Wasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya, Doowlada ku meel-gaarka ah ee Soomaalida waxa ay xagayaga ku tilmaaman tahay dib u socod, islamarkaana xaga dambe ku wadata Islaamnimo Rajciyad ah, isla xiligaa waxa ay doowlada Itoobiya balan ku qaaday in ay talaabo adag ka qaadi doono hadii ay markaa ka hari wayaan waxa ay Itoobiyaanku ugu yeereen Islaamnimada Haraadiga ah.

Arintan ayaa hadaba noqotay mid si buuxda oga marag kacda in Itoobiyaanku yahay cadawga koowaad ee Soomaaliya iyo Soomaalida, waxaase akhristoow aad moodaa marka ay halkan marayso in ay inoo egtahay in aan is waydiino, oo maxay nagula dagaalameen oo aanu u dhinay, jawaabta su’aashan ayaan qabaa in aysan ahayn wax sidaa usii wayn   hadaad akhrido casharka saxaabda ee labadii isbuucba mar soobaxa, khayr iyo nabad badan allaha ka siiyo qoraagee, waxaad arkaysaa in waxa lagula dagaalamayay asxaabta iyo nebigiiba NNDH aysan ahayn marka laga reebo rumaynta ay ilaahay rumeeyeen, tani macnaheedu waxaa weeye qofka kugu naca waxaad aaminsantahay ee Diinta Ilaahay ah, adiga kuma uusan nicin ee waxa uu neceb yahay ilaaha wayn ee dunida iyo diintaba iska leh, adiga iyo aniga waxaa nala gudboon in aan si sax ah u hayso ama aan ugu dhaqano diinta ilaahay, markaas ayay u muuqataa in aan ka guulaysan karno cadawgeena iyo kan Ilaahay.

Qaabka Siyaasadeed ee Gumaysigu Ukala Qaybiyay Soomaaliya.

· Kooxda Caydiid.

Kooxda Caydiid “USC” waxa lagu aasaasay mar sii horaysay Dalka Talyaaniga, tan oo uu hor jooge u ahaa intii uusan geeriyoon Col.Maxamed Farax Caydiid, oo la dilay isaga oo dagaal kula jira mid ka mid ah dagaal oogayaasha Muqdisho horaantii bishii Agoosto sanadkii 1996kii. 

Maamulka kooxdaa isaga kadib waxaa la wareegay wiilkiisa Xussen Maxamed Farax, oo isagu ila xog-ogaal ahi ay ku warameen in loo soo diray in uu heshiisiiyo abihii iyo Maraykanka oo weligiiba raja wayn ka qabay dhulwaynaha Somaliya. kahor intii uusan aabihii ola duuban dagaalkii ay kooxdu u dhamayd ee ay ku qaadeen Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Dad badan baa hadaba aaminsan maanta in aysan qancin Xussen marka laga reebo in uu madaxwayne ka noqdo dalka Soomaaliya, waana tan uu sida wayn ololaha ugu jiro, waxa uu saldhig ka dhigtay in dhawaytaba Dalka Itoobiya si markaa uu u xaqiijiyo ujeedooyinkiisa ku jeeda sidii uu u gaari lahaa maalin un riyadaa, taa ayaa ku kaliftay in aan maqallo dhoowr jeer isaga oo ku dhaleecaynaya Doowlada ku meel-gaarka ah in ay hoy u noqotay Muslimiinta mitidka ah, ama waxa ay maanta ugu yeeraan Argagixisida.

Itoobiya oo la ogyahay wixii soo dhexmaray iyaga iyo kooxda Caydiid oo colaad ah, hadana maanta waxa ay ka dhigatay gabaad difaac iyo gamuun SOOMAALIYA markii ay doonto ku rido. Ujeedadda ka dambaysaana waxaa weeye sidii ay markaa ugu meel dayi lahayd siyaasadeeda guracan ee "Qaybi Oo Xukun" tan Ku jeeda Soomaaliya.

· Maamul Goboleedka Puntland

Waxaa Carigaa ka talinayay Col.C/Laahi Yusuf Axmed, ka hor intii aan lagaga qaadin maamulka doorashooyin ka dhacay gobolka, inakasta oo uu isku dayay in uu ku mitido sii haysashada hogaanka hadana waa ay adkaatay taasi oo waa ay socon wayday.

Isla xiligaa waxaa dadka reer Puntland doorteen Jaamaca Cali Jaamac, tan iyo xiligii doorashadiisii ma uusan helin Jaamac Cali Jaamac barnaamji hagaagsan ama qorshe macquul ah oo la odhan karo waxa ay munaasab u tahay ku hagida dad reer Puntland dariiq hagaagsan. Taas mid lamida ayey ahayd midii dadweynuhu ku tilmaameen in xukunkii Cabdullaahi Yusuuf intii ka horeeysey shirkii Garoowe lagu qabtay dabayaaqadii saandkii hore ee 2001 aan gobolku horumar la taabankaro ku tallaabsan. Sikastaba ha ahaatee waxaa C/Laahi Yuusuf dib u qabsaday Boosaaso horraantii bishan May 2002. 

Hadii aynu xoogaa yar dib ugu laabano taariikhda Col.Cbadulaahi waxa uu ahaa ninkii hogaaminayay Koox ka mid ah kooxaha dagaalka ee Soomaaliya waa SSDF, isaga iyo koox dhaliinyaro ah oo uu watay ayay ahaayeen kuwii abaabulay dagaalkii ugu horeeyay ee ka dhacay Soomaaliya kan oo lagaga soo horjeedey xukuumadii Siyaad Barre.

Waxaa kaloo xusid mudan in uu Col.Cabdulaahi qudhiisu uu hogaaminayay qaar ka mid ah weeraradii cadawga koowaad ee Soomaaliya “Itoobiyaanku” kusoo qaadeen dalka Soomaaliya, heer uu cadawgu gaaray in uu ku ijbaaro in calankooda laga taago ciida qadisan ee Soomaaliya. 

· Dowlada Somaliland.
"Goosashada Muranku Ka Taagan Yahay".

Gobolada Woqooyi Galbeed ee Soomaaliya, intii ay doowladii Soomaaliya burburtayba waxa ay ku taamayeen in ay ka go'aan Soomaaliya inteeda kale, warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in xataa burburkii Soomaaliya ka hor ay rag ka tirsan hogaanka Somaliland qabeen in ay ka go’aan Soomaaliya, kuwan oo diidmo qayaxan kamoujiyay isku darkii laabadaa gobol, Ilaahay baase doonay in labada shacab ee labada gobol ay gaashaanka u daruuraan aragtidaas.

Taa waxaa lala dhigaa in hogaankii hore ee Somaliland Cigaal uu ahaa ninkii gacanta u geliyay Gobolka “NFD” gumaysiga, kadib markii cod la waydiiyay reer “NFD” hadii ay markaa raaci lahaayeen Somaliya ama Kenya, maxsuulkii codayntaa ayaa ku idlaatay in ay doonayaan in ay raacaan walaalahooda Soomaaliyeed, cid kasta oo kale oo Soomaali ahuna sidaasoo kale ayay u codeeyeen in “NFD” ay qayb ka noqoto Soomaaliya, nasiib daro Cigaal ayaa qalinka ku duugay in “NFD” ay hoos tagto gumaysi ka daran kii Ingiriiska, oo markan ay gumaystaan dad reer afrika ah sidooda oo kale.

Maanta uu geeriyooday Cigaal qaar badan baa iswaydiinaya maxaa uu ka tagay oo markaa sheegid mudan, dadka oo dhan waxaa mar keliya maskaxdooda kusoo dhacay bixintii “NFD”, dagaalo dhoowr ahaa oo reer Somaliland ka dhexdhacay, naxariis daradii uu kula dhaqmay dad badan oo Soomaali ah oo gumaysi diid ahaa oo uu dib ugu celiyay gumaysigii ay cagahooda kaga soo baxsadeen.

Siday dooniba ha noqotee waxa labada gobolba Somaliland iyo Puntland ay ka simanyihiin waxaa weeye nabada oo si dhan aad ugaga dareemi karto goorta aad booqoto mid un ka mid ah, iskasta oo sida badan ay ku eedeyso Puntland Somaliland kala gooynta dhulka Soomaaliya, halkii markaa lagu fakiri lahaa in la soo celiyo shantii Soomaaliyeed ee uu waa hore gumaysigu kala qaybiyay...

Dhaqdhaqaaqyada Ku Dhisan Islaamka ee Ka Jira Soomaaliya.

Marka laga hadlayo ama la doono in laga waramo dhaqdhaqaaqayada ku dhisan Islaamka ee ka jira Soomaaliya waxaa la oran karaa waxa uu bilawday goor sii horaysay oo ahayd waqtigii uu gumaysigu soo galay dhulka Soomaalida, laakiin marnaba ma uusan ahayn kadib markii la qaatay xoriyada mid u dhiifoon sidii uu u dhiifoonaa waagii gumaysiga laga kicinayay Soomaaliya, inkasta oo awoodiisa inta badan uusoo laabtay wax lagu qiyaasay 25sanadood ka hor, dhaqdhaqaaqyadan oo intooda badan kasoo gaaray Soomalida dhanka Sudan, iyo Masar oo iyagu u ahaa ubad dhexaad barnaamijkii waxbarasho ee Soomaaliya intiisii badnayd, tan oo lawada ogsoonyahay in nidaamkii Maxamed Siyaad ee aadka u adkaa uu qayb wayn ka ahaa xoojinta barnaamijyadaa waxbarasho.

Horaantii Sideetameyadii ayay ahayd markii ugu horaysay ee uu si xoogan u soo shaac baxay kacdoonka Islaamiga ah ee Soomaliya, xiligaa kadib waxaa si dhan loogaga arkayay ama ay oga muuqanaysay dhamaan masaajida, iyo goobaha cibaadad mucaaradad wayn oo ay dadka diinta iyo dhaliinyaraduba kala horjeedeen doowladii Maxamed Siyaad Bare...

Burburkii Doowlada Soomaliya ka dibna waxa ay ururadii Islaamiga ahaa ee ka jiray Soomaaliya heleen fursad ama hadaan si kale u iraahdo xoriyad balaaran, tan oo ay awood u heleen in ay ugu yeeraan mabda'a toosan ee Ilsaamnimada dhaliinyarada aan iyagu weli fahmin mabda'aa. waxay kaloo fursad wayn u heleen in ay meel iska dhigaan wixii ay dadku inta badan u dagaalamayeen, kan dilooday ummadda Soomaaliyeed maanta inteeda badan waa Qabyaaladee, waxay kaloo kaga mashquulen dagaaladaa iyo isqabqabsigaa in ay baraan dadka Diinta Ilaahay, mabda'a Saxa ah ee xaga rabi isaga un la aqbalo, waqtigooda intiisa badan waxa ay ku bixiyeen faafinta Diinta Islaamka, iyo ku dhaqankeeda. xataa ay markii dambe gaaren in sameeyaan ama ay asaasaan Maxkamado Islaami ah kuwan oo ay ugu kala gar qaadaan dadka Soomaaliyeed ee Walaalahood ah, inaga oo ogsoon sida aan horay soo taabtayba in aysan jirin doowlad dhexe oo Soomaaliya soo marta tan iyo burburkii ka dib...

Dhaqdhaqaayadan Islaamiga ah waxa ay qayb libaax ka qaataan maantadan la joogo barnaamij walba oo markaa muhimad u samaynaya Ummadda Soomaliyeed, hadii markaa ay noqon lahayd dhinaca waxbarashada, horumarinta reer miyiga, kaabayaasha dhaqaalaha, Ganacsiga, wacyigelinta bulshada, iyo waxwalba oo ajar laga helayo aduun iyo aakhiraba…..

Iskusoo duuboo, Soomaaliya waxaa soomaray halgamayaal caan ku ah taariikhda sida Axmed Gurey iyo Seyid Maxamed cabdulle Xasan. Waxaase xusid mudan in Soomaaliya uu hadda kudhexjiro madaxweynaha Afrika si xor ah uga degey xukunka oo dadkiisii ugu dhexnool si nabad ah, waana ninka labeeya Mandela , waa madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan cadde) oo malaha talada Soomaaliya in laweydiiyo ay ku haboonaanlahayd hadda.

Ugudambayn Allah (subxaanuhu wa tacaalaa) waxa uu ku caddeeyey suurada Ar-Racd ayaadeedaa 11aad "Allah ma doooriyo waxa dad kusuganyahay intay ka dooriyaan waxa naftooda ku sugan" [Dhegeyso Aayada 13:11] - taasi waa mid sugeysa mujtamaca Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso dhallinyadu!. 

QAYBTA XIGTA KA AKHGRI HALKAN...GUJI...

Waxaa isku soo duway

SheriffKhayrallah.
Minnesota, Minneapolis
Qoraalkaan Kala xiriir: editor@somalitalk.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Dhacdooyinkii Soomaaliya 2001:
GUJI HALKAN
. Taariikhda Soomaaliya oo kooban
. Af-Soomaaliga oo haalis kujira
. Gobolada Soomaaliya: Kahor 1991
. BILICDA DHULKA SOOMAALIDA
ISWAAFAJIN Gobollada iyo Maahmaahyaha afsoomaaliga GUJI...
KHARIIDADA SOOMAALIYA
Somalia Maps
1.(1988) | 2.(1992) | 3.(1992) | 4.(2001) | 5.(1860) | 6.(1829)
. Beeraha iyo Macdanta Som [1992]
. Soomaaliya iyo Jabuuti [1977]
. Dhaqaalaha som/jabuti [1977]
. Khariidada qabiilooyinka [1992]
. Khariidada qabiilooyinka [1977]
. Qabaa'ilka bariga Afrika [1980]
. Khariidada dadka -Som [1992]
. Tusmo dadka -Som/jabuuti [1977]
SOMALIA HISTORIC IMAGES
SAWIRO HORE EE MOGADISHU
GUJI HALKAN www.swan.ac.uk
Magaalada: Bosaso
WORLD FACTBOOK
Akhbaar kusaabsan Soomaaliya, sida ku qoran " CIA's edition of The World Factbook" GUJI... www.cia.gov
ARCHIVE
US. State Departament Information. Report on:
Somalia Human Rights
1999 | 1998 | 1997 | 1996 | 1995 | 1994 | 1993 |
HISTORY OF SOMALI FLAG
Calanka Soomaaliya waxaa sameeyey Mohammed Awale Liban, si aad wax uga ogaatid  GUJI HALKAN
MAP OF SOMALIA
Map of Somalia (1992)
Click here
University of Texas
SOMALIA PROFILE
Somalia: Country Profile
BY: CountryWatch
Somalia: Country Profile
BY: BBC
SOMALIA LATEST NEWS
Want to know latest news from Somalia Today, click these links: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CREATE E-BOOKS
E-Book Compiler
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
ISHA.QORMADAN

MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Shirkii Carta, Jabuuti: DKG: Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
DKG: Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
DKG: Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda

 "Nin walba oo si muuqata iyo si qarsoonba ola shaqeeya gumasyiga waxaa la soo saari doonaa waxa uu u gaystay dadka Soomaaliyeed, Soomaalina weligeed ma ilaawi doonto qaarka noocaas oo kale ah, 'nin walibana waxa uu gaysto ayuu la baqooli doonaa'" SheriffKhayrallah


"In Somalia, most devout Muslims are not fanatics. Terrorism is anti-Islam," said one western analyst. News 24: southAfrica

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.