SOOMAALIYA: Dal Biyo-la’ Degaan Ahaanna La Qurmiyey
Dr. C/laahi Cilmi Maxamed
Waxyaabaha ugu waaweyn uguna muhiimsan ee saameynta iyo raadka ku leh nolosha aadanaha waxaa ka mid ah (1) sida uu u egyahay degaanka uu aadanuhu ku nool yahay ee uu noloshiisu ka kasbado iyo (2) sida ay maskaxdoodu u fikirto iyo waxa ay aaminsan yihiin. Dalka Soomaaliya ma aha oo kaliya mid ay dadku siyaasad ahaan si fog u kala qeybsameen ee waxaa uu noqday xitaa dal degaan ahaan si ba’an loo dhaawacay oo la qurmiyey, gaar ahaan dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey. Dalka Soomaaliya waxa uu ugu horreeyaa waddamaha sida ba’an u baabi’iyey degaankooda, si weynna ugu xadgudbay qaanuunka iyo baaqyada caalami ah ee ku wajahan dhowridda & daryeelka degaanka dabiiciga ah. Dalka Soomaaliya oo aan weligiis yeelan qaanuun nidaamiya dhowridda degaanka iyo hey’ad dowladeed oo u xilsaaran illaalinta degaanka, ayaa waxaa beryahan dambe si weyn loo xaqiiqsaday in dagaalada sokeeye iyo faqriga ka jira dalkeennu uu si lama qiyaasaan ah u naafeeyey degaanka dabiiciga ah ee dalkeenna Hooyo oo ay dadku nool yihiin. Ayada oo ay weliba jiraan arrimo naxdin leh oo sharciga iyo bani’aadanimada eysan waafaqsaneyn, balse leh sababo la fahmi karo iyo raad-reebto xunxun oo saameyn adag ku yeelan doona jiilalka dambe iyo kuwa maanta jooga si weyna loo dareemi doono sanadaha dambe.
Markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya sanadii 1991 isla markaana ay kala daadasho weyn ku dhacday bulsho-weyntii Soomaaliyeed, waxaa dalka Soomaaliyeed ku habsaday dhibaatooyin fara badan oo uu ka mid yahay baabi’in loo geystay degaanka dhulkeenna iyo biyo-la’aan ba’an oo bulshada qabsatay. Sidoo kale waxaa ku soo yaacay shirkado ajnabi ah iyo shaqsiyaad Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ujjeeddadooda tahay in ay si dhaqso ah uga faa’ideystaan xaaladda dalku ku sugan yahay iyaga oo ama daldalanaayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka ama iyaga oo dalka Soomaaliya u isticmaalaya qashin-qub lagu aaso haraaga sunta ah ee ka soo hara warshadaha kiimikada iyo kuwa nukliyeerka iyo weliba qashinka sunta ah ee ka soo baxa isbitaalada waddamada warshadaha ku horumaray.
Ujjeeddada warbixintani, oo ay diyaarisay Xarunta Biyaha & Degaanka Soomaaliyeed (SWCE), waa wacyi-geliyo lagu dareensiinaayo bulshada Soomaaliyeed in ay la socdaan xaaladda ba’an ee dalkeenna gaar ahaan dhinaca degaanka sii baaba’aaya iyo biyo-la’aanta jirta, ayada oo uu Ururka SCWE ka turjumaayo himilada loo aasaasay iyo xilka ka saaran arrimahaasi muhiimka u ah xal u helidda dhibaatooyinka heysta dalkeenna.
Dhibaatooyinka Degaaneed ee Dalkeenna
Dhibaatooyinka degaanka dabiiciga ah ee dalkeenna Hooyo ee Soomaaliya waa kuwo aad u tiro badan oo saameyn adag ku yeeshay nolosha dadka iyo duurjoortaba. Dhibaatooyinkaas oo ah kuwo sii kordhaaya oo walwal iyo naxdin na gelin kara waxaa loo kala qeybin karaa laba qeybood, kuwo dabiici ah iyo kuwo aan dabiici aheyn oo ay dadku dhaliyeen:
- Abaaraha wax dila & fatahaadyada wax baabi’iya ee sida is-daba joogga ah uga dhaca dalka, iyada oo eysan jirin wax saadaalin iyo ka hortag ah. Nafta iyo maalka ay baabi’iyaan ka sokow, waxaa ka dhasha khasaarooyin dhaqaale iyo cudurro.
- Biyo-yarida iyo biyo-la’aanta heysata bulshada – cimilada qalalan iyo horumar-la’aanta awgeed, taas oo saameyn daran ku reebta nolosha magaalooyinka, xoola-dhaqatada iyo xoolahooda, iyo beeraleyda oo dhamaan aan biyaha roobka la’aantood noolan karin, ayada oo ay biyuhu weligoodba ahaayeen arrimaha dhaliya colaadda sokeeyey ee dhex marta bulshooyinka meel wada deggan ee ka wada biyo caba ceelasha miyiga;
- Wasaqda musqulaha iyo qashin-qubyada ee sida aan habbooneyn loogu duugo xaafadaha kuwaas oo sumeynaya ceelasha biyaha laga cabo, taas oo saameyn xun ku yeelata caafimaadka bulshada iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale. Wasaqeyntaas oo iminka noqotay mid sii xad dhaaftay.
- Bacaadka sida dabiiciga ah u socda ee koonfurta dalka Soomaaliya, oo halis ku ah dhul-beereedka wax-soosaarka leh ee koonfurta.
- Xaalufka dabiiciga ah ee dhul-daaqsimeedkii xoolaha iyo baabi’inta degaankii ay ku noolaayeen xawayaanka duur-joogta;
- Ugaarsiga iyo dabar-goynta xawayaanka duur-joogta ah iyo dhoofinta xoolaha-nool kuwooda dhedigga ah.
- Jarista iyo gubidda naxariis-darrada ah ee lagu hayo dhirta iyo keymaha dalka iyada oo laga shidaayo dhuxul loo dhoofiyo dibedda, falkaas oo ah mid lagu baabi’inaayo hantida dalka ee ay dadku wada leeyihiin, iyada oo aysan bulshadu wax faa’ido ah ka helin.
- Qashinka sunta ah ee naxdinta leh ee ka soo hara warshadaha kiimikada iyo kuwa nukliyeerka oo sida isdaba-jooga ah loogu aaso biyaha iyo dhulka Soomaaliya, oo saameyn xun ku yeelan doona caafimaadka dadka, degaanka & kalluunka iyo kheyraaadka badaha.
- Kalluumeysiga sharci-darrada ah ee ay shirkadaha shisheeyuhu ku hayaan xeebaha Soomaalida kuwaas oo xaalufin weyn ku haya kheyraadka badaha dalkeenna.
Saameynta Xun ee Jarridda Dhirta & Qashinka Sunta ah
Ayada oo uu dalkeennu uu markii horeba la liicaayey qaar ka mid ah dhibaatooyinkaas ayaa waxaa sanadahan dambe bilowday ficilo lagu sii baabi’inaayo degaanka dalkeenna laguna waxyeeleynaayo nolosha iyo caafimaadka bulsho-weynta markii horeba dhibaateysneyd. Ficiladaas oo ay geystaan shaqsiyaad Soomaali iyo shisheeye leh waxaa ka mid ah labada qodob ee hoos:
- Xaalufinta naxariis-darrada ah ee ay dadku ku hayaan keymaha iyo dhirta. Waxaa si xad-dhaaf ah u sii kordhaaya jaridda keymaha dalkeenna ayada oo laga shidaayo dhuxul loo dhoofinaayo dalalka Khaliijka, taas oo si fudud looga helo lacago adag. Ficilkaasi xaalufinta dhirta waa fal lagu baabi’inaayo hantida dalka ee ay dadka oo idil wada leeyihiin, ayada oo aysan dadku wax faa’ido ah iney ka helaan iska daaye, ay dhibaato ugu jirto. Saameynta ay xaaluufinta dhirta ku yeelan doonto degaanka dhulkeenna gaar ahaan dhulkii ku habboonaa daaqsimida xoolaha iyo beeraha ayaa ah mid saameyn adag iyo raad-reebto xun ku yeelan doonto nolosha dadka maanta jooga iyo kuwa jiilalka dambe. Dhirta oo qeyb weyn ka qaadata helidda roobab iyo saxa-dhowrka guud ee degaanka oo idil, ayaa jarridda keymaha waxa ay dhalin doontaa xaaluf iyo nadaab-guud ku yimaada dhulka; ayada oo hawaduna sii kululaan karto, roobabkii di’i jirayna ay yaraan karaan. Dhinaca kale waxaa dabar-go’aaya xayawaankii duur-joogta ahaa iyo noolihii kale ee ay dhirtaasi nolol iyo hoy u aheyd. Waxaa kaloo meesha ka bixi doona dhamaan faa’idooyinkii kale ee ay dhirtu u lahaayeen dadka iyo xayawaanka sida gabbaadsiga geedaha, hoy u noqoshada xayawaanka iyo weliba qeybtii ay dhirta ka geysan laheyd quruxta dhulka. Arrimahaasi oo dhan oo faa’ido soo jireen ah waxaa laga doortay laguna beddeshay lacag adag oo hal mar sacabada buuxiya. Ganacsigaasi guracan ee mar-i-cayiliga ah ee jaridda keymaha oo dhuxul la dhoofiyo laga shido waxaa loogu magacdarat Dahabka-Madow ee Soomaaliya, waxa uuna galay meeshii ay dhoofinta xoolaha ku jiraan, gaar ahaan xilliga ay xoolaha xayiran yihiin.
- Sidoo kale waxaa kaloo bilaabatay in dalka Soomaaliya loo isticmaalo qashin-qubka lagu aaso qashinka sunta ah ee ka soo hara warshadaha kiimikada iyo kuwa nukliyeerka ee waddamada dhinaca warshadaha ku horumaray oo iyagu xal u la’ qashinkaasi sii kordhaaya. Sida is daba joogga ah ee naxdinta leh ee qashinkaasi dalkeenna loogu aaso waa mid ay ka dambeeyaan shirkado ajnabi oo gacan saar guracan la leh shaqsiyaad Soomaaliyeed oo iyagu awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku leh bulshada dhexdeeda. Dalka Soomaaliya waxa uu maanta noqday meesha dunida loogu jecel yahay ee lagu aaso qashinka warshadaha ka soo hara. Suntan lagu aasay badaha iyo weliba dhulka Soomaaliyeed waa arrin saameyn adag iyo ma-harto dheer oo fac-ka-fac ah ku yeelaneyso caafimaadka bulshada iyo weliba dhaqaalaha dhinaca waxsoosaarka kalluunka badaha Soomaaliyeed.
In dalka Soomaaliya uu sidaasi noqdo waxaa u sabab ah (i) dowlad la’aanta ka jirta dalkeenna; (ii) baahida weyn ee loo qabo in la helo meel qashinka lagu aaso oo weliba raqiis ah; (iii) burcadnidmada qaawan ee shirkada ka baacmushtara qashinka warshadaha (iii) Soomaaliya oo ku taalo meel u dhexeysa dunida oo dhan si fuduna loo gaari karo; (iv) warbaahinta oo arrintaasi aan ka warheyn; (v) ayada oo ay dhuxushu suuq ka leedahay dalalka saliidda leh ee Khaliijka; (vi) weliba in si sahlan loo helay dad Soomaali ah oo ogolaaday in dalkooda lagu aaso qashinka sunta ee wax dila ama in la xaalufiyo dhirta iyo keymaha dhulkooda Hooyo.
Biyo-La’aanta Jirta & Wasaqeynta Sii Kordheysa
Biyuhu waa aasaas daruuri u ah jiritaanka nolosha aadanaha iyo degaanka, ayada oo "meeshii aan biyo laheyn, eysan nololi jirto". Qiimaha ay biyuhu leeyihiin waa kuwo ku cad Quraanka Kariimka ah. Daraasad ay Xaruntu (Somali Centre for Water & Environment) ku sameysay xiriirka ka dhexeeya Quraanka & Biyaha ayaa lagu caddeeyey in aayado ka badan 400 oo aayadood ay si toos ah amaba si dadban uga hadleen qiimaha ay biyuhu u leeyihiin jiritaanka nolosha dunida. Biyuhu waxa ay gaareen qiimahooda ugu sarreeya markii uu Illaahay (Casa-Wajala) ku yiri Suuratu Anbiyaa´, aayaddeeda 30 naad "...waxaannu biyaha ka yeelnay shey walba waxa uu ku noolaado...". Sidoo kale, warbixin ay soo saartay Qaramaha Midoobay 1998 ayey ku caddeysan in biyo-la’aanta ka jirta dunida ay tahay mid ka mid ah arrimaha ugu dhibaatada badan ee ku soo fool leh aadanaha qarnigan 21 naad .
Dhibaatooyinka dadkeenna heysta waxaa kuwa ugu daran ka mid ah arrimaha biyaha. Biyo-helidda oo aan sugneyn, ayada oo magaalooyinka iyo weliba miyigu aysan jirin ilo-biyo oo nadiif ah oo ay ku kasloonaan karaan, kuwaas oo nololmaalmeedkooda haqabtira, ayaa waxa ay sababtay in biyo-fidinta miyiga iyo magaalooyinku ay noqoto arrin ay si weyn u qiimeyso bulshadu. Saddexda qodob ee ugu muhiimsan ee arrimaha kheyraadka biyaha waa (1) abaaraha, (2) fatahaadyada, iyo (3) wasaqeynta.
Sida ganacsatada iyo dagaal-oogayaasha oo kale ayey abaaraha iyo fatahaadyadu bulshada u dhibaateeyaan si mar-ba-mid-ah. Fatahaadyada dalka Soomaaliya ku dhaca oo ah kuwo ka dhasha roobabka ka da’a Itoobiya, waxa ay muujinayaan in Itoobiya eysan aheyn oo kaliya dal dhibaato weyn ku haya xasiloonida siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, balse waxa uu saameyn aad u xun ku leeyahay degaanka koonfurta Soomaaliya. Inkasta oo ay fatahaadyadu dhowrkii sanaba ay mar dhacaan, haddana kuwa ugu daran oo sida weyn wax u baabi’iya waxay yimaadaan dhowr iyo tobankii sanoba mar sidii fatahaadyadii dhacay 1964 tii, 1982 dii, iyo 1997 dii. Fatahaaddii 1997 oo ahyed midii ugu darneyd waxaa ku dhintay 2500 oo qof iyo 3500 oo neef oo xoolo ah, ayada oo baabi’isay dhul- beereed baadax weyn.
Abaaruhu waxay saameyn adag ku yeeshaan guud ahaan nolosha dadka, xoolaha iyo xayawaanka iyo welida degaanka dabiiciga ah. Waxaa la darsay in soo-noqoqoshada aabaraha dhulkeena ay yihiin kuwo aad u sareeya iyada oo saddexdii sanaba ay mar abaar ku dhacdo dhulka Soomaalida. Isbeddelka cimiladeed ee sanadahan dambe ee ka dhashay kuleylinta hawada waxay sii kordhiyeen rajo la’aanta dhinaca nolosha miyiga oo si weyn ugu xiran dabeecadda cimiladeed gaar ahaan helidda roobabka.
Sida qiyaas la’aanta ah ee ay musqulaha iyo qashin-qubyada magaalooyinku u wasaqeeyaan biyaha ceelasha ay dadku biyaha ka cabaan waa mid ka mid ah naxdinta ugu weyn ee degaaneed ee heysata bulshada uu qabiil-siyaasadeedku kala qeybiyey. Wasaqeyntaani waxa ay sababtaa in ay dhashaan cuduro iyo caafimaad-darro badan oo ku yimaada dadka, taas oo saameyn xun ku yeelata bulshada. Waxaa la garan karaa in wasaqda guryaha ka soo baxa ee ku milama roobabka da’a isla markaana u sii gudba ceelasha beylaha u ah wasaqeynta ay sidaan bakteeriya-cudur-wade iyo waxyaabo kale oo sun ah, saameyntooda dambena aan wax war ah laga heyn.
Walwalka biyo ee kale ee dalkeenna ku soo fool leh waa labada webi ee Juba iyo Shabeelle oo ah webiyo aan la wadaagnno Itoobiya. Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo wada biyaha ugu badan ee dalkeenna waxay biyo u helaan dhul-beereedka muhiimka u ah dhaqaalaha dalka ee ku yaala koonfurta Soomaaliya iyo xoolo-dhaqata iyo bulshooyinka ku baahsan dhulka ay webiyadaasi ay maraan. Xaddiga dhibaato ee qarsoon balse mar kaliya burqan kara ee ku soo fool leh labada webi waa kuwo baaxad weyn.
Gunaanad & Talo
Arrimahaasi murugada leh oo idil waa kuwo si weyn u taabanaaya xaaladda uu dalkeenna Hooyo ku sugan yahay, waxaana la oran karaa waxaa Soomaalida ku soo fool leh arrin si weyn uga daran midda maanta taagan. Sidaasi daraaeed, arrimahaasi cabsida-muujinaaya waxay sabab wanaagsan u noqon karaan in bulshadu ay xal-waara u hesho mashaakilka taagan. Nasiib-darrada naheysata ma aha oo kaliya in dalkeennu noqday mid dhaqaale, bulsho iyo siyasad ahaan burburay, balse waa in xitaa uu dalkeennu noqday mid degaan ahaan baaba’asan oo biyo la’aan darani heysato, isla markaana beylah u ah shirkadaha iyo shaqsiyaadka dhiig-miiradka ah ee ka faa’ideysta fursadaha jira iyo xaaladaha maanta.
Isku soo daroo dhaawaca iyo dhibaatada loo geystay welina lagu hayo degaanka dabiiciga ah ee dalkeenna ayaa ah mid baaxad weyn oo aan la qiyaasi karin hadda ka horne aanan dhicin. Ayada oo uu dalkeennu yahay dal aanan wax daraasado iyo cilmi-baaris ah lagu sameynin marka laga eego arrimahaasi degaanka ku saabsan, oo ma jiraan macluumaad la tixraaci karo. Ayada oo aysan dhinaca kalena jirin wax dadaal ah oo muujinaaya waxka qabsahada arrimahaas sii kordhaaya. Waayo dadkeenna waxa uu la’yahay awood dhaqaale mid aqooneed iyo weliba xasiloonidii dhinaca siyaasadda iyo amaanka.
Hadaba waxaa muuqata in aan si fudud loo xallin karin dhibaatooyinka laga dhaxlo degaanka-sii-xumaanaya, xitaa markii la xalliyo dhibaatada dhinaca khilaafka siyaasadeed ee hubeysan. Waxaa muuqata in dadka Soomaaliyeed aysan waxba ka qaban karin amaba aysan diyaar u aheyn in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka dhinaca degaanka-sii-xumaanaya iyo biyo-la’aanta jirta. Waayo Soomaalidu waxay iminka ku mashquulsan tahay khilaafka siyaaadeed ee dalka burburiyey oo la oran karo waa dambiilaha ugu weyn ee sababay in degaanku dhaawacmo. Balse waxaa cad in khilaafka jira uu iska xallismi doono, waxayse su’aasha taagan ay tahay yaa xallinaaya dhibaatooyinka ba’an ee dabiiciga ah ee degaanku la tabaaleysan yahay iyo biyo-la’aanta iyo dhibaatooyinka kale ee khilaafka siyaasadeed laga dhaxlay. Si kastaba ha ahaatee, waxaase lama huraan ah in la helo arrimaha soo socda si wax looga qabto dhibaatooyinkaas:
- waa in la helaa xasilooni siyaasadeed & amaan;
- waa in la helaa nidaam-dowladeed oo hufan;
- waa in la helaa dhaqaale wax lagu qabto;
- waa in la helaa aqoonyahanno la adeegsado;
- waa in la dejiyaa istiraatijiyo lagu shaqeeyo;
- waa in la abuuraa hey’adihii wax qaban lahaa.
Daraasado ay Xarunta Biyaha & Degaanka Soomaaliyeed (Somali Centre for Water & Environment) sameysay wexey muujineysaa in inta ay arrimahaasi dhinaca siyaasadda, amaanka, aqoonta iyo dhaqaalaha maqan yihiin aysan suuro gal aheyn in wax laga qabto degaanka-sii-xumaanaya iyo biyo-la’aanta ayada oo ay weliba maqnaanshaha arrimahaasi ay dhalinayaan in dhibaatooyinkaasi ay sii kordhaan. Haddaba dhaawaca iyo hanjabaadda lagu hayo degaanka dalkeenna ma heli doono jawaabta ay mudan yihiin, inta ay qodobadaasi maqan yihiin.
Inkasta oo ay sanadahan dambe ay si aad ah u korortay tirada iyo tayada warbaahinta madaxa banaan ee dalka, kuwaas oo mar marka qaar soo qaata arrimaha la xiriira degaanka-la-sii-qurminaayo iyo biyo-la’aanta ba’an, haddana nasiib-xumo ma noqonin dadaalkaasi mid wax ka baddala dareenka dadka dhibaateysan iyo kuwa dhibaatada geysta.
Eynnu Wajahnno
Degaanka-sii-xumaanaaya
& Biyo-La’aanta Dalkeenna:
Dr. C/laahi Cilmi Maxamed "Degaan-u-doode, Khabiir-biyo"
Madaxa: Xarunta Biyaha & Degaanka Soomaaliyeed (Somali Centre for Water & Environment "SCWE")
Stockholm, SWEDEN
E-mail: elmi@aom.kth.se
Tel: +46 (0) 70 752 2425
Courtesy of SCF
Jan 4, 2002
SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
_________________________________
FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002
AFEEF: Aragtida qoraalkani xambaarsanyahay waxaa leh isla mar ahaantaana ay gaar u tahay qoraaga kusaxiixan, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk.com.
|