SOMALITALK.COM
Online Community
DHEGEYSO QUR'AANKA
Halkan waxaad ka dhegeysankartaa 114 suuradood ee quraanka kariimka ah:
>> Guji halkan
HAJKA
ISLAAMKA
WARARKA
CILMIBAARIS
MAQAALLO
CAAFIMAADKA
RADIO/TV
SUNTA iyo QASHINKA
MaOgtahay khatarta ay keenikarto sunta lasheegay in Soomaaliya lagu aasay. Akhri
warbixintii Shakiib
MUSLIMIINTA DENMARK
Muslimiinta Denmark oo loo ogolaaday in ay yeeshaan dhul u gooni ah Qubuuraha Muslimiinta.
Akhri qoraalkii IbrahimSalah
DARAASAD
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka. Akhri
Qoraalkii Caddaawe
UBADKA QURBAHA
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji halkan
MAPS
Somalia claims sovereignty over Ogaden, an ethnically Somali region of far eastern Ethiopia. In 1977 Somalia invaded Ogaden in an attempt to annex it, but Somali forces were defeated by the Ethiopian army in 1978. Ethiopia and Somalia signed a peace accord in 1988 but Somalia did not renounce its claim to the region.

Quote from Encarta Online

WAGGALLA MASSACRE
This act of genocide occurred in 1984 in Wagala near Wajir.
Read here
FREE EMAIL
FreeEmail
Home | Webs | Email | TellFriends | Search | Feedback | Wed, Jan 02, 2002 | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
Sharci ku saabsan sharciyaynta xafiisyada xawaaladaha
Xeer Cusub oo Kasoobaxay Minnesota oo Kusaabsan Sharciyaynta Xawilaada Lacagta

Qoraalkii commerce.state.mn.us | Tarjumadii SomaliTalk | November 2001

English Version - Read here

Lacag Gudbinta / Xawaalada

MINNESOTA, USA - Lagabilaabo January 1, 2002, dadka ka shaqaynaya ama ku hawlgala  lacag gudbinta (ama xawilaada) waxaa waajib ku ah in ay haystaan Shatiga (leysanka) Wasaaradda Ganacsiga. Qofkaas shatiga haysta wuxuu kushaqaysankaraa Minnesota dhexdeeda hal goob ama goobo baban, ama isagoo siimaraya hal ama kabadan oo sharciyasan, ama labadaba, isla laysankaas keliya. Qaanuunka-Qoran ee Minnesota, Cutubka 53B (oo aad ka helikartid www.leg.state.mn.us, eeg Senate File #1485) wuxuu kareebayaa xeerkaas leysan qaadashada qaybo ay kamid yihiin, inkasta oo aysan intaas ku koobnayn, kuwo laysankoodu ku sharciyaysanyahay oo qandaraas kulajira kuwa hayta shatiga dawladda maraykanka (U.S. government) , Boostada Maraykanka (U.S. Postal Service), Gobolka ama qaybaha xisbiyada (state or any political subdivision), bangiyada (banks, credit unions, savings associations and bank holding companies.) Wixii Su'aal oo kusaabsan Shatiga (leysanka) waxaa sitoos ah lagala xiriirikaraa 651-282-9855.

Qiimaha Leysanka (Shatiga)

  • Bilowga Codsiga Shatiga qiimihiisu waa $4000
  • Lacagtaas celis malahan

Shuruudaha Leysanka

  • Hanti- Qofka Leysanka codsanayaa waa in uu haystaa hanti aan kayarayn $100,000. Leysanka haysatayaasha kashaqaynaya dirida lacagta ee hal goob kabadan waa in ay haystaan $50,000 hanti dheeraad ah halkii gooba ama halkii adeege sharciyasanba, ugu badnaana $500,000.
  • Magac Wanaagsan - Shirkad kasta [corporate] oo codsanaysa (leysan) waxaa shardi ah in uu yahay mid sumcad wanaagsan (yacni magaceedu saafi yahay) gobolka ay ka hawlgelayso. Shirkadaha yaryar (noncorporate) waxaa laga diiwaan gelinayaa in ay ku ganacsanaad Minnesota.
  • Dammaanad - Leysankasta waxaa shardi u ah in uu keeno warqad dammaanada ah (Surety Bond) ama warqad katimid deynbixiyayaasha (credit) oo ah lacag dhan $50,000. Hadii Leysankaas lagaga adeegayo wax kabadan hal goob waa in lagudaraa lacagtaas $10,000 halkii gooba ilaa iyo ugu badnaan $250,000.
  • Aaminaad - Qofkasta oo haysta Leysan waa in uu had iyo jeer ku hawlgalaa maalgashiga la ogolyahay suuqa kaas oo u dhigma damaanadiisa.

Foomka Leysanka

Cusboonasiinta Shatiga

  • Leysanadu waa sannadle, waxayna dhacayaan December 31 sannadwalba. Ogeysiis in la cusbooneysiiyo Leysanka ayaa loo diryaa qofkasta oo leysankaas haysta ugu dambayn September 30-keeda sannadwalba, waxaana larabaa in lacagtaas labixiyo November 15-keeda.
  • Lacagta cusboonaysiinta Leysanku waa $2,500.
  • Waxaana leysanka looga baahanyahay war-bixin kusaabsan wixii sannadkaas lagu kusaabsan ee lagu hawlgalay ama lagu qabtay si loo cusboonaysiiyo.

Qoraalkaan faahfaahsan oo Af-Ingriisi ah ka akhri
Money Transmitter at commerce.state.mn.us

Xuquuqda qoraalkaan waxaa leh: commerce.state.mn.us


Minnesota Links: News From Minnesota:

2001-11-18
TARJUMADII BAHDA SOMALITALK.COM
CONTRIBUTED
BY: Cusmaan Axamad, MPLS, MN


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
.


Xuquuqda Qoraalka / Copyright © SomaliTalk.com. All rights reserved. Privacy