| 
 | 
| w w w . s o m a l i t a l k . c o m |  
 | SOMALITALK
    NEWS
 |   | 
Warbixin Soomaalida Suudaan| QALCADDA MOMBASSA  Sawirkaan wuxuu muujinayaa Qalcadda hadda lagumagcaabo Qalcadii Ciise, tan oo sida taariikhda hoose muujineyso in badan gacanta ugu jerey Islaamka Qalcaddani waxa ay kutaalaa magaalada Mombasa, Kenya, marka aad gudeheeda gashid waxaad ku arkaysaa ayaado Qur'aan ah oo kuqoran qaybkamida albaabada qalcadda iyo qayb kamida qaariyadaha kore ee saqafka kor u haya. Waxaadna ku arkaysaa aayadaha ay kamid yihiin "INAA FATAXNAA LAKA FATXAN MUBIIN"
By: SomaliTalk Team
 
 Fort of Mombasa History 
  1498 Portuguese reach Mombasa, but sail on to Malindi.1589 Turks build a small fort at Mombasa1593 Portuguese pull out of Malindi, begin to build Fort in Mombasa1631 Sultan of Mombasa stabs Portuguese captain, takes over Fort1632 Unsuccessful attemps by Portuguese to retake Fort. 1632 Sultan's nerve fails; he quits, Portuguese reoccupy.1661 Sultan of Oman sacks Mombasa, but fears to attack Fort1696 Sultan of Oman lays siege to Fort1697 Portuguese in Fort dying from starvationmand plague1698 Fort falls to Omani Arabs after 23/4 years seige 1728 Garrison mutinies against Arabs; Portuguese reoccupy 1729 Omani Arabs retake Fort; Portuguese leave for good 1741 Omani governor of Fort, al-Mazrui, declares independence 1746 Al-Mazrui murdered by Omanis; his brother kills assassins, becomes
    governor 1824 Al-Mazrui governor seeks and gets British protection 1826 British protection withdrawn 1828 Sultan of Oman & Zanzibar (Sayyid Said) regains Fort 1829 Al-Mazrui forces starve out Suldan,s garrison 1833 Al-Mazrui forces in Fort withstand bombardment by Sultan 1837 The last Al-Mazrui governor submits to Sultan 1875 Fort bombardedby British ships to quell mutiny by al-Akida 1895-1958 Fort used as government prison  Source: National Museums of Kenya [publication] |  
SOOMAALI TAHRIIB AH OO KU GEERIYOODEEN SAXARAHA U DHAXEEYA LIIBIYA IYO SUUDAN 
   
  maxamed amiin sh.cismaan
 
  khartoum sudan 
   waxaa dhawaanahan  danbe si aad ah u imanayay wadankan sudan
   dad soomaaliyeed oo tahriib ah  oo ku siijeeda wadanka liibiya si
  ay halkaas uga sii baxaan wadamada yurub ama ay ugahelaan shaqooyin wax tar
  uleh oo ay ku qancaan ,taasi oo keentay in dad farabadan oo soomaali ah
  dhibaati kasoo gaartay tahribkaani iyada oo qarkoodna dhinteen qaar kalena ay
  yaalaan xabsiyada wadankaan sudan, kadib heshiis dhex maray labada wadan ee
  liibiya iyo sudan,. Heshiiskaas oo keenaya in sudan eey xuduudeeda kaxirto  dadka sida
  sharci darada ah ugu soo qulqulaya wadankaas (liibiya) iyada oo liibiya
  dhankeedana eey taageertay ciidamad suudaan oo ilaaliya xuduudaha
   labada  wadan iyada oo la sheegay in eey siisay qalab iskuugu
  jira  baabuur iyo kaalma kale oo ciidan. Taasina eey sababtay in soomaali
  farabadan lagu soo qabqabto saxaraha iyaga oo u sii tahriibaya wadanka liibiya
  oo iskuugu jira rag iyo dumar  laguna xakumay xabsiyo  ilaa sedax
  bil ah kadibna lagu soo daaya damiin oo aay damiinten madaxda jaaliyada
  soomaaliyed ee suudaan oo mar dhaw boorka laga jafay  sida uu ii
  sheegay gudoomiyaha jaaliyada somaliyee ee sudan c/qaadir xaashi
  jimcaale, iyada oo lagu amray in waqti xadidan dadkaasi si sharci ah
  ay uga baxaan wadanka sudan halka eeyqaarkalena wali eey ku jiraan
  jeelasha wadankaan sudan, waxa uuna ii sheegay guudoomiye xaashi in ay  dadaal
  ugu jiraan sidii ay usii daylahaayeen qaar ka kale oo  kuharay xabsiyada
  wadankan sudan maalmaha fooda inagu so haya.
 
   waxa kale jirtay in kooxdii ugu dambeysay tahriibka somalida oo baxday
  bartamaha bishii 1aad (January) oo iyagu  tageen xuduuda sudan eey
  la leedahay wadanka liibiya magaalda layiraahdoTIINA halkaas oo ay
  suudaaniyiin muqalasiin ah oo  ka shaqaysta arimaha tahriibka ay ka
  qaadayeen dad farabadn oo  iskuugu jira somali sudan iyo iyo
  ithobiya oo gabigood ku sii jeeda liibiya ayna usoo kireyeen
  labagaari oo xamuul ah iyo gaari yar oo siibla ah ,  laakiin
  nasiib daro waxa dhacday in dhibaata ba' an ay soo gaarto qaar katirsan dadkii
  tahriiibaay oo iskuugu jiray somali iyo sudan sida uu ii sheegay wiil
  layiraahdo maxamed axmed cumar(maxmed dheere)oo
  kamid ahaa dadkii tahriibka ahaa oo baabuurtaas raacay oo gaarigiisii uu
  dhex kujabay ayna ku dhinteen dad farabadan oo 4 kamid ahi eey yihiin soomaali. Mar aan wax kaweeydiiyay sida uu shilku udhacay waxa uu iigu jawaabay
  "waxa aan ahayn ilaa sedax baabuur oo kala ah mid kuwa yar yarka ah
   oo nooca siiblaha loo yaqaano ah iyo laba gaari oo xamuul ah oo midkiiba
  saaraayeen dad kabadan laba boqol(200)oo qof.."
 
  Mar aan wax kaweeydiiyay soomaalida tiradooda waxa uu ii sheegay in eey
  ahaayeen 32ruux oo  6 kamid ah
  haween tahay waxa uuna ii sheegay in 4 kamid ah
  haweenkii iyo laba wiil ay raaceen gaarigii yaraa halka 14 kalena 
  eey saaraayeen gaari xamuul ah waana labada gaari oo badbaadeen, .halka
  gaariga kale oo aan saaraay oo jabay ay saaraayeen 12 ruux ayuu
  yiri waa soomaalide.
 
   
  Mar aan waydiiyay sida ay dadku ku dhinteen waxa uu ii sheegay in gaarigu
  uu kajabay 6/2/2002 waxa eeyna dulfadhiyeen ila 6
  maalmood  kadib ayaan bilaawnay in aan socono ayuu yiri kadib
  markii ay inoo soo  noqon wayeen gawaaridi kale oo aan kasugaynay spare
  parts kii aan ubaahnay ; waxa aana ka fogayn ayuu yiri xuduuda liibiya
  magaalada layiraahdo KUFRAH ilaa 500klm,  taasina waxa aay
  keentay in dadkii ay dhex kuwada dhacaan ilaa aan helnay ayuu yiri geeleey
  suuudaaniyiin  ah oo iyagu inoo gurmadeen markii ay arkeen in dhibaato
  inahayso oo aan xitaa kala dhunay oo qayb waliba  xitaa ay soo aruuriyeen dadkii
  ku lumay soonahaas   ilaa waxii dhintay ma ahane; ayna  inagu
  soo qaadeen ilaa 76awr waa inteene noolayd ayuu yiri  waxa ayna ina
  haayeen ilaa 5 maalmood kabacdina ay dawlada gaarsiiyeen oo ay inoo soo dirtay
  helikobtar sida dawo iyo raashin iyo biyo, kadibna waxa inala keenay magala
  kale o kutaal xaduuda oo inagula daaweeynayay nagulana quudinayay ayuu yiri
  maadaama uu xitaa safarku ina dhibayay oo aanan kabixi karin gaariga
  ayuuyiri.nafaqa daro daradeed.
 
   
  Mar aan wax kawaydiiyay tirada halkaasi ku dhimatay wax uu igu yiraahday
  waxaa halkaas ku dhintay inkabadan 30 ruux oo  suudaan ubadan oo ay 4
  kamid ahina ay ahaayeen soomaali oo aan wada soconay waxa ayna kala yihiin
 
  1-ciise cali xaayoow
 
  2-c/raxmaan max'ud diiriye
 
  3-c/naasir gaambax faarax
 
  4-max'ed sh. cali
  Dadkaas dhamaantoood oo aan rafiiq ahayn way wada dhinteen
  ayuu yire  waxa ayna u dhinteen haraad iyo gaajo, inteenii
  kalene waxa lakeenay cisbitaalo ku yaal gobolka waqooyiga daarfoor
  caasimadiisa  faashir oo ay dawladu aad inoogi dadaashay ayuu yiri maxaa
  yeelay waxaa inaga dhamaaday nafaqadii oo cagabararkii ayaa nahayay  ayuu
  yiraahday maanta oo ah 15/3/2002 ayaan nimaaaday khartoum iyada oo mudo
  ay dawladu ina daawaynaysay wax inagula xakumayna majirto oo ganaax ah ayuu
  yiraahday. oo waa laiska keen fasaxay.
 
   
  waxa kale oo jirta in laba nin oo soomali ah oo iyana laguxiray kadib
  shilkaas iyaga oo joogaa xudaad labada dal ayna ciidamada bolisku qabteen
  dibna ugu soo ciliyeen khartoum sida uu ii sheegay mid kamid ah labadaas wiil
   oo magaciisa layiraahdo maxamed ciise axmed oo ii
  sheegay in uu shilkaan uga war heliyay xuduuda labada dal waxa kale oo aan
  maqlay ayuu yiraahday oo eey ii sheegeen dadkii halkas aan kula kulmay in uu
  geeriyooday nin layiraahdo xaashi garabeey oo isana kategay
  khartoum bishi hore laakin wax cadayn ah ma laga hayo arintaas ragii  gaarigii
  shilka saaraana war kamahyno ayeey yiraahdeen.
 
   
  sida uu ii shegay maxamed xuseen sabare oo ah oday
  katirsan jaaliyada Soomaalida ee  sudan kuna leh khartoum baarka ugu wayn
  oo somalidu iskuugu timaado in eey bilaabeen wacyi gelin loo sameynayo
  dadka tahriibka ah oo ay ka qeybqaadanayaan ardada somaliyeed ee wax kubarat
   sudan si wax loo fahansiiyo dadka tahriibka ah oo nafsadooda qatar
  gelinaya.
 
   
   waxaa xusid mudan in dhalinyaro badan oo wax u bilaabnaayeen lagu
  qanciyay in eey wax bartaan oo qaarkood hada jaamacado dhigtaan.
 
   
 
   ugu danbeynti waxa uu kacodsaday GUD.jaaliyad sudan mudane c/qaadir
  xashi jimcaale dadka tahriibka ah in eey raadsadaan wadooyin kadhibyar oo
  sharci ah oo lagu bixi karo ayu yiri oo kajira wadanka sudan sida in eey
  qaataan buu yiri visaha wadanka Chad kaas oo sahlan ayna ugu gudbi karaan
  wadanka liibiya. waxa uuna sheegay in eey ku taageerayaan dhankaas.
    
  maxamed amiin sh.cismaan
 
  tel;012279919
 SOMALITALK | March 16, 2002
 93 qof oo isugujira dhawr dal oo Afrika ah oo Harraad Kudiley Saxaraha Liibiya May 2001
 
 Wargeys Kasoo Baxa Minnesota oo Qoraal Dheer Ka Qoray Musharaxii Hore ee Duqa magaalada Minneaplis, Maxamuud Nuur Wardheere
 
 Wargeyska lagu magcaabo "Southwest Journal" ayaa cadadkiisii maanta qoraal dheer ka qoray Maxamuud Nuur Wardheere oo ah musharaxii hore ee duqa Magaalada Minneapolis.|  Maxamuud Wardheere iyo gabadhiisa 4jirka ah ee Maryan SAWIRKA: swjournal
 
 | 
 Maxamuud Wardheere waa Soomaaligii ugu horeeyeye ee Magaalada Minneapolis isu tooga doorashada duqa Magaalada, taas oo uu ka qayb galay sannadkii lasoo dhaafay.
 Wardheere waxa uu hadda deggan yahay magaalada Minneapolis, ee gobolka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota oo ku yaal bartamaha dalka maraykanka.
 Warkii wargeyska oo faahfaahsan ka akhri Halkan
 ISHA: swjournal.com March 14, 2002
 War saxaafadeed ay soo saareen ergada faraca xisbiga KANU ee dalka Kenya
 
14/3/2002 iqra fm Somali section
 
WQ. Ridwan haji abdiwali
 
 War-Saxaafadeed Ay Soo Saareen Ergada Faraca Xisbiga Kanu Ee Nairobi Uga Qayb 
Geleysa Shirka Midowga Labada Xisbi Ee KANU iyo NDP March 18da Ayna Ku Saxiixan 
Yihiin Gudoomiyasha Faracyada KANU Makadara,Kasarani, Iyo Xoghayayaasha 
Embakasi,Kasarani,Gudomiye Ku-Xigeenka Nairobi Iyo Starehe Waxay  Soo Dhoweeyeen 
Isu Taagida Xussen Macalin  Musharaxnimada  Xilka Gudomiye Ku-Xigeenimada Heer 
Qaran Ee  Xisbiga Kanu -Cusub.
 
 Wasiirka Adeega Caafimaadka Xussen Macalin Ahna Xildhiban Laga Soo Doorto 
Dujis,Waxay  Ergada KANU Ee Nairobi Ku Sheegeen War -Saxaafadeekooda In Xussen 
uu kusifoobay Karamo Iyo Daacdnimada Xisbiga Kanu, Xaqiijiyeyna Ka 
Madaxbanaanida Qabiilka Iyo Musuqmaasuqa,Isla Markaana Hufnaan Kaga Sifoobay 
Hawlaha Xisbiga ,Isagoon  U Kala Eegin Dadka Kenyanka Ah Qabil,da' Iyo  Siyaaso 
Midna  Mudadii Uu Ahaa  Kaaliyaha Xoghayaha Abaabulka Heer  Qaran Ee Xisbiga 
Kanu.  
 Sidaa Darteed ayey War-Saxaafadeedkooda Ku Yiraahdeen  Waxaanu  U Xaqiijinayaan 
Xussen Macalin Kala Har La'aan Taageeradooda ,Waxayna Ugu Baaqeen Dhamaan 
Kenyanka Ka Qayb Gelaya Shirka Kasarani March 18du In Codkooda ay Siiyaan.
  IQRA FM, Qaybta AfSoomaaligaiqrafm@bidii.com
 FAAFIN: SOMALITALK.COM | March 14, 2002 
Jaamacadda Concordia oo Muslimiinta U ogolaatay Qol Baaxadweyn oo ay kutukadaan
 CANADA- Warsaxaafadeed kasoo baxaay CAIR-CAN ayaa muslimiinta ka codsaday in ay Jaamacadaas u mahadnaqaan
 Warka oo dhan March 11
 Golihii Wasiirada ee
    DGPL oo la dhamaystiray
 Afartii kadhinaa sagaalka ay golaha wasiirada Puntland ka koobanyihiin ay...
 Warka oo dhan March 11
 
 
C/Risaaq Maxamud Saleeman oo Kubiiray Xisbiga Ilayska SL
NORWAY - Musharaxii hore ee Madaxweynenimada Somaliland ayaa sheegay in uu ku biiray xisbiga Ilayska Somaliland
 Ka akhri halkan March 3
 Waftiyo Kakala Socda dalal Kala duwan oo Booqday PL
 BOSASO- Wafdi kakala socda Maraykan, Australia, Masar, Liibiya iyo Itoobiya ayaa dhawaan booqashooyin kala gaar gaara ku tegey Puntland.
 Ka akhri halkan March 2
 Kalsoonid Kala Laabasho DKMG
 Qoraal kasoo baxay Beesha Dhulbahante ee Degaanka Buuhoodle ayaa.. Ka akhri halkan
 MAQAALKA MAANTA:WQ. Xaasi Sagaar
 Taariikhdii Midabyada Badnayd ee C/Laahi Yuusuf
 Doorashadii Baarlamaanka Puntland
 qaabkii ay u dhacday doorashadii guddoomiyaha iyo labada guddoomiye ku xigeen ee baarlamaanka PL
 Ka akhri halkan feb 28
 Beesha Mudulood oo Qoraal Kasoosaaray daagaalkii Xamar
 Warsaxaafadeed u soo saaray Golaha Midnimada Muddullood (GMM) ee Xaruntiisa tahay magaalada Toronto, Canada ayaa ka walaacsan dagaalka lagu hoobtay ee ka 
dhacay Degmooyinka Maka iyo Madiina
 Ka akhri halkan feb 28
 SULDAAN SIRAAJI IYO ARAGTIDIISA DKMG
 Waraysi uu bixiyey Suldaan Maxamed Xaji Siraaji oo uu kaga hadlayo waxyaabihii ay DKG garab martay
 Ka akhri halkan feb 28
 CISMAAN ABOKOR IYO ARAGTIDIISA SOMALILAND
 Waraysi uu bixiyey Hoggaamiyihii hore ee Xisbiga Ilayska Somaliland Cismaan Abokor Ka akhri halkan feb 28
 Shuruud Adag oo Maraykanku Kuxiray
3 Soomaalida Sweden
 Si looga saaro Liiska Argagixsada ayaa Seddex nin oo soomaali ah heystana dhalashada wadankan Sweden kana mid ahaa..
  Ka akhri halkan feb 27
 »WARBIXIN JAAMACADDA CAMUUD EE BOORAME:
 waraysi radio Sagal layeeshay madaxweyne kuxigeenka Jaamacada Camuud pro. C/laahi Xaashi Abiib
 Ka.Dhegeyso.Halkan
 Jabuuti oo Jawaab Kulul Kabixisay hadalkii Itoobiya
 Hadalkii uu dhowaan sheegay safiirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobey ee Kusaabsanaa Soomaaliya ayaa...
 Ka Akhri Halkan [Djabouti] feb 26
 Soomaalida u soo Guur Timaada Dalka Hindiya oo Baryahan Batay
 Soomaali badan ayaa sanadkii aynu soo dhaafanay guursaday hablo badan oo reer india ah oo (muslimiina ah) iyadoo ay... 
 Ka Akhri Halkan [Hindia] feb 23
 
 |  | Powered by
 
www.SomaliTalk.com
 All About Somalia and More...
 |  
| Usheeg Asxaabtaada
 | Talo Bixin |  |  |