Aqoon iswaydaarsigii bulshada Puntland oo shalay makhribkii lagusoo gababa
gabeeyay magaalada
March ,18,2002 isniin
IQRA FM NEWS
W.Q Ridwan Haji Abdiwali
Waxaa shalay makhribkii lagusoo gaba gabeeyay hotelka holday in ee magaalada
nayroobi aqoon iswaydaarsi usocday 7 bari bulshada puntland oo lagu qabtay
degmada aber dere ee Nyeri ee dalka Kenya, Iyadoo iritaankii aqoon
iswaydaarsigan ee shalay lasoo gabagabeeyay waxaa xiray danjiraha dalka Sweden
ufadhiya dalka Kenya.
Aqoon iswaydaarsigu waxaa uu kusaabsanaa nabada,dib uheshiisiinta iyo xalinta
khilaafaadka siyaaso iyo dastuuri ee kajira gobolka puntland, waxaana kaqayb
galay 35 xubnood oo 20 kamid ah ay kayimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada
gudaha puntland iyadoo 15ka kalana ay kayimaadeen dibada.
Wuxuu ahaa aqoon iswaydaarsi si caalami ah loo abaabulay waxaana oo ay waday
hayada Diakonia oo laga leeyahay dalka Sweden haatanna hawlo laxiriira
tacliinta, tababarada sharciga iyo biyaha kawadaa puntland.
Dhamaan kaqaybgalayaasha ayaa u anba bixi doona marka hore maamul goboleedka
puntland.
Iqrafm@bidii.com iyo ridwanhaji@yahoo.com
Midawga KANU iyo NDP oo noqday xisbiga cusub ee NEW KANU
IQRA FM NEWS
18/march/2002
W.Q Ridwan haji abdiwali
Shirweynihii Heer Qaran Ee Midowga Xisbiyada KANU Iyo NDP Oo Ay Ka Qayb Galeen
6,000 Ergo Ayaa Waxaa Uu Saaka Ka Furmay Garoonka Kasarni Ee Magalada
Nairobi,Waxaana Wufudu Isku Raaceen Xisbiga Cusub Ee NEW -KANU.
Shirweynuhu Markii Uu Bilowday Waxa Tartanka Doorashada Xisbiga Cusub Ka
Tanasulay Madaxweyne Ku-Xigenka Prof. George Saitoti Iyo Xoghayihii Guud Ee
Xisbigii Kanu Joseph Kamotho.
Shirweynuhu Waxaa Uu U Doortay Gudoomiyaha Xisbiga Cusub Madaxweyne Daniel Arap
Moi,Afarta Gudomoiye Ku-Xigeenna Waxa Loo Doortay Uhuru Kenyatta, Musalia
Mudavadi, Kalonzo Musyoka Iyo Katana Ngala.
Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Ee NEW KANU waxaa noqday Raila Odinga, Ku-Xigeenana
Julius Sankuli Iyo Bonia Godana.
Xoghayaha Abaabulka Nicholas Biwott.
Khasnad hayaha Xisbia Waxaa Noqday Maxamed Yusuf Xaji.
Agaasimaha Dorashada Xisbiga Waxa Noqday William Ruto.
Xoghayaha Dhaqaalaha Xisbiga Maxamed Abdi Maxamud.
Xoghayaha Warfaafinta Sharrif Nasser.
Xoghayaha Sharciga Iyo Dastuurka Otieno Kijwanga.
Xoghayaha Arrimaha Debedda Xisbiga Maxamed Abdi Affey.
Xoghayaha Arrimaha Dhalinyarada. Hasan adam.
Madaxweyne Moi Hadal Uu Ka Jeediyey Shirka Waxa Uu Uga Mahadnaqay Wufuuda
Gudoomiyenimada Xisbiga Cusub Ee Loo Dortay,Wuxuuna U Hambalyey Xubnaha Loo
Doortay Xilalka Cusub.
Madaxweyne Moi Waxa Uu Yiri Xisbiga New Kanu Waa Xisbiga Dadka Kenya Oo
Dhan,Wuxuuna Yiri Xisbiga Waxa Uu Tartanka Doorashada Guud Ku Geli Doonaa
Waayo-Aragnimadii Sanooyinka Badan Iyo Xawli Cusub Ee Ka Dhashay Midowga Labada
Xisbi Ee KANU\NDP.
Madaxweyne Moi Waxa Uu Sheegay In Dunida Oo Xawli Isu tag Dhaqaale Ku Socotay Ay
Hoggaamiyaasha Afrika Aqoonsadeen Khatartaasi,Go'aanna Ku Gaareen Barnaamij
Qorshe Wadajir Ah.
Iqrafm@bidii.com iyo ridwanhaji@yahoo.com
LIFAAQ: danjiraha waxaa loo magacaabay qof dumar ah oo lagu magcaabo inga bjork
March 18, 2002 | SOMALITALK.COM