Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK NEWS
2 Dayuuradaha basaaska oo jarmalku ay leeyihiin oo yimid mombasa si ay u ilaaliyaan xeebaha soomaaliya

IQRA NEWS
Nairobi,march 16,2002
W.Q :Ridwan Haji Abdiwali

Labo dayuuradaha wax basaasa ah oo siday 160 askari oo jarmal ah ayaa kusugan magaalada Mombasa ee dalka Kenya waxaana dayuuradahaasi ay ilaalinayaan wadanka geeska afrika ee Soomaaliya iyadoo qayb ka ah dagaalka Maraykanku uu hogaaminayo ee ladagaalanka Argagixisada.

Dayuuradahan oo yimid maalintii Talaadada ayna kurakiban yihiin qalabka raadaalka iyo kaamerooyinka lagula socdo dhaqdhaqaaqa ayaa waxay kasoo kicitameen Nordholz Airbase ee dalka Jarmalka sida uu sheegay Frank Hansman oo ah afhayeenka milaari.

Dayuuradahan kusugan gobolka xeebta waxay waardiyaynayaan xeebaha badwaynta hindiya iyo xeebaha dariska la ah Soomaaliya si dagaalyahanada Al Qacida ee kasoo cararaya dalka Afqaanistaan ayna ugu soo dhuumaalaysanin dalka Soomaaliya maadaama ayna Soomaaliya kajirin dawlad dhexe, [waa sida wararku sheegeene].

Wadankaas Soomaaliya oo muslim ah waxaa uu leeyahay xeebta uugu dheer ee afrika iyadoo dalkuna ukala qaybsanyahay qaybo qaybo mararka qaarkoodina ay isku dhacaan, sidaasi daraadeed ay dayuuradaha dagaalka ee Maraykanka iyo kuwa Reer galbeedkuba ilaalo kahayaan xeebaha iyo hawada soomaaliya mudo bilooyin ah.

Dalka Jabuuti oo xad laleh dalka Soomaaliya waxaa horay utagay oo saldhig kasamaystay ciidamadii jarmalka ee ugu badnaa tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka oo banaanka aada.

ridwanhaji@yahoo.com

FAAFIN: SomaliTalk | March 17, 2002

LATEST NEWS ..CHECK | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruucan masjidka oo ay kubaxayso $900,000.00 kun. waxaa hadda loo hayaa $740,323.11, warbixin GUJI..
XAWALADDA DALSAN
Xawaaladda DALSAN ee dacalada Adduunka Dalsan
KAAH EXPRESS
Xafiisyada KAAH EXPRESS ee daafaha dunida Kaah Express
SAXAABADA RASUULKA
Habnololeedkii Saxaabadii Rasuulka GUJI
SU'AALO / QUIZ
Isku day in aad ka jawaabtid su'aalaha kuqoran HALKAN
KOOBIGA DADKA
Macluumaad cilmiyeed kusaabsan Koobiyaaraynta dadka "HumanCloning" GUJI..
CYBERCRIME
Want to know more about the cybercrime
Check here

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.