.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
SHARON OO DOONAYA INUU KA QEYBGALO SHIRKA MADAXDA JAAMACADA CARABTA

C/xakiim Axmed guled
Stockholm, Sweden
guledhakim@yahoo.com

Wasiirka koowaad ee Isael Ariel Sharon ayaa doonaya inuu ku sii siqo kulanka ay madaxda carabta ku leeyihiin magaalada Beirut ee wadanka Lubnaan arbacada soo socota, wareysi uu siiyey jariidada washington post ayuu sharon ku sheegay inuu doonaya inuu fursad helo uu ku soo bandhigo aragtidiisa ku wajahan soo jeedinta dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga amiir C/lle. Madaxda Carabta ayaa lagu wadaa inay kaga wada hadlaan shirkooda nabadeynta Falastiin iyo Isael oo uu sacuudigu soo bandhigay.

Dhanka kale wali ma cada in Isael u ogolaan doonto hogaamiyaha Falastiin mudane Yaasir Carafaat inuu ka qeyb galo shirka jaamacada Caradta ee Beirut.

Si kastaba ha ahaatee waxay soo jeedinta sacuudiga xambaarsan tahay ”Israel waa inay ka baxdaa dhamaan dhulkii ay carabta kaga qabsatey dagaalkii 1967dii kuna bedelataa aqoonsi ay aqoonsadaan wadamada xubnaha ka ah Jaamacada Carabta” hadaba dadka raac raaca ama sida aadka ah ugu dhuundaloola siyaasada Bariga dhexe ayay ugu muuqataa hal bacaad lagu lisay soo jeedinta sacuudiga, iyagaa sabab uga dhigayo hashiiskii Oslo oo ay hada ka soo wareegtey mudo ku dhow 10 sano qiyaastii ayaa Yahuuda iyo falastiiniyiintu waxay ku heshiiyeen heshiis halku dhigiisu ahaa Nabad ku bedello dhul oo macnaheedu markaa ahaa in falastiiniyiintu helaan dhamaan dhulkii ay yahuudu ka heysatey iyo dowladnimo halka yahuudana ay helaysay nabad heshiiskaas dhanka falastiiniyiinta waa ka hir galay oo yahuuda way heshay nabadii waxyna u adeegsatey ugana faa’iideysatey furfurida iyo iska horkeenka falastiiniyiinta dhexdooda, taasoo geyeysiisay in beerahoodii, guryahoodii, iyo xoolahoodiiba inay xidid siibto dakuna wali ma ilaawin sawirkii foosha xumaa oo murugada badnaa ee Maxamed Durra iyo kuwa kaba sii foolxumaa oo dumar foolanaya iyo ragoodii oo la xasuuqay, gargaarka deg deg ah sida Ambalaasyadii iyo Isbitaaladii la duqeeyey, gurmadkii caalamiga ahaa oo ka yimid Denmark iyo Sweden oo wadayaalka ambalaasyada ay ilaa iyo hada ay suurta gal u noqon la’dahay inay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda, ka dib markey Isael ku eedaysay wadayaasha falistiiniyiintu inay u shaqeynayaan Kacdoonka Al-aqsa.

Kacdoonka Al-Aqsaa ayaa Isael baday ayay aaminsan yihiin dad badni qasaaro aad u balaaran oo dhan walba ah iyo waliba go’aankii yaabka lahaa ee golaha amaanka ee qaramada midoobey oo ugu yeeray falastiin iyo Israel in ay yihiin labbo wadan iyo in Kofi Anan oo si aad ah u weeraro xadgudubka Israel, iyadoo la wada ogsoon yahay inka badan 50 sano in Isael ay ku raaxeysanaysay xasuuqa aan xadka laheyn ee lagu hayay dadka ra’idka ah ee reer Falastiin halka Qaramada midoobey oo Mareykanku hor kacayo ay gashaan u ahaayeen difaacna u ahaayeen maamulka Israel, waa sida dadkaas badani aaminsanyihiine. Soo jeedinta Amiir C/lle ayay ku tilmaameen in ay 10 sano oo dambe oo fursad ah siin karto Israel si ay u sii wadato xasuuqeeda, maadaama aan la aamini karin axdina aysan lahayn oo lagu aamino ayay ku soo gabagabeeyeen.

Dhanka kale dad aan sidaa u badneyn ayaa rumaysan in heshiiskaan miro dhali karo hadii labad dhinacba daacad ka noqdaan heshiisyada ay horey u wada galeen.

Si kastaba ha ahaatee la arki doonee halka uu ku dambeyn doono isku dayga cusub iyo sida uu u daboolo baahida xaquuqda aasaasiga ah ee dhibanayasha reer falastiin u qabaan iney helaan Dowlad u gaar ah oo ay jiritaankooda, sharaftooda aadinimo iyo maxastoodaba ku difaacaan.

Wakhtiguna waa socdaa taariikhduna way is qori.

C/xakiim Axmed guled
Stockholm, Sweden
guledhakim@yahoo.com

###

March 25, 2002

BANNAANBAX KA DHACAY MINESOTA, [waxaa lagaga banaanbaxay dilkii marxuum Abu Qaasim]


Nin Soomaali ah oo Laga Masaafuriyey Israel
33jir Soomaali-Sweden ah oo laguxiray dalka Israel ayaa lagasoo masaafurey.... Warka.oo.Dhan

Maa
linta Waa Cashuura
Cashuura oo kubeegnayd 10ka Muxarram waa maalin fadlibadan kuleh Islaamka ee Ka akhri halkan [Abu Xafso]
Maxaabiista u Xirxiran Gumeysiga Itoobiya
Maxaabiistaas oo ku xirxiran xabsiyada Militari ee itoobiya ayaa Radio Xoriyo sheegay in.. Akhri halkan »
23/3
» NIGERIA: Dood Kasocota Maxkamad Kutaal Nigeria
»MPLS March 24: Ogaden Youth Association Inaugural Meeting
» SWEDEN: DHAQANGUURKA Soomaalida Sweden
22/3
» CNN: U.S. finds no evidence of al Qaeda in Somalia
U.S. BACKS OFF SOMALIA ACCUSATIONS
» Device found in cave has no Somalia link  21/3
» Travel Loan: Amaahda Safarka USA - Kadhegesyo Sagal
» 1423: Cashuura oo Kubeegan 24ka Maarso
» PPM: Puntland Peace Mission Arrives Bosaso City
11-jir Lagu oogay Dilkii Kayser Cusman
UK - Wiil 11jir ah oo lagu soo eedeeyey dilkii Kayser Cusman ayaa lagu xakumay in xabsiga lagu sii hayo inta dacwaddu socoto. English Version
20/3
DKG oo Beenisey in ay Wax Hub ah kahesho wadamada Carabta, Jabuuti iyo Eritrea
NewYork - Qoraal kasoo baxay xafiiska safiirka DKG ee UNka ayaa sheegay in DKG aysan xiisa u hayn in ay is-hubeyso, isla markaana yasan hub kahelin wadamo kuxusan qoraalkaas [English Version]:
HTML Version or DOC Version [20/3]
Jean Chrétien, Ra'iisul wasaraha canada oo sheegay in uusan ogeyn wax xiriir ah oo ka dhexeeya al-Qaeda iyo Iraq. Waxa kale oo uuka hadlay Afrika ee Daawo.Video ama Akhri

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaaLondon, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety