WQ. Abdirashid Aaden Yusuf
Denver Co. USA
Febraayo 17, 2002
Ra'isal wasaaraha dawladda KMG ee Muqdisho, Md Xassan Abshir ayaa ku
dhawaaqay golihiisii wasiirada oo gaaraya 35 wasiir, kaddib markii muddo
dhawr bilood laga joogo kalsoonidii lagala noqday xukuumaddii Cali Khaliif
Galayr.
wasiiradda la magcaabay ayaa Xasan abshir uu ku sheegay mar uu sharraxay tiro
badnaantooda, mid ku salaysan heshiiskii Nakura (Kenya) ku dhexmaray isaga
iyo kooxaha ka soo hoejeeda.
waxaana soo baxayay ka hor inta aan lagu dhawaaqin magcaabidda wasiiradda,
tilmaamo muujinayay in aanay kooxa kasoo horjeeda maamulka Carta, ku
qanacsanayn kordhinta wasiirada ee waxa ay doonayaan ay tahay in xubno dheeri
ah loogu daro galaha barlamaanka, arrimahaasina waxa ay ina tusinayaan in
khilaafku aanu ku harayn wasiiro la kordhiyo.
xeel-dherayssha u dhuundaloola arrimaha soomalia, ayaa tilamaamaya in
soomalidu ay u baahantahay dib-u-heshiisiin gun dheer oo dhex marta dhammaan
qaybaha bulshada soomaliyeed oodhan, iyaga oo ku tilmaamey talaabadii Jabuuti
mid hore loo qaaday balse aan dhamaystirayn.
|
MAGACYADA WASIIRADA IYO WASAARADAHA CUSUB EE DKG
GUJI
|
|
inkasta oo ay magac ahaan ugu jiraan maamulka xasan abshir dad u dhashay
Gobolada P/land iyo Somaliland, haddana ma jiraan dad wata wakiilnimada
bulshooyinka ku nool goboladaas, taas oo ah in ta badan caqabadaha hortaagan,
iyda oo ku guuldarraystay in ay wax ka qabato nabadgelyada Muqdisho oo
keliya.
Abdirashid Aaden Yusuf
Denver Co. USA
abdirashid001@yahoo.com
DOOD FURAN... Ra'yigaaga Toos u dhiibo
AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan
Febraayo 17, 2002 | Boosaaso
SOMALITALK.COM | 2002
Kadhig SomaliTalk bogga u horeeya ee kusoo baxaya marka aad internetka gashid!, Guji Cinwaanka hoose