"Waxba Kama Jiraan Billadii Zenawi"
World Peace Council
Fadeexad
Weyn ayaa la soo gudboonaatey Dalka Itoobiya, tan oo
kadambeysey billadii Been Abuurka ahayd ee lasheegay in Zenawi ku
helay nabada Soomaaliya iyo Eretria. Waxaana arintaas beeniyey ururkii
lasheegay in uu billaadaas bixiyey, waa World Peace Council.
[WARKA
OO DHAN HOOS KA AKHRI] |
|
|
World Peace Council (Athens)
July 23, 2002 Athens
In light of published accounts that the World Peace Council
awarded a prize to President Meles Zenawi of Ethiopia, the WPC press bureau
wishes to declare that no such award was given by our organization in the past
or will be given to anyone.
All other information on this subject, wherever they
originate from, should be considered as false and deceptive.
More information on WPC’s believes and activities can be
found on our official web site: www.wpc-in.org
. Email: info@wpc-in.org
ISHA: http://allafrica.com/ethiopia
|
Waxaa dunida la yaabeen markii ay ku baraarugeen in arinta kusaabsan billada
uu ku guulaystey Zenawi ahayd mid been abuur ah oo la macmalay.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay ururka World Peace
Council waxa uu billadaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.
"World Peace Council (WPC) waxa ay
cadaynayaan in billada Zenawi aysan waxba ka jirin. Dhammaan akhbaarta arintaas
la xiriirta iyo meesha ay kasoo baxday waa in loo tixgeliyaa been abuur iyo
khiyaamo" sidaas waxaa yiri warsaxafadeedka WPC.
Waxyaabaha ay qabtaan WPC iyo xaqiiqada warkaas
waxaa lagala xiriiri karaa bogga rasmiga ah ee WPC oo ah: www.wpc-in.org
. ama Email: info@wpc-in.org
Billadaan haadda ku noqotay been abuurka, waxaa
markii hore la sheegay in Zenawi uu ku mutaystay nabad ka aslaaxinta Soomaaliya
iyo Ereteria [warkii
hore].
Majiro war cad oo kusaabsan arintaan been
abuurka ee hadda soo cusboonaaday oo kasoo baxay maamulka Zenawi.
Aragtidii Dadweynaha Soomaaliyeed ee warkaan GUJI.HALKAN
###
Radio Xoriyo oo Faallo Ka Qoray Billada La Been
Abuuray ee Zenawi
MELEZ ZENAAWI OO FADEEXOODAY
www.somalitalk.com/radio/xoriyo
Beesha caalamka ayaa la yaaban fadeexo caalami ah oo ku dhacday Melez
Zenaawi todobaadkan. Fadeexadaas oo si balaaran looga sheegay saxaafada
caalamka ayaa ah mid hada ka hor aan ka dhicin dunidan.Arintu waxay ku
bilaabatay Melez Zenaawi oo laba todobaad ka hor sheegtay in ay Beesha
Caalamku u aqoonsatay in uu yahay nabadoon caalami ah iyada oo la siinayo
bilad sharaf la siiyo nabadoonada caalamiga ah oo la yiraahdo World Peace
Award. Zenaawi ayaa la wareegayey in bilad sharaftaasi ay tahay mid sanadkii
hal mar la siiyo ruuxa ay beesha caalamka u aqoonsato in uu yahay nabadoon
caalami ah. Hadaba maalinta talaadada ee 23 bisha July waxaa warsaxaafadeed
soo saaray ururkii uu Zenaawi sheegtay in ay siiyeen biladaasi caalamiga ah.
Ururkaasi oo la yiraahdo World Peace Council oo saldhigiisa yahay magaalada
Athens ee dalka Greece ayaa sheegay in haba yaraate aysan jirin bilad sharaf
noocaasi ah oo ay bixiyaan isla markaasna aysan weligood Melez Zenaawi
siinin bilad sharaf madaama aysan jirin ba bilada nooca uu sheegayo oo ay
bixiyaan.Ururkaasi waxay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen in hadalada
sheegaya in ay Zenawi bilad sharaf siiyeen uu yahay mid sal iyo raad toona
aan lahayn cidii sheegta arintaasna ay shacabka khaldayaan.
Arintan oon hada ka hor lagu arkin Dunida oo ruux sheegta in uu yahay
hogaamiye dal oo waliba ku beenowda ayaa beesha caalamka la noqotay mid lala
yaabo iyada oo muujinaysa in uu Melez Zenaawi yahay nin aan la aamini Karin
oo uu hadana yahay mid dalalka reer Galbeedku ay ka dhagaystaan Talooyinka
uu ka soo Jeediyo Geeska Afrika ayaa is Dabooli la'.
waraka
maanta ee Radio Xoriyo
ISHA: Raadiyaha Gobanimadoonka
- Xoriyo
Wararka Kale ee Radio Xoriyo: www.somalitalk.com/radio/xoriyo
Warkii Hore ee Billada
Been Abuurka ah ee Zenawi
GUJI
SomaliTalk.com | July 27,
2002
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
|