.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
Arday Soomaaliyeed oo Lagu Xirxiray Yemen

Uguyaraan 18 soomaali ah oo lageynayo xerada qaxootiga Soomaaliyeed ee yaman oo layiraahdo ALQARAS

Wargal Jooga Yemen

Janaayo 4, 2002

War uu SomaliTalk soo gaarsiiyey wargal kusugan magaalada Sanca ee dalka Yemen, ayaa sheeyay: "sida ey qorayaan jaraa'idka wadankaan Yemen kasoo baxa kuwa madaxa banaan iyo kuwa dowaladaba, waxaa lasoo qabqabtay arday farabadan oo gaareysay illaa 80 arday oo ajaanebi ahaa waxna ka baranayay midkamid ah macaahidda lagu barto diinta kaasoo layiraahdo DAARUL-XADIITH oo kuyaalay gobolka layiraahdo MA'RIB oo dhanka bari kaga aadan sanca una jiro illaa 160km wax kudhaw.

SAN'A, Yemen (AP) -- Yemen plans to deport some 80 foreign students and teachers from an Islamic fundamentalist institute because they were staying in the country illegally, a security official said Thursday Jan 3, 02.
more at CNN
Sida ey saxaafadu sheegtay Ardaydaas ayaa 40 kamid aheyd lamarsiiyay baaritaan kadibna ey dowladu go'aan ku gaaraty iney masaafuriso oo ey udhoofiso wadamadii ey udhasheen waxeyna kala ahaayeen jinsiyado kala duwan oo eykamidyihiin liibiya, indinusiya, suudaan, soomaliya iyo wadamo kale, sida ey wararku sheegayaan Ardadaas lago'aamiyay in lamasaafuriyo ayaa waxaa kamid ahaa 18 soomaali ah oo lasheegay in lageeynayo xerada qaxootiga soomaaliyeed ee yaman oo layiraahdo ALQARAS halka kuwa wadamada kale udhashay lagu celin doono wadamadooda.

Sida ey sheegtay dowlada yamanna waxaa ey sabab uga dhigtay qab qabashada iyo masaafurinta ardaydaasi in ey la xiriirto hagaajinta xaalada dadka, ajaanibta ah ee wadanka kunool oo aan loo ogolaan doonin in ey sharci darro wadanka ku joogaan, waa sida ey dowaladu hadalka udhigtee, wixii sharci lehna ey kujoogi karaan sharcigooda sida uu qorayo dastuurka.

Ardeyda lamasaafurinayo ayaa iyagu aan sharci laheyn sida ey dowladu shegtay wadan kana sharci darro ku joogay.

Sida lala socdana mar sii horeysay ayey dowladu ku war galisay dadka ajaanibta ah ee wadankeeda ku nool iney is diiwaan galiyaan.

ISHA WARKA: Wargal Jooga Sanca, Yaman

Dhaliiyaro Soomaaliyeed oo lagu xidhxidhay Dalka Yemen

Wargal Jooga British Colombia, Canada.

Janaayo 3, 2002

Warar isi soo taryay beryahanba ayaa sheegayay weraro ba’an oo ka dhan ah dadka iyo dalka Soomaaliya, kuwan oo ay hogaaminayaan maraykanka iyo xulufadiisa. Dalka Soomaaliya ayaa ilaa iyo imika la ogsoonyahay in ay afeeyeen mudo koow iyo tobon san ahba dagaalo sokeeye, iyo dagaal oogayaal iyagu u taagaan goor walba in ay huriyaan dagaaladaa.

Weeraradan ayaan ku ekayn oo keliya xaga mid culus oo ciidan oo markaa lagu hoobto, ee xataa ay jiraan kuwo iyaguna si toos ah ola dagaalamaya dadka Soomaalida ah ee ku nool dhulal badan oo ay markaa qaxooti ku yihiin ama lagaga awood roonyahay.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray Dalka Yemen ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay dhaliiyaro carbeed oo markaa iyagu wax ka baranayay kuliyadaha waxbarashada sare ee Dalka Yemen. Dhaaliinyaradan ayaa intooda badan ka yimi dalal ka tirsan kuwa ku bahoobay Jaamacada Carabta. Dhaliinyadan ayaa iyagu sagaal iyo toban ka mid ahu ay ahaayeen Soomaali, kuwan oo dhamaantood arday ka ahaa Kuliyadaha waxbarashada sare ee Dalka Yemen, gaar ahaan magaalada Sanca.

Warar kala gedisan ayaa ilaa iyo imika kasoo baxaya arinta dhaliinyaradaa, kuwan oo ay dawladu sheegtay in loo haysto in ay ku lugleeyihiin Ururka Isku Xidhan ee Al-qaacida, kan oo uu hogaamiyo Usaama Bin Laadin waa sida hadalka loo dhigaye.

ISHAWARKA: Wargal Jooga British Colombia, Canada

SOOMAALIDA YEMEN

YEMEN RELATED NEWS

AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA
Dhibaatooyinka hor leh ee Soomaalida qarnigan waxaa kamida Afkooda oo...
AKHRI.HALKAN Jan 4, 2002

Halis Soofood Saartay Degaanka Soomaaliya
abaaraha, biyo-la'aan, dhirta oo lagadhigo dhuxul, bacaadka guura, ugaarsiga iyo dabargoyntaa xayawaanka yaa kamida...
AKHRI.HALKAN [Dr. C/laahi Cilmi Maxamed] Jan 4, 2002

Mandela oo ka raali gaaliyay Mulimiinta K/Africa taageeradii uu siiyay Maraykanka
Madexweynihii hore ee wadanka K/A Mr Nelson Mandela ayaa qoraal uu shalay saxaafada u diray kusheegay...
AKHRI.HALKAN [Axmed Dowlo] Jan 3, 2002

Al-Itixaad iyo SRRC
. Al-Itixaad iyo SRRC Kumaa ah Argagixiso? Guji..
. War Saxaafadeed: Afhayeenka SRRC ee W/A Guji..

Warar Qubane ah
. Digniin ku socota Badmareenada xeebta Boosaaso
. Ergayga Sudan oo kahadlay nabadaynta Soomaaliya
. AljazeeraTV oo Waraystay Cabdullaahi Yusuf
DHAMMAN.KA.AKHRI.HALKAN January 2002

Meelaha Mucaawanada Loogu soo Hagaajinkaro Ubadka Kudhibaataysan Soomaaliya
Soomaalida Seattle, Vancouver, Calgery, Attowa ayaa...
AKHRI.HALKAN January 2, 2002

_________________________________

FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkani xambaarsanyahay waxaa leh isla mar ahaantaana ay gaar u tahay qoraaga kusaxiixan, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk.com.


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaaLondon, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN




Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety