.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta ku wadda kulmay Magaaladda jabuuti,iyagoo ka wadda-hadlay Qoddobo muhiim ah.

Jabuuti,Jan 9...Sonna... Madaxweynaha DKG ee Jamhhuriyadda Soomaaliya Mudane cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ku kulmay xarunta Madaxtooyadda ee looga arrimiyo Dalkaasi,kadib markuu Madaxweyne Salaad ku hakaday Magaaladda Jabuuti isagoo ku sii jeedda Magaaladda Khartoum ee Dalka Suudaan si uu uga qeyb-qaato Shir-madaxeedka Dalalka Ururka IGAD.

Labadda Madaxweyne waxay kulankasi iskula soo qaadeen Arrimihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya,sii xoojinta Xiriirka Iskaashi iyo wax-wadda-qabsi ee ka dhaxeeyo labada Dal iyo labada Shacbi ,Shir-madaxeedka Ururka IGAD iyo arrimaha Argagaxisadda.

Mudane Cabdiqasim iyo Mudane Geelle waxay kaloo isla soo qaadeen Arrimaha Gobalka Geeska Afrika wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya soo dhaweyay Talooyinkii wax ku oolka ahaa ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee ku aadaanaa wax u qabshadda Shacbiga soomaaliyeed.wuxuuna kulankaasi ku dhacay jawi aad u wanaagsan.

ISHA WARKA: SONNA sonna2005@hotmail.com | Jan 9, 2002

-DHAMMAAD-

Today's Latest News In English - Click

Taariikh Kooban oo Soomaaliya

FAAFIN: SomaliTalk | Janaayo, 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga noosoo tebiyey.

MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
ISHA.QORMADAN




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety