.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
Digniin ku socota Badmareenada
Wargal jooga Boosaaso ayaa SomaliTalk soo gaarsiiyey digniintan ku aadan in badmaaxiinta kataxadaraan haraaga-burburka-markab kaas oo qiyaastii ku aadan jihada hoos kucad:
11 degree 18.336' N
49 degree 10.753' E

ENGLISH VERSION:
Puntland State of Somalia
To Whom it may Concern
Please be aware The ship Wreckage/Sank At the Bossaso Port In Position of :
11 degree 18.336' N
49 degree 10.753' E

Thanks
Reliable source in Bossaso

January 1, 2002


Ergayga gaarka eeSudan oo Shir nabadeed in loo baahan tahay Sheegay

Ergayga gaarka ee soomaaliya u diray Madaxweynaha sudan Mr C/raxmaan Al numeyri , ayaa ka hadlay safarkuu ku soo maray dalalka Soomaaliya Itoobiya kenya , Djibuuti .

Wuxuu Al numeyri , soo dhaweeyay shirkii Nabada ee dhawaan ka dhacay dalka Kenya , isagoo yiri "waan soo dhaweeyneynaa , shirkaa iyo wixii ka soo baxay waana talaabo horey loogu qaaday nabada " Waxaa uu shaaca ka qaaday in isbadal ka muuqday Magaalada Muqdisho , waxaanu sheegay in uu u gudbiyay Madaxweynaha ku meel gaarka sooomaliya Martiqaadka ah inuu ka soo qeeyb galo shirka igad , wuxuu yiri " waxaan isku aragti ka ahayn in loo baahan yahay Shir Nabadeed " .

Dhanka kale wuxuu sheegay inuu la kulmay Hogaanka SRRC , Waxaan filayaa ayuu yiri ineey diyaar u yihiin heshiis .

Mar uu ka hadlay Somali land , wuxuu yiri " waxay aamin sanyihiin ineey yihiin Jumhuuriyad , madax banaan , waxaay noo sheegeen in aaysan Quseeyn shir nabadeed , iyaguna aay uga Baahan yihiin Igad in eey gacan ka siiyaan Horumarka .

Waxaa halkan Khartoum la isku diyaarinayaa shirkii igad , waxaana ajandayaasha ugu horeeya Soomaaliya oo la filayo in Al numeeyri uu soo bandhigi doono in shir la gu qabto Khartoum taasoo uu ku sheegay , ineeysan iyadu dan ka lahayn soomaaliya , kooxaha , dowlada kumeelgaarka iyo kuwa deriskuna aay raali ka yihiin .

C/qaadir Maxamed Cusmaan
Khartoum Sudan
Email barnamij@hotmail.com
Tell:-249 11 226151
mobile :012272525


AljazeeraTV oo Waraystay Cabdullaahi Yusuf

Wararka Madaxtooyadda Puntland State of Somalia December 30, 2001
Wararka Madaxtooyadda
Puntland Somalia

Wariyayaal ka socday talafishinka Al-Jasiira ee xaruntiisu tahay dalka Qadar ayaa booqday Xarunta Puntland ee Garoowe.

Wariyayaashaas oo isugu jiray kuwa wararka iyo sawirqaadayaal ayaa xaruntiisa Garowe kula kulmay Cabdullaahi Yusuf Axmed Madaxweynaha xilka loo kordhiyay ee Puntland.

Waraysi toos (Live) looga daawanayay Talifishinka AlJasiira oo ay la yesheen Cabdullaahi Yusuf Wariyaashaasi ayay wax kaga waydiiyeen argagixisada lagu shegayo Somaliya inay joogto.

Su'aalaha ay waydiiyeen Cabdullaahi waxaa ka mid ahaa wararka lagu celceliyo ee sheegaya inay argagixiso joogto Somaliya wuxuuna kaga jawaabay inay run tahay joogitaanka argagixiso ay joogto Somaliya isagoo tilmaamay meelaha ay xoog u joogaan inay ka mid tahay Muqdisho.

Cabdullaahi Yusuf mar la waydiiyay haddii Somaliya weerar lid ku ah argagixisada lagu soo qaado faa'iidada ugu jirta isaga wuxuu sheegay inayan jirin faa'iido isaga si gaara uu uga helayo taasi, wuxuuse sheegay inay dadkiisa iyo dalkiisu ay ka nabadgalayaan inay hoy u noqdaan aragagixisada aduunku la dagaalamayo oo ay ka nabadgalayaan.

Kooxda wariyayaasha talifishinka Al-Jasiira ayaa shalay (29-12-01) ka soo amaba baxay Puntland iyagoo u gudbay dhanka Somaliland.

Garoowe
Laxiriir puntlandstate@hotmail.com


Meelaha Mucaawanada Loogu soo Hagaajinkaro Ubadka Kudhibaataysan Soomaaliya
Soomaalida Seattle, Vancouver, Calgery, Attowa ayaa...
AKHRI.HALKAN January 2, 2002

Baaq ay soo saareen Jaaliyadda Muddullood Sweden
Shirkii todobaadlaha ahaa ay iskugu yimaaddeen Jaaliyadda Muddullood ee ...
AKHRI.HALKAN January 2, 2002

Shirweyne Soomaaliyeed oo Laguqabdoono Minneapolis
Shirweyne kusaabsan Marxaladaha Lasoo Gudboonaadey Soomaalida & Muhiimadda Midnimada ayaa 5ta Janaayo 2002 laguqabanayaa Minnesota
FAAHFAAHINTA KA AKHRI HALKAN
ENGLISH: Somali Conference On Challenging Issues and Importance of Unity

Masjidka Khaalid Bin-Waliid oo Diyaarinaya Safarka Xajka - 4-ta Febraayo illaa 4-ta Maarso, 2002
TORONTO, CANADA - Masaajidka Khaalid Bin Al-Waliid wuxuu muslimiinta W/Ameerika lasocodsiinayaa in uu qabanqaabinayo Safarka Xajka sanadkaan 1422/2002. Waa 28 bari oo safar ah, Qiimihuna waa $ 3,800 oo Kanadiyaan ah.
FAAHFAAHIN.KA.AKHRI.HALKAN

_________________________________

FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkani xambaarsanyahay waxaa leh isla mar ahaantaana ay gaar u tahay qoraaga kusaxiixan, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk.com.


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaaLondon, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN




Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety