Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK NEWS
9 Qof oo Kudhintay Dagaal kadhacay jawhar

Jan 26, 2002 - Sida ay caawa soo werisey hay'adda wararka ee Australia ee ABC, dagaal (Jan 26) dhexmaray laba beelood oo Soomaali ah ayaa waxaa ku dhintay uguyaraan 9 qof, waxaana ku dhaawacmay 13 qof oo kale.

Sida warku sheegay waxaa dagaalkani ka dhacay magaalada Jawhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe, sidaasna waxaa warbaahinta usheegay hogaamiye kooxeed degaankaas ah.

Waxaa lasoo weriyey in dagaalkaan caawa oo hadda qaboobey uu dhexmaray labada hogaamiye ee Cabdi Ibraahim Maxamed iyo Maxamed Cumar Xabiib oo katirsan beesha Abgaal [Warsangelli].

Warkan oo faahfaahsan ka akhri cinwaanka hoose
Nine killed in Somalia clashes Jan 26


5 Carruur ah oo Ku Qaraqmay Webiga Shabeelle iyagoo Ka Cararayey Dagaal Qabiil

January 23, 2002 - Wararka ka imanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in uguyaraan 5 carruur ah ay dhinteen iyagoo isku deyayey in ay ka gudbaan webiga shabeelle, waxaa kale oo halkaas ku dhintay 11 qof oo kale.

Sida ay soo werisey hay'adda wararka ee EFE oo fadhigeedu yahay Madrid, Spain, dad arkaayey sida ay arintani u dhacday waxa ay sheegeen in dad cararaya ay isku dayeen in ay ka gudbaan webiga shabeelle, kadiibna ay doontii ay ku gubbayeen qalibantey oo halkaas ay carruurtii iyo dad waaweyn ku qaraqmeen, ama ku geeriyoodeen.

Arintan waxaa lagu soo waramay in ay ka dambaysay kadib markii dagaal dhexmaray labada beelood ee Garre iyo Jiiddo.

Sida ay soo werisey hay'adda wararka ee shiinaha oo soo xiganeysey EFE, waxaa dagaalku ka bilaabmay markii xoolo ay leeyihiin beesha Garre ay burburiyeen waxyaabihii beeraha uguyaaley beesha Jiiddo, kadibna ay beeshaas {Jiiddo} weerar buntuqyo iyo mindiyo ah soo qaaday, waa sida warku u dhigaye.

Waxaa warku intaas raaciyey in DKG oo xukunta magaaladda Xamar oo qura ay ku baaqday in ay beelahaasi hubka dhigaan, laakiin sida odayaal sheegeen arintaasi dagaalka ma joojin.
ENGLISH.VERSION: Five children drown fleeing tribal conflict in Somalia

18 Ajnebi ah oo Soomaalidu ku wareejin doonto UN

January 23, 2002 - Wararka ka imanaya Muqdisho aya sheegay in 18 qof oo badankoodu carab ah lagu wareejin doono hay'adda qaramada midoobey ee UNHCR.

Waxaa warku intaas ku daray in dadkaan oo markii hore lagu xiriiriyey argagixisada ay hadda saraakiil Soomaali ah ay sheegeen in aysan wax xiriir ah arintaas lalahayn, sababtaas awgeedna loogu wareejinayo Qaramada Midoobey.
ENGLISH.VERSION: Somalia to send U.N. 18 foreigners suspected of terrorism
muqdisho Soomaali Xamar ku dawanaya "Black Hawk Down"
soomaali Saf loogu jiro filimka, Muqdisho, [Photo: AP]

Xamar oo Safafaf Dheer loo galay "Black Hawk Down"

Filimka muranka dheer dhaliyey ee "Black Hawk Down" ayaa lagu soo waramay in siweyn dadku ay ugu soo baxeen in ay filimkaas daawadaan oo ay isku soo shamuumiyeen dhaneemooyinka yaryar ee kuyaal xaafadaha Muqdisho.

Telefishanada Caalamka ayaa shalay waxaa kasoo baxay sawiro muujinaya Soomaali saf ugu jira in ay dawadaan filimkaas.

Akhri Warbixintii horee ee filimkan

Xamar oo Internetkii Dib Loogu Furayo

Wararka ka imanaya Muqdisho aya sheegay in shirkadda lagumagcaabo "Telecom Somalia" ay dib u fureyso Internetkii Xamar, taas oo soo afjaraysa Xamar oo hawada Internetka ka maqnayd ilaa bishii November markii laga xiray dhammaan khadadkii Internka ee caalamka ku xiriirinjirey.

Dastuurka DKG oo Wax Lagabedeley

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Baarlamaanka DKG waxa dib loo eegay laba qodob oo kamida Axdiga Kumeel gaarka ah, kuwaas oo kala ah qodobka 25aad [WAAJIBAADKA IYO XILKA GOLAHA WASIIRADA] iyo 27aad [SHURUUDAHA: Wasiirka 1aad & Wasiiradu], iyada oo weliba guddi loo saaray qodobka 17aad in ay dib u eegaan.

Qodobka 25 wuxuu xadidaayey in golaha wasiiradu ahaadaan 25, asal ahaana qodobkaas tuducdiisa 2aad waxay u qorayd sidan: Golaha Wasiiradu wuxuu ka koobanyahay Wasiirka 1aad iyo wasiiro tiradoodu ayan ka badan karin 25 (shan iyo labaatan). Waxaa la sameyn karaa wasiir ku xigeenno wasaaradeed, intii loo baahdo..

Waxaa hadda lagu soo waramay in arintaas xadidaada tirada lagu bedeley hadal u dhigma sidan : Golaha Wasiiradu wuxuu ka koobanyahay Wasiirka 1aad iyo wasiiro tiradoodu tahay intii loo baahdo.

Qodobka 27aad , wuxuu dhigayaa : Wasiirka 1aad & Wasiiradu waa inay buuxiyaan shuruudaha hoos ku qoran:
Tuducda 3aad: Waa inaysan aqoontooda cilmiyeed ka hoosayn heer Jaamacadeed oo la aqoonsanyahay ama wax u dhigma, khibradooda maamulna ay sarrayso..

Waxaa taas hadda lagu bedeley qormo u dhiganta : " waa in ay leeyihiin khibrad ku filan" halkii ay ahayd shahaadada Jaamacadda.

Waxaa kale oo lagu soo waramay in guddi loo saaray in ay kasoo baaraan deggaan qodobka 17aad ee axdiga ku meel gaar ah oo xadidaya in golaha wasiiradu ay ahaadaan 245 xubnood.

Qodobkan [17aad] oo u muuqda in uu yahay mid xasaasi ah ayaa lagu soo waramay in hadda uu kujiro dib u eegid.

Axdiga ku meel gaarka oo dhan Ka akhri halkan [Kii asalka ahaa ee lagu qoray jabuuti bishii July 2000].

Maraakiib Jarmal ah oo Kumeeraysanaya Xeebaha Soomaaliya

Ilaa toddoba markab oo kuwa dagaalka jarmalka ah ayaa lagusoo waramay in ay joogaan xeebaha bariga Afrika, iyaga oo ilaalaynaya dalalka Yaman iyo Soomaaliya.
ENGLISH.VERSION: Germany to Patrol off Horn of Africa


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruucan masjidka oo ay kubaxayso $900,000.00 kun. waxaa hadda loo hayaa $740,323.11, warbixin GUJI..
ALHARAMAIN GROUP
Xajka: Qorshe 22 Maalmood ah oo $3500.00 CDN, uukujiro tigirka Ottawa-Montreal-Jeddah GUJI..
MASJIDKA KHALID
Masjidka Khaalid Bin-Waliid, Toronto, oo Diyaarinaya Safar Xajka - 4-ta Febraayo illaa 4-ta Maarso GUJI..
XAWAALADAHA
Shirkadda Xawalada Dalsan
Shirkada Xawaalada Kaah
Shirkada Xawilaada Dahabshiil
KOOBIGA DADKA
Macluumaad cilmiyeed kusaabsan Koobiyaaraynta dadka "HumanCloning" GUJI..
SOOMAALIDA MINNESOTA
Ardayda Soomaalida Minnesota ee heerka ifaya ee ay ka gaareen waxbarashada GUJI...
SOMALIA HISTORIC IMAGES
MOGADISHU PAST IMAGES
Check here www.swan.ac.uk
Other cities: Hargeysa | Bosaso
WORLD FACTBOOK
General information about Somalia from the CIA's edition of The World Factbook.
Check here www.cia.gov
ARCHIVE
US. State Departament Information. Report on:
Somalia Human Rights
1999 | 1998 | 1997 | 1996 | 1995 | 1994 | 1993 |
HISTORY OF SOMALI FLAG
Somalia flag was created by Mohammed Awale Liban, to know more Clich here
MAP OF SOMALIA
Map of Somalia (1992)
Click here
University of Texas
SOMALIA PROFILE
Somalia: Country Profile
BY: CountryWatch
Somalia: Country Profile
BY: BBC
SOMALIA LATEST NEWS
Want to know latest news from Somalia Today, click these links: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CYBERCRIME
Want to know more about the cybercrime
Check here

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.