Madaxweynaha DKG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo shalay booqasho rami ah ku yimid Dalka Jamaahiiriyadda Liibiya.
C/Qaasim
|
Qaddafi
|
Tiripoli, Jan14.... Sonna.... Madaxweynaha DKG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Dr.Cabdiqasim salaad Xasan iyo Wafdigii uu Hoggaminaayay ayaa shalay Saacaddu markay aheyd 1430 ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Magaaladda Tripoli, kadib markuu ka soo kicitimay Magaaladda Kahrtou ee dalka suudaan oo uu kaga qeybgalay Shirkii
Madaxweynayasha dalalka IGAD.
Madaxweyne Cadiqasim markii ay soo cagadhigtay dayuuridii uu la socday waxaa halkaasi kaga horyimid wasiirka Gaashaandhiga Dalkaasi Jamhiiriyadda Liibiya Al-sayid Abuubakar Yoonis,
Danjiraha dalka Jamaahiiriyadda u Jooggo Soomaaliya prof maxamed Xuseen Ilka-dahab,
wuxuuna Madaxweynuhu Salaan Sharaf ka qaatay Cuubyo ka tirsan Ciidamadda Liibiya iyadoo loo garaacyay Muusiadda Astaanta u ah labadda dal ee soomaaliya iyo liibiya.
Madaxweynaha DKG ee Jamhhuriyadda Soomaaliya waxaa uu kadib si toos ah loo geeyay Xarunta uu Dagan yahay ee Hoggaamiyaha Dalkaasi ahna Madaxtooyadda dalka Liibiya iyadoo uu xaruntaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Hoggamiye Mcamaral Qadaafi [Muammar Qaddafi].
Dr.Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo hagaamiye Qadaafi waxay Yeesheen Kulan qaatay muddo saacad iyo Bar ah oo si weyn loogu lafaguray sidii ay Jamaahiiriyadda Liibiya gacan uga geysan laheyd Nabadeynta Soomaaliya iyo sidii ay Jamaahiriyadda uga Kaalmeym laheyd Dhinaca Dib u Dhiska Adeegyadda
sida Koronto galinta, Biyo-Galinta iyo wixii la mid ah.
Labadda Hoggaamiye waxay kaloo isla soo qaadeen Go'aanaddi ka soo baxay Shirkii Ururka IGAD, gaar ahaan Shirka Dib u Heshiisiinta ee lagu balamay in lagu qabto Neyrobi Kenya.
Dr.Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka hadlay Munaasabadasi waxa uu Hoggaamiye Qadaafi uga waramay Xaaladda dalka Soomaaliya,
isagoo uga mahadnaqay Dadaalkii uu ka geystay sidii loo nabadeyn lahaa Shacbiga Soomaaliyeed wuxuuna weydistay in uu sidii waddo Dadaalkiisa,
D H E G E Y S I
|
C/Risaaq Xaaji xuseen oo BBCda usheegay cidda ay ujeedinayaan baaqa ay soo saareen
Dhegeyso.Halkan
Baaqa halkan ka akhri
Siciid Aadan Cilim, [Siciid Waayeel] oo sheegay in 5qof ay kudhinteen dagaalkii Garoowe
Dhegeyso.Halkan
|
|
NETWORK OF STUDENTS
|
Boggii Aqoon Isweydaarsiga Ardayda oo Dibloofuray
GUJI..
|
gaar ahaan Dhameystirka Shirka Dib u heshiisiinta.
Hoggaamiyaha Dalka Jamaahiiriyadda oo isna halkaasi ka hadlay waa uu ka waramay sidii uu u daneynayo in Dadka Soomaaliyeed ay Heshiiyaan,
wuxuuna ballanqaaday in aanu waxba kala hari doonin gaaritaan arrinytaasi.
ISHA WARKA: SONNA sonna2005@hotmail.com | Jan 14, 2002
-DHAMMAAD-
Kulankii Jabuuti iyo Soomaaliya
Marabtaa inaad ka xajido waalidkaa
Waxaa la wargelinayaa dhamaan jaaliyadda soomaliyeed ee ku nool maraykanka
in la soo diyaariyey mashruuc ku saabsan xajka kaas oo ah dadka xajku ku
waajibay laakiin aan awoodin sababo caafimaad awgood ama da’adooda wayntahay
oo aysan qaban ka rin gaadiidka in loo hayo dad kasoo xajinaya iyaga
bedelkooda saasna uu kaga gudmayo xajkii. Qarashka qofkii ku baxayaa waa
$1100.00(kun iyo boqol doolar oo kaliya).
Wixii faahfaahin ah waxaad kala soo xiriirtaa Masjidka Imaam Shafici oo
cinwaankiisu yahay sida hoos ku qoran
1501 south 5th street
Minneapolis, MN 55454
Tell: (612) 221-2618
Ama (612)296-8599
ama la xiriir:
Cabdiqani Cali
qardhawi@hotmail.com