Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
GABAY

Gabaygii   " dabargo’ sowmaaha"

Gabaygani wuxuu ka hadlaayaa qaybo kalda duwan. waxaana runtii gabaygan tiriyey 1997 dii markaas oo ethopia ku soo duushey dhul soomaaliyeed. maadaama uu cadowgii ethopiaanka ahaa dib ugu soo laabtay dalkii hooyo waxaan u arkay inay laga maarmaan tahay inaan casriyeeyo umada soomaaliyeed oo dulmi diidka ahna usoo gudbiyo gabygaan. dulmi diid waxaan ula jeedaa cid ala iyo cidii ka soo horjeeda dulmiga ha ahaado mid ajnebi iyo mid maxaliyaba. gabyga  muhiimadiisu waa waxyaalaha ka hor imaanaya danta iyo qaranimada umada soomaaliyeed una baahan in lasaxo siday inaga ilatahay. waxaana rabaa inaan xusuusiyo raga xulufada la’ah Ethopia in cadaawad soo jireen ahi inaga dhexeyso waxaana leeyahay ”shabeel marabi manoqdo”. kooxda cartana waxaan oran lahaa waxaygiyo waxaagaba an cuno waali sow ma’aha. faysal siciid muuse [abuxamsa@hotmail.com]

waakan gabaygii 

indhoweydba waa taanan tirin deelaydii gabaye
waa taan daleeshaa kamaray gu'iyo dayrtiise
hadba aniga oo daayeybaa lay dirqinayaaye

hadii aan amxaar ciidan dirin maba daneeyeene

balaan didiyo caawoo kaloo diirid leeyaheye
dadow maqal dabuubtana lasoco deeley waa timiye

 

duryankeeda soomalibaan cidina doonayne
daarahooda niminkii dunshoo qaranki daaneeyey
daacad iney kadheeryiin aadanuu waa daninayaaye

danigaa xumaantoo dadyohow dunida noo gaarey
nin damiirleh mar uun buu damcaa inuu ka doodaaye
damiirkeynu wada dayrinana dabargo sowmaaha

nimankaa diriisyada watoo dunida aafeeyey

intey soo dareershaan kufriga nama dilaaleene
iney daadufiin falan yihiin balan ku deeqsiiyo

damacoodu nimankuu ahaa xeebta degisteeda
oo doolaaligoodii marhore doolow ku dekeeyey
dadqureynu nahay wayagii dunida gaarsiiyey

maduugowdo taariikhduyoo waa diwaan qorane
goormaa amxaar dadkeenii noqdoo nalakusoo duubay

ama daawa aan dhiganayoo qalinka loo daabay

nimankii dalkeenii dhacoo shalay ku doodaayey
madaafiicda nimankii doraad nagu dul gawriirshey
iney dayrtan noosoo debceen waa i degiweydey.

qabaalkii daloolaba biyaa lala dul joogaaye
doc markuu kadaadshaa kukale laga dulgeeyaaye
aadmigaa kadaran maalintuu wada dugaagoobo

neef dacar durduurtey sidiis wada dayoobaane
hadaan diinta lagu doojinayan looma daw helo'e
iney waanadiid wadayihiin bal'aan ku deeqsiiyo

dariiqii rasuulkiyo diintibey docuga bayreeno
gaal dooraweyn bey intaa daba ordaayaane
dardaarankii darwiishkana kadide mana daneeyaane

tigreegaa dabaabadaa watoo qolana deyneynin
oo diinta nagu maagayoo nagu duqaynaaya
nin damiirle awdaahirow maba duraanteene

jamhadaha dariiqyada u furi dabargo’ sowmaaha

 

nimankii caruuraha dubtoo dumarka daanduushey
oo meydka daba qaawiyoo kaadi ku dareershey
inay aniga ii diirnaxaan waa idmaqaysaaye

qaarkeenoo durbaanada u tumi dabargo’ sowmaaha

ardisababa nimankaa degoo debinka maageeri
qabiilooyinkey nagu dageen waw dareenqabaye
hoogiyo ba'ay damacsanyiin dabargo’ sowmaaha

debcigeeda soomaalibaan gaalo damacdeene
kaladaadsanaantaa kufrigu ugu dawgalaye

inaynaan dareenkaasba qabin dabargo’ sowmaaha

tigree kuma digteen soomaalidii damaca waalayde
nabad kuma dekeeyeen taniyo hawdka dacalkiisa
duligaan kuwada doogsanana dabargo’ sowmaaha.

dubka waxaan wadaagnaa ninkii iidaqnanayoo dhan
duulqura hadaan nahay kolnaba nama dagaagsheeno
warmaa nama dareen hadey diir u naxayaane

warmaata dooxeen hadey deris yaqaanaane
dacal uma fiyoobaan dhulkey xalay kuduulkeene
dicaayadha ay faafiyeen dabargo’ sowmaaha

gidigeedba gaaladu markey nagu dul reemeysey
dubaaqooyin baynalaheleen shalay dagaalkiiye
maantana dulmiga ay wadaan dabargo’ sowmaaha

dildilaaca waxa noogu wacan dirirta weeyaane
dagaalkaa sokeeyoo waxbadan dhiiga naga daadshey
oo weli lasiidoonayana dabargo sowmaaha

diirdiirtuba markay dalaga iyo dooga xaganeyso
iyaduba marbay dacalka kore doc’ uun kareebtaaye
maleyshiyadu diihaalkey qabaan yaabtay dunidiiye


qaasin inuu midnima diidayoo daba maryeynaayo
ninkii aan dareenkeeda qabin yaan u duurxuliye
daahaan kaqaadiye dadow daalacda oo dhuuxa

inkastuu daliishoo quraan deeban marinaayo
haduu daacad yahay saacad qura la’isma diideene
waxa qaar dalkii uga qaxeen waa dabkuu shidaye  

ducadiyo quraankuu akhriyey waa kii daaf marayo

dacalada kismaayiyo jubada waysagii degeye  

waamaduu ku dulaa dabkiyo kicisay deebaanka

 

dalkiisiyo ninkii jecel inuu xumaha daaweeyo

dulmiguu faluu maalin qura dib u jaleecaaye

waxa uu dastuurkiisu yahay waa i degi weydey

 

dusha kagama dego aarlibaax duunya idilkeede
koodii gooni daaquu sifudud ugula duulaaye

magacyadaa kufrigu nagu dagoo nagu kala daadshey
midnimaa kadooroon ninkii ehelu diinowe
wadaadadu dariiqooyinkey daa'imeen dabargo sowmaaha

odayaasha wada daacayoo macasha diistaa leh
oo maantana dalkeenii ka dhigay degel abaaroobey
soomalidey kaladileen dabargo’ sowmaaha

dabagaabka naagaha watoo dirica jiidaaya
oo qaadkiyo sigaarkana daldali sida dilaaliinta
iyaguna xijaabkey dacniyi dabargo’ sowmaaha

dhalinyarada wada dhoohanoo dhinacyada xiiran
dhedigood sidiisii hadana dhegaha dheeraystay
dhaqanrogadka ay doonayaan dabargo’ sow maaha.

dawersiga shiyeeyaha markaan dibad usoo dhoofnay
derejooyin buu leeyehoo eygu waa dahabe
dumadiyo digaagaan martabad kula dagaalnaaye
ducfi inaan kuwada noolnahana dabargo’ sowmaaha

ninkii mowdku siidaayo'oo dunida sii jooga
nasaaradu dagaalkey wadaan waaba daalacane
damiinimada ay nagu heleen dabargo’ sowmaaha

dabuubteeda maansadu ragbey kaba daboolnayne
ninragey dardaaran u tehee doqon hamoogaade
waa horaa darwiishkii tirshood hadal ka diideene
ninkii aniga igu diimayow dan iyo xeeshaa dheh.

 

waa taa isdiidoo, isana daba jaraysoo, diintii ka orodoo, dilaal iyo malaaliyo damaaci uu horkacayee daayinow alhayow soomaali daba qabo!!!!!!! "Faisal Siciid Muuse"

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan.

 DAABACAAD: Janaayo 2002


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruucan masjidka oo ay kubaxayso $900,000.00 kun. waxaa hadda loo hayaa $740,323.11, warbixin GUJI..
ALHARAMAIN GROUP
Xajka: Qorshe 22 Maalmood ah oo $3500.00 CDN, uukujiro tigirka Ottawa-Montreal-Jeddah GUJI..
MASJIDKA KHALID
Masjidka Khaalid Bin-Waliid, Toronto, oo Diyaarinaya Safar Xajka - 4-ta Febraayo illaa 4-ta Maarso GUJI..
XAWAALADAHA
Shirkadda Xawalada Dalsan
Shirkada Xawaalada Kaah
Shirkada Xawilaada Dahabshiil
KOOBIGA DADKA
Macluumaad cilmiyeed kusaabsan Koobiyaaraynta dadka "HumanCloning" GUJI..
SOOMAALIDA MINNESOTA
Ardayda Soomaalida Minnesota ee heerka ifaya ee ay ka gaareen waxbarashada GUJI...
SOMALIA HISTORIC IMAGES
MOGADISHU PAST IMAGES
Check here www.swan.ac.uk
Other cities: Hargeysa | Bosaso
WORLD FACTBOOK
General information about Somalia from the CIA's edition of The World Factbook.
Check here www.cia.gov
ARCHIVE
US. State Departament Information. Report on:
Somalia Human Rights
1999 | 1998 | 1997 | 1996 | 1995 | 1994 | 1993 |
HISTORY OF SOMALI FLAG
Somalia flag was created by Mohammed Awale Liban, to know more Clich here
MAP OF SOMALIA
Map of Somalia (1992)
Click here
University of Texas
SOMALIA PROFILE
Somalia: Country Profile
BY: CountryWatch
Somalia: Country Profile
BY: BBC
SOMALIA LATEST NEWS
Want to know latest news from Somalia Today, click these links: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CYBERCRIME
Want to know more about the cybercrime
Check here

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.