.


Home | Free Webs | Your Email | TellFriend | Search | Feedback | | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK NEWS
ISLAM Siiro Saxaabad Sako
QURAAN»  Xaafid Xaj Ciid.Adxa 
Qurbaha Students Guurka EAU
HTML TAARIIKH QUIZ SAMAFAL
. Kulankii Soomaalida London, Canada
. Macluumaadka Bilaha iyo Cimilada
XAYAYSIIS
XAFIISYADA XAWAALADA DALSAN

xeebtab Bosaso dhanka udhow dekeda, ama xaaxiga xeebta.
Photo: Courtesy of Ciise "Dhollowaa"
MAQAL | MUUQAAL
SSDF (video) DAAWO
. Jaamac Cali iyo DKG -Waraysi
. Jaamac Cali Jaamac - Safarkii
. Jeneraal Gabyoow - SRRC
. Lacagta iyo Gaalkacyo
. Cabdi Majiid Xuseen - Itoobiya
. Cabdi Guuleed - Wasiir DKG
dherer Sawirkaan wuxuu muujinayaa Xuseen Bisad oo ah Soomaali dhererkiisu yahay 7ft 9in (2.40792 mitir), da'diisu waa 27jir, wuxuuna ku noolyahay magaalada London, UK, waxaana lasheegay in uu yahay ninka Soomaalida ugu dheer, ama dadka addunka oo dhan hadda ugudheer, si hadaba buuga looyaqaan Guinness Book loogu daro waa in khubaro cabirka kuxeeldheer arintaas cadeeyaan. FAAHFAAHIN
abadan Abdirisak Aden waa Soomaali haysta dhalasha Sweden oo kamida dadka lacagtooda la xanibay, sawirkaan qaaday AP Feb. 13, 2002 markaas oo waraysi [interview] lalayeelanayey.

Akhri qoraalkii hore ee cinwaankiisu ahaa "Muran-Sharciyeed Kadhashay Arin Laxiriirta Saddex Soomaalida Sweden ah" GUJI

Jaaliyadda Absame/Kablalax ee Deggan Ingriiska

BISMILLAHI RAXMAANI RAXIIM

UJEEDO ; BAYAAN

Annagoo ah waxgarad iyo aqoonyahano ka tirsan jaaliyada Absame/kablalax kunoolna wadanka ingiriiska waxaan canbaarayn u soo jeedinaynaa dagaalka aay kooxda carte kawado DEEGAAMADA BAAR DHEERE IYO JUBOOYINKA iyagoo adeegsanaya dad kasoo duulay meelo fog oo uu horkacayo Barre hiiraale.

Waxaana uga digaaynaa cawaaqib xumada aay la imanayso dulmiga aay dadka ku hayaan kooxda carte, waxaana xusuusinaynaa in xalka soomaaliya imankaro kaliya marka nin walba uu ku noqdo meeshuu kasoo duulay.

c/llahi warfa rboon30@hotmail.com
afhayeenka jaaliyada
19/02/02

-DHAMMAAD-

ARAGTIDAADA TOOS HALKAN UGU DHIIBO

AFEEF: Aragtida baaqaan waa mid u gaara dadka ku saxiixan


Ninka Aduunka ugu dheer oo noqday Soomaali

Da': 27 jir, Dherer: 2.40792 mitir, Miisaan: 209.75 Kg, Kabaha: size 26, qiime £600 , Deggan: London, UK , Kayimid: Qardho, Soomaaliya FAAHFAAHIN
Beesha Dhulbahante oo Cabarayn usoo jeedisey Qaabka DKG u magcawday Wasiirada Cusub

Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa tibaaxay in bayaan ay soo saareen xildhibaano katirsan beelaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay siweyn u cambaareeyeen qaab dhismeedka xukuumada cusub ee uu magcaabay ra'iisul wasaaraha DKg, Xasan Abshir.

Warsaxafadeedkaasi wuxuu sheegay in qaabka xukuumada xusub lagu dhisay in ay tahay mid aan qiyaas iyo qiimaynta waafaqsanayn. Sidaas daraadeedna ay san aqoonsanayn inta xubnaha ah ee beeshaas kagajirta wasiirada cusub, ayna ku baaqeen in aan xukuumadaas la aqoonsan.

Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle oo Soosaaray Warsaxaafadeed

Xildhibaano katirsan beelaha Digil iyo Mirifle warsaxaafadeed ay Muqdisho kasoo saareen ayaa tibaaxay in degdeg loo joojiyo dagaalka u dhexeeya SRRC iyo isbahaysiga Dooxada juba, waxaana xildhibaanadu sheegeen in ay qabaan tuhun in isbahaysiga dooxada Jubba ay taageero dhaqale ka helayaan dad katirsan DKG, waa sida warsaxaafadeedku u dhigaye.

ISHA: WARGAL JECEL IN AAN LAMAGCAABIN

febraayo 19, 2002


Uguyaraan 40 Qof oo Kudhimatay Dagaalkii Baardheere

Sida ay maanta werisey hay'adda looyaqaan IRIN ee qaramada midoobey u qaabishan wararka waxa ay sheegtay in dagaalkii baardheere ay kudhinteen ugu yaraan 40 qof, 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa hay'adu intaas ku dartay in magaaladu ay hadda gacanta ugu jirto isbahaysiga Dooxada Jubba (IDJ). Waxayna intaas ku dartay in hadda ciidanka IDJ ay joogaan meel 40km ujirta Baardheere, kana xigta wadada Baydhabo, taas oo sida ay IRIN sheegtay uu u sheegay ninka lagu magcaabo Cabdi Geesey in ay sugayaan taakulayn.

Warkaan oo ingiriis ah ka akhri cinwaanka hoose:
Over 40 Killed in Renewed Fighting in Bardhere


WARARKII SHALAY

WARAR IS KHILAAFSAN OO KASOOBAXAYA DAGAALKII BAARDHEERE

Febraayo 18, 2002 | SOMALITALK

Warar ay SomaliTalk soo gaarsiisey hay'adda wararka ee HANA ayaa sheegay in Baardheere ay gacanta kudhigeen Ururka SRRC marakay saacada Soomaaliya ahayd 3:30 galabnimo (Feb 18). halka ay hay'adda Reuters ay Muqdisho kasoo werisey in isbahaysiga Dooxada Jubba ay saacado dagaalsocdey kadib waaberigii qabsadeen magaalada, waxa kale oo Reuters sheegtay in Qaramada midoobey ay shaqaalehiidi si kumeel gaara uga daadguraysay magaalada Baydhabo, taas oo lagu macneeyey taxadar. Waxaa warka Reuters intaas kudaray in 36 qof ay dagaalkaas kudhinteen labada dhinacba.

Mar SomaliTalk ay dib u uweydiiyeen xaqiijinta warkaas, ha'adda HANA waxa ay kujawaabeen in magaalada ay gacanta ugujirtey ururka SRRC, xilligaas oo Soomaaliya ay u ahayd Galab.

Weli majiro hadal kasoo baxay labada dhinac ee dagaalku halkaas ku dhexmaray.

Dhanka kale warar kale ayaa sheegaya in maanta gelinkii dambe uu dagaalku kasocdey meel duleedka ka ah magaalada Baardheere, taas oo dhimashada iyo dhaawaca labada dhinacba ay aad ubadanyihiin.

Warkii Reuters - [U.N. Evacuates Some Staff as Somali Clans Fight]

Warkii HANA hoos ka akhri

MAGAALADA BAAR DHEERE OO GACANTA UGASHAY URURKA SRRC

3:30PM Ayay magaalada Baardheere gacanta u gashay ciidamada daacada u ah ururka SRRC oo fahigooduyahay Magaalada Baydhabo.

Wariye katirsan wakaalada wararka ee geeska africa - HANA - Mr. David Imanyara oo booqasho kutagay Magaalada bardheere ayaa muujiyay in dhibweyne kadhacay meeshaas kuna tilmaamay magaalada baardheere in ay noqotay meelo ay isu dabamareen dagaalo.

Waxaa warkaan SomaliTalk soo gaarsiiyey:
Horn of Africa News Agency
Somalia Desk
International Press Centre
Phone:254-2-316606
Chestre Hse - Nairobi Kenya
sniffer@gt.co.ke

WARARKA KALE EE MAANTA


COL JAAMA CALI JAAMAC OO MAANTA SAFAR UGU BAXAY GOBOLKA SOOL

madaxwaynaha dhawaanta lagu doortay shirkii garoowe col Jaamac cali Jaamac ayaa saaka subaxnimadii safar hawleed ugu baxay degaanka gobolak sool ee magaalad baran, waana markii uu horeeysay ee uu safar hawleed ugu baxo tan iyo markii la doortay, waxaan safarkaasi ku wehiliyey masuuliyiin ka tiran dawladiisa iyo odayaasha degaakaasi.

col jaamac waxuu safarkiisa ku soo mari doonaa magaalda Qardho oo uu shirar hoosaadyo kula yeelnaayo dadka degaankaa.

dhanka kale waxaa warar u dhow dhow sheegaayaan in col jaamac uu halkaasi u aday si uu uga dhaadhiciyo dadka degaanka in aan col cabdulaahi soo marin degaankaa oo aanun weerar ku soo qaadin magaalada boosaaso.

C/risaaq shiikhaduun

QORAAL UU SOO SAARY GUDOOMIYA GOBOLKA BARI EE CABDULAAHI YUUSUF TAAGEERA
Ref: X.M.G.B 147/2002 Date 18/02/2002

KU: Dhamaan Hay'adaha Samafalka iyo NGO-da ee Fadhigoodu yahay Gobolka Bari.

OG: Xarumaha sare ee Hay'adaha Fadhigooda Nayroobi, Kenya.

Ujeeddo: La socodsiin.

Waxaa lagu wergelinayaa dhamaan Hay'adaha Samafalka iyo NGOyada Fadhigoodu yahay Gobolka Bari in aanay la shaqeyn, islamarkaasna shirar la yeelan Jaamac Cali Jaamac iyo Kooxda uu wato ama kuwa sheegta inuu magacaabay.

Sidoo kale waxaa lagu wergelinayaa inay la shaqeyaan Maamulka Gobolka Bari oo ayan jirin Hay'ad uga sareysa Gobolka oo sharciya, iyadoo la tixraaca qoraaladii Isimadda ay ku cadeynayeen in wax maamul dhexe aanu ka jirin Gobolka Bari.

Sidaa awgeed idinkoo ka warqaba in Maamulka Gobolka Bari uu yahay Maamulka sharciga ah ee la isku raacsan yahay, isla markaasna magacownaa khilaafka siyaasadeed ee Puntland ka hor, waxaan mar labaad la idin farayaa inaad fulisaan oo aad ku dhaqantaan awamiirta Gobolka Bari.

Fiiro Gaara.

Ciddii fulin weyda amarka Gobolka Bari waxay la kulmaysaa talaabada ku haboon oo sharciga waafaqsan.

Wada shaqeyn wacan

Guddoomiyaha Gobolka Bari
Ibraahin Cartan Ismaciil

ISHA: C/risaaq shiikhaduun xaqudirir2@hotmail.com

WARaRKII HORE EE PL

Ninka Aduunka ugu dheer oo noqday Soomaali


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety