GUDOOMIYIHII IIGU YAABKA BADNAA!
WQ.
C/xakiim
Axmed guled | guledhakim@yahoo.com
Stockholm,
Sweden | April 1, 2002
Xaflad si aad u heersareyusa loo soo agaasimay oo
ay ka qeybgaleen ururada ku midoobay dalada Ururuka Isbahaysiga Ummadda
Soomaaliyeed ee Iswiidhan oo gaaraya 31 urur iyo marti sharaf kaleba, laguna
maamuusayey gebogebada kalafadiga 6aad ee Ururka Isbahaysiga Ummadda
Soomaaliyeed ee Iswiidhan ayaa shalay ka dhacay degmada Katrineholm oo u dhow
Stockholm.
Kalafadhigan oo socday inta u dhexeysa 30-31da
maarso 2002 ayaa waxaa ka mid ahaa marti sharaftii
halkaas ka hadashay;
·
Sheekh C/raxmaan Sheekh Muxiyadiin oo ka soo jeediyey
wacdi uu dadkii isugu yimid kalafadhigaas ku xusuusiyey cabsida ALLE.
·
Dr. C/laahi Cilmi Mohamed (Asad) oo ku hadlayey magaca
Somali Center for Water & Environment ayaa soo bandhigay cilmi baaris
uu ka sameeyey kaalinta tiroyarida kheyraadka dabiiciga ah uu ku leeyahay
khilaafaadka Soomaalida. Waxuu daraasadiisi ku cadeeyey in dadku ay isku
ciriiriyeen dhulka qoyn ee labada webi, kana soo hayaameen dhulka qalalan oo uu
u dan lahaa inta badan gobbolada dhexe, waxuu kaloo aaminsan yahay in faqriga ka
dhashay tiro yarida kheyraadka dabiicaga ah uu hooyo u yahay khilaafaadka
soomaalida oo aysan ahayn qabiilka waxa salka u ah dagaalada rayidka ah.
·
Dr.
Saciid Jaamac oo ka yimid London ahna qoraa iyo gudoomiye ku xigeenka Ururka
Qoraaga Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Af-soomaaliga iyo Aayatiinkiisa dambe.
Markuu billaaabey inuu gudogalo aragtidiisa ku aadan Aayatiinka Afkeena Hooyo
ayaa dadkii oo dhami sanqadhii iyo guuxii mararkii hore baxayey hal mar
joojiyeen. Saciid waxuu ujeedadiisa ku soo diyaarsadey waraaq aad iyo aad u
hufan oo uu ka ilaaliyey Afafka qalaad oo dhan isagoo ku akhrinayey cod aad u
macaan oo soo jiitey degaystayaashii, una marinayey sidii geereer oo kale, mar
uu cadeynayay in Af-soomaaligu qani yahay waxuu yiri:
Af-Soomaaligu waa Af hodan ah, gaar
ahaan
dhinaca Suugaanta waxaa lagu tilmaamaa Af aad u balaaran. Soomalida ka
sokow aqoonyahanno shisheeye ah oo ku xeel dheer danaynta, isku taxalujinta, u
kuur galka, iyo lafa-gurka Af-Soomaaliga iyo dhaqankiisa ayaa dhammaantood
arrintaa isla wada qirsan.
Dhanka
kale Cabdi Abshir oo ka mid ahaa Aqoonyahankii ka soo qeyb galay kalafadhigan,
xubin firfircoona ka ahaa guddigii galbanayey ee hore ayaa ii sheegey inuu
hadalkii saciid ka helay 14 erey oo carabi ah iyo 7 erey uu isagu macnahooda
garan waayey. Saciid waxuu hadlayey in ka badan 40 daqiiqo dakuse waxy la ahayd
inuu hadlay oo kaliya 4 daqiiqo.
·
Inj.
Mohamed H. Mooge oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee fara ku tiriska ah ee
ku takhasusay cilmiga Badaha ayaa waxuu soo jeediyey Arimaha Badaha Soomaliya
iyo Xaaladahooda. Waxuu si cilmi ku dhisan u muujiyey dihnaanta badaha
Soomaalida iyo ka faa’iideysi la’aanta jirta. Waxuu walaac weyn ka muujiyey
sunta lagu qubayo badaheena iyo xaalufinta lagu hayo xeebaha u gaarka ah
Soomaalida.
·
Qareen
Xasan Maxamed Cumar (Okio) ayaa isaguna ka hadlay Maxaa naga khaldan oo aanu u
hagaagsan la’nahay Arimaheena. Xasan durbadiiba waxuu ka codsadey Amuun oo ah
suxufiyad ka socotey Radio Sweden qeybta Af-Soomaaliga inaysan waxba ka duubin
si uu dadkii halkaa yimid uga dherjiyo sida uu wax u arko, waxuuna isticmaalay
waan (is-fogaareynayaa), Amuuna way aqbashay, dabbadeedna waxuu ku nuuxnuuxsadey
sida ay aqoon yahanka Soomaliyeed aysan fursad ugu helin ka qeyb qaadashada
xalinta arimmaha murugsan ee Soomaalida, sidoo kalana waxuu deyro ka muujiyey
xal soomaaliyeed oo dhow, gaar ahaan shirka Nairobi. Mar uu ka waramayey ad
adeyga dadka soomaaliyeed ayuu waxuu sheegay in Dr. Xirsi Magan iyo kooxdiisa ay
xitaa ku soo dareen Af-Soomaaliga ereyga Mahadsanid oo aan horey soomaalida
isugu mahad celin jirtin. Dhanka kale dad badan ayaa aaminsan oo uu Sh.basdhiir
Amaan ka mid yahay in Soomaalidu ay lahayd ereyo u dhigma amaba ka qiimo badan
mahadsanid oo kala ah:
Axsantu, ILLAAHAY ha kuu kaalmeeyo, Alle hakuu gargaaro iwm.
Marti shafartii kale ee
aan Soomaalida ahayn ee halkaas ka hadashey waxaa ka mid ahaa:
·
Gunnar
kraft oo ka Socday Isbahaysiga Forumsyd kana hadley sida iyo cida ay
kaalmooyinta siiyaan waxuuna xusan labbo mashruuc oo ay ka kala wadaan Gaalkacyo
iyo mid loogu magac daray Xabada ku bedelo Kubad oo Muqdisho ka socda.
·
Murat
artin oo ka socday xisbiga biddixda, xubina ka ah golaha shacbiga Iswiidhan,
waxuuna si aad iyo aad ah ugu hadlay siyaasada guracan ee mareyka kuna wajahan
Carabta, waxuuna hada ka hor soo hor dhigay baarlamaanka Iswiidhan soo jeedan (mooshin)
lagu Taageeraayo Soomalida.
·
Micheal
Hagberg oo ka socday xisbiga talada wadanka haya ee Shaqaalaha ayaa hadalkiisu u
badnaa inay muhiim tahay in Soomaalidu siyaasada iyo waxbarashada ka wada qeyb
qaataan, gaar ahaan waxuu farta ku fiiqay doorashada xagaaga dhacaysa.
Waxaa maalintii labbaad
saacadaheedii dambe kalafadhigu gudogaley ansaxinta gudiga cusub oo ay soo
diyaariyeen golaha dhexe ee Ururka Isbahaysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Iswiidhan,
waxaana gudoomiye cusub loo doortey dhakhtar Yacquub Aadan Cabdi oo ka shaqeeyo
Isbitaalka Hudinge ee Stockholm, halka gudoomiye ku xigeena loo doortey
Cabdi-mahdi Axmed Warsame oo horey u ahaan jirey gudoomiye ku xigeen.
Waxyaabaha
isoo jiitey waxaa ka mid ahaa shir gudoonka kalafadhigan oo ka koobnaa 3 qof oo
midi ahayd gabar da’yar lana yiraahdo Ismahaan C/laahi, Dr. C/laahi Cilmi
Warsame iyo C/laahi Xasan Dhaqaale sida ay u maamuleen oo ay xakamaha ugu hayeen
shirka, run ahaantiina wuu ka heer sareeyey dhamaan shirarkii noociisa oo kale
ahaa ee ka dhici jiray wadankan sweden marka laga eego sida yaabka leh ee ay
dhalinyaradaas u agaasimeen ururadii faraha badnaa, iyo marti sharaftii kala
duwaneyd ee ka soo qeyb galay. mar aan wax ka weydiiyey sida ay suurta galka ugu
noqotey inay majarha ugu hayaan shirka waxay Ismahaan ii sheegtay in Soomaalidu
u bislaatey hab-maamuuska shirarka.
Waxaa
mucjiso igu noqday hogaamiye Soomaaliyeed oo lix sano wax soo maamullayey oo eed
la’aan, hufnaan, eex la’aan, jacel iyo hamuun ay u qabeen inuu jagada sii
hayo ay uga marag kaceen ururadii ku midoobey Daladdaan oo uu masuuliyada u
hayey Ibraahim Buraalle. Waxaa hadal qiiro iyo boohinba ay ku dheehan tahay ka
soo jeediyey Cabdi Abshir oo ka mid ahaa guddidii galbanaysay , waxuuna ku
sifeeyey Ibraahim Buraalle saddex sifo oo uu yiri anigu bulshadii isoo
barbaarisay kuma arkin waana Dulqaad balaaran, Run sheegnimo iyo Daacadnimo xad
dhaaf.
Ibraahim buraalle isaga
ayaa iska casilay jagada gudoomiyanimada, waxuuna ku saleeyay in Isbahaysigu u
baahan yahay dhiig cusub madaama uu isaga 6 sano soo hayey, waxuuna balan qaadey
inuu la shaqeyn doono guddiga cusub. Hadiyo fara badan ayaa la gudoonsiiyey
Ibraahim waxaase isoo jiitey markii la gudoonsiiyey Ubax uu calan ka dhex taagan
yahay oo aan anigu is lahaa markii hore waa calankayagoo Cawaalle, laakiin
noqdey calankii Iswiidhan.
C/xakiim
Axmed guled
Stockholm,
Sweden
guledhakim@yahoo.com
FAAFIN: SOMALITALK.COM | April 1, 2002
|