SOMALITALK.COM
E.S.L
Waa bog aad k helikartid macluumaad ku saabsan ESL (English as a Second Language)
www.esl.net
TOEFL
Waa bag aad kahelikartid macluumad kusaabsan TOEFL (Test of English as a Foreign Language)
www.toefl.org
BILICDA SOOMAALIYA
Si aad waxbadan uga ogaatid bilicda Soomaaliya iyo khayraadka ku duugan Guji halkan
IS-XISAABI
Is-Xisaabi inta aan lagu xisaabin
Fadlan Guji halkan
BBS PRESS
Bayaano Beelaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle
Guji/Click
QALIN JEBIN
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000.
Guji halkan
Hambalyadii 2000
URURKA MSSU
MSSU waa ururka midowga ardada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota.
Guji halkan: 2001
June2000 | May2000
MUSLIMIINTA USA
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka
Guji halkan
MUSLIMKA MINNESOTA
Muslimiinta Minneapolis MN Talo ayay u baahan yihiin
Guji halkan
SALAADIHII CIIDDA
London, CA: Adha | Fitri
Minnesota: Fitri | Goobta
TAARIIKHDA LAGAMA BEENSHEEGO
Guji halkan

| Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA MINNESOTA
Qoyska Marxuum Cali Warsame Cali oo Kufaraxsan Baaritaanka FBI ay Dib u Baareyso Dhimashadii Marxuumka

Qoraalkii AMY MAYRON | Pioneer Press | Minneapolis, MN, USA
Tarjumadii SomaliTalk | Nov 17, 2001 | Ramadan 2, 1422

English Version - Read here

Warar aan kasoo xiganey wargeyska Pioneer Press ee kasoo baxa Minnesota ayaa tibaxay in qoyska Soomaaliyeed ee uu kageeriyoodey Marxuum Cali Warsame Cali ay weli rumaysanyihiin in geeridii marxuumka ay sababay dembi kadhashay nacayb ayna hadda ku faraxsanyihiin in FBI ay baareyso sidii uu marxuumku u geeriyoodey.

Marxuumka oo da'diisu ahayd 66 jir waxa uu  dhintay 22kii Octobar, 2001, hal toddobaad kabacdi markii galab Axad ah lagahelay meel basaska lagaraaco ee Magaalada Minneapolis. Qoyskiisa iyo jaaliyadda Soomaalida ee labada magaalo ee mataanaha ah [Minneapolis/St.Paul] waxa ay rumaysanyihiin in nin caddaan ah uu sooweeraray marxuumka, tan oo ku xiriirsan nacabka kadhashay Sept. 11 xaalada shakiqabka ah ee kuwajahan Muslimiinta.

Booliska Minneapolis mahelin wax muujinaaya in Cali laweeraray, sidaas waxaa yiri afhayeenka booliska, laakiin ay siiwadayaan baaritaanka. Qof arintaan arkayey ayaa toddobaadkan sheegay in uu arkay in nin ballaaran oo caddaan ah uu Cali wajiga kafeeray. Qofkaan cusub ee goobjooga arinta u ahaa [arkayey] ayaa sababay in FBI-du xaaladda dib u eegaan.

Qoyska Cali siweyn ayey uga calool xumaadeen baaritaankii [dhimasha marxuumka], waxana ay yiraahdeen boolisku waxa ay iska dhegatireen dadkii goobjooga u ahaa arinta kuwaas oo bilowgiiba u sheegay in ay arkeen weerarka, waxa kale oo qoysku ka xumaadeen in aanba booliska gebi ahaanba iyaga [waa qoyska'e] laba soo xiriirin.

"Waxaan ku faraxsanahay baaritaanka FBI-da" sidaas waxaa yiri Cabdi Warsame oo ah wiil uu dhalay marxuum Cali. "Waxaan aaminsanahay waxa goobjoogu sheegay. Waxaan aaminsanahay in dembi-nacaybeed ay ahayd sabatii uu u dhintay aabahay" ayuu ku daray Cabdi hadalkiisii.

Baaritaankii[yahanadii] daawada, kuwaas oo weli sugaaya jawaabtii baaritaanada lagusameeyey marxuum Cali, waxa ay [Cabdi] Warsame u sheegeen in aabihiin u dhintay dhimasho caadi ah, lagayaabee wadnaha oo istaagey, ayey yiraahdeen. Warsame wuxuu intaas ku daray in uu arkay nabar [dhaawac] wajiga aabihiis kuyaal iyo in ay dhakhaatiirtu u sheegeen in aabihiis uu sidoo kale lafta madaxa ay lahayd jabniin.

Qof kasocda FBI ayaa subaxdii Khamiista waraysi su'aalo weydiin ah la yeeshay Rev. Larry Wesley oo shaqo [part-time] ugu shaqeeya Catholic Charities, tan oo kutaal kasoo horjeedka meesha basasku istaagaan ee Cali taagnaa. Wesley waxa uu yiri in uu arkay nin wajiga kudhiftay Cali taas oo Cali uu dhulka kudhacay, xoogaas uu dhulka ugu dhacay oo sababay in jirka Cali kor ugasoo boodey dhulka.

Wesley wuxuu arkay ninkii oo cararay iyo laba qof oo goobjoogayaal ah oo isku deyaya in ay cayrsadaan ninka. Wesley wuxuu ku orday in uu caawino Cali, kaas oo markaas merganayey [margasho] oo mantagaayey [hunqaacid], iyo in [Cali] uusan kalagaranayn waxa dhacay.

Wesley wuxuu yiri wixii aan arkay waxaan u sheegay sarkaal Booliis ah, waxaana siiyey tilman qiyaas ah (mugdikujiro) ee ninkii [cararay] iyo in uu sarkaalka u sheegay sida uu ulasoo xiriiri karo. Sarkaalkiina wuxuu Wesley usheegay in uu lasoo xiriiri doono haduu waxkale uga baahdo.

Wesley, oo yiri ma daawado Televisionka ama ma akhriyo wargeysyada, ma ogeyn in Cali dhintay ama ay arintani heerkaas gaartey. Jaaliyadda Soomaalidu waxay qabteen bannaanbax laba maalmood ka bacdi dhimashadii Cali, taas oo 400 oo jaaliyadda ay  kabannaanbaxeen dembiyada-kadhasha-nacaybka [hate crimes].

Warbixintii Radio UNO ee Talyaanigu uu kasoo diyaariyey Soomaaliya GUJI...
Qof kashaqeeya Catholic Charities ayaa Wesley tusay qoraal kuqoraa wargeys oo kusaabsanaa dhimashadii Cali, nin Soomaali ah oo agjoogey ayaa maqlay Wesley oo maarkaas dhehaya waan arkayey weerarkaas. Qof ayaa lasoo xiriiray goob wararka, kadib markii sheekadii Wesley labaahiyey ayaa FBI laxiriirtay isaga [Wesley].

Paul McCabe oo u hadlayey FBI ayaa sheegay in qareenka guud uu FBI-du in ay arintaan baarto u timaamay, si ay u baaraan in arintaan ay la xiriirto nacayb kadhashay maxsulkii Sept 11. FBI waxay arintaan kalashaqaynayaan Booliska Minneapolis.

"Waxaan dib u eegeynaa xaqiiqada sabatoo ah macluumaadka cusub" ayuu yiri [Paul], wuxuuna kusiidaray "Anaga waxaa waajib nagu ah in aan sida saxda samayno. Waxaan dareenay in ay mas'uuliyadana tahay in aan arintaan [baaritaanka] kaqaybqaadano."

 -Dhammaad-

Qoraalkaan waxaan kasoo xiganey wargeyska  pioneer pless Wargeyskaas ayaana leh xuquuqda qoraalka.

Qoraalkan oo Af-Ingiiisi ah ka akhri cinwaanka:
MINNEAPOLIS Family glad FBI is investigating Somali's death

SOURCE: pioneerplanet.com | November 17, 2001


Wararkii hore Marxuum Cali Warsame Cali
Marxuumka oo kudhintay Cisbitaal kuyaal magaalada Minneapolis
Warka oo dhan... [Minnesota ] Oct 25

Updated: 2001-11-17
BY SOMALITALK.COM TEAM


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MASJIDKA ABUBAKAR
abubakar Mashruuca Masjidka Abubakar
Warbixin kusaabsan halka uu marayo Mashruuca Abubakar As-Saddique ee Minnesota Ka akhri halkan
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaaLondon, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN

XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV



Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety