.


Home | Free Webs | Your Email | TellFriend | Search | Feedback | | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK NEWS
ISLAM Siiro Saxaabad Sako
QURAAN»  Xaafid Xaj Ciid.Adxa 
Qurbaha Students Guurka EAU
HTML TAARIIKH QUIZ SAMAFAL
. Kulankii Soomaalida London, Canada
. Macluumaadka Bilaha iyo Cimilada
XAYAYSIIS

Ciida Ehelkaaga lacag ma u dierysaa, hadii jawaabtu haa atahay, adeegso xawaalada DALSAN oo ah shirkad caalami ah oo lacagta ehelka kuugu gaarsiindoonta degdeg iyo qiime macquul ah: GUJI HALKAN si aad u aragtid xafiiska kuugu dhow

Ciid-Al-Adxa  oo Kubeegan  22, 2, 2002

[10, 12, 1422 Hijra]

Warar aan kasoo xiganey Masjidka Khaalid Bin Waliid ee kuyaal magaalada Toronto ayaa shaaca ka qaaday in Bishii Carrafo ay dhalatay 13kii bishan Febraayo, sidaas daraadeed ay maalinta Carrafo ku beegantahay Khamiista soo socota ee taariikhdu tahay 21ka, maalinta ciiduna ay noqondoonto Jimcada febraayo 22, 2002, insha Allah.

Qoraalkii masjidka khalid waakan hoos kuqoran isagoo Soomaali iyo Ingiriis ah:

Af-Soomaali

Walaalayaal Bishii Carrafo waxay dhalatay Maalinkii Arbacada ee ay bisha Febraayo ahayd 13-ka,2002. Sidaa awgeed maalinka Khamiista ee Febraayo 21-keeda waa maalinka Carrafo, Ciidul Adhadana waxay ku beegan tahay maalinka Jimacaha oo ay bisha Febraayo tahay 22-ka,2002 inshaa Allah.

Waxaan Allaah Cazza Wajalla inooga baryayaa inuu naga aqbalo camalkeenna suubban, Aamiin.

Taqabalallaahu Minnaa Waminkum Saalixul Acmaal.

Wassalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.ads

 

English Version 

 Eidul Adha Announcement:

 Assalaamu Alaikum Warahmatullaahi Wabarakaatuhu Based upon confirmed reports that reached us from Makkah, Wednesday February 13,2002 is the first day of Dhul-Hijjah. Therefore, Thursday February 21,2002 is the day of Arafa(wuqooful Arafa) and Friday February 22 is the day of Eidul Adha, inshaa Allah.

May Allah accept our good deeds.
Taqabalallaahu Minnaa Waminkum Saalihul 'Amaal.   

Source: Khalid Mosque, Toronto, Canada

Febraayo 15, 2002 | SOMALITALK.COM

SAFARADII XAJKA 

MACLUUMAADKA BILAHA IYO CIMILADA  


Jadwalka Taariikhda Islaamka

Taariikhda sannadka Islaamku waxaa lagu tiriyaa bisha (ama dayaxa). Waxaana uu ka koobanyahay 12 bilood kuwaas oo bilwalba tiradeedu ay ku xirantahay dhalashada bisha. Badanaana sannadka islaamku wuxuu noqdaa 12 x 29.53=354.36 maalmood. Taas oo kadhigeysa sanndka Islaamka mid 11 maalmood katiroyar sannadka miiladiga ama taariikhda looyaqaan "Gregorian".

Sannaadka Islaamka waxaa sal u ah Aayadda Quraanka ee suurada "Al-Tawbah" ee macneheedu yahay "Tirada bilaha Eebe waa Laba iyo Toban kitaabka Eebe dhexdiisa tan iyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana kamid ah afar xurmo (gaar) ah leh...." [9:36].

BILAHA SANNADKA ISLAAMKA


1. Muxarram 7. Rajab
2. Safar 8. Shacban
3. Rabi'c al-awwal  9. Ramadan
4. Rabi'c al-thani 10. Shawwal
5. Jumada al-awwal 11. Dhu al-Qic'dah
6. Jumada al-thani        12. Dhu al-Hijjah

Bilaha Islaamku waxay bilaabmaan marka bishu soo baxdo, taas oo ah in la arko bisha. [Eeg bogga muujinaya khariida bisha.

Xisaab ahaan bilaha Islaamka waxaa lagu qiyaasaa in ay kudhamaadaan 30 ama 29 maalmood.

Sannadka Islaamka oo loo yaqaan Hijra waxa uu bilaabmay markii Nebi Muxammad (scw) uu ka haajirey Maka oo u haajirey Madiina, taas oo ku beegnayd sannadkii 622 ee miilaadiga , qiyaastii [16 July C.E. 622].

Ma rabtaa in aad tirada carabiga u bedeshid Roomaan, ama tirada Roomaanka u bedeshid Carabi, Guji halkan

Qoraalkaan kala xiriir: html@somalitalk.com

SOURCE/ISHA: GUJI HALKAN

2001-10-27 | Updated: feb, 15, 2002

SOMALITALK.COM

Tixraac: al-islam. | webexhibits | moonsighting


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety