XOOLO DHOOFKA DEKEDA BOOSAASO BISHAAN ARAFO
Dekeda magaalada boosaso
ayaa waxaa ka dhoofay shixnado Xoolo nool ah oo u kala dhoofay dalalka yemen, Cuman, iyo Dubay.
Tirada Xoolaha dhoofay ayaa ah Geel 2000kun (awr/Rati), Lo' 40kun oo Neef, Ari 2000kun Neef. Waxaan arigaas Loo raray Dekedaha Cumaan , Mukula (cadan) iyo Imaaraadka carabta,
waana shixnadihii ugu badnaa ee sanadkaan ka shiraacda dekeda magaalad boosasao Tan iyo inta la xasuusanyahay .
Mid ka mida gancsatada Xoolaha aadka uga dhofsha dekeda magaalda Boosaaso oo lagu magacaabo CabdiXakiin cismaan Xuseen (Shoolaqo) oo aan kula kulmay xafiiskiisa, isagoo xiligaa ku jiray hawl xoolo saarida ah, ayaa ii sheegay in xoolaha bishan dhoofay ay ka baadn yihiin laba jibbar inta sanadkaan oo dhan dhoftay, Laakiin Cabdixakiin sholaqo waxuu sheegay in qiimo dhaca wayn ay sandkaan kala kulmeen taasoo uu sheegay in sanadkii hore ay siisan jireen halkii neef oo ari ahaa #50$ ama 40$us
laakiin uu sandkaan gaaray qiimahii 25$Doolar Ilaa 20doolar taasoo aad dareemi karto qiimaha hoos u dhacay. Mar aan wax ka waydiiyey Cabdixakiin wax manfac oo laga helaayo waxa uu kaga Jawaabay in aaney jirin balse
ay rabaan oo keliya in ay helaan lacag adag oo ay ku soo gataan badeecooyin taaso ay ka helayaan faaido waxuu kaloo sheegay cabdixakiin in dalka sucudiga oo ahaa siilad ugu balaaran oo loo rari jiray ariga ay xirantahay ilaa xiligii lagu edeeyey Soomaaliya cudurka Rifty Vally,
taasoo dalalkii la mid ahaa ay noo fureen gancsigii xoolaha .
Dekeda oo aan iyada Booqasho ku tegay waxaa ku xiran in ka badan 30 Donyood oo uu xiligaa ku socday rar Xoolo qaadis ah iyo maraakiibta nooca xoolaha qaadistooda logu talagalay.
Dhanka kalale, xeryaha ariga laga raro oo wax yar ka baxsan magaalada waxaa dhoobnaa shixnado ari ah oo dadka iska lahaa ay la sugaayeen in ay raraan ama saaraan doonyaha (maraakiibta).
Caafimaadka xoolaha la raraayo oo aan wax ka waydiiyey mid ka mid ah dhaqaatiirta xoolah baarta ayaa ii sheegay in sanadkaani uu yahay sanadii ay ugu caafuimaadka badnaayeen xoolah puntland, wuxuu sheegay in sanadkii hore mar mar lagu arki jiray Cudurka Burseelka Boqolkiin labo neef laakiin Sandkaan ma jirto ayuu yiri dhaqtarkaasi.
Warbixintii cabdirisaaq shikhaduun
Bosaso
xaqudirir2@hotmail.com
Febraayo 16, 2002
Daawo Bilicda Xoolaha Soomaaliya
MA'OGTAHAY
Xoolaha Soomaaliya oo isugu jira geel, lo'
iyo ari, Qiyaas ay ku samaysay Qaramada Midoobey hay-adda u qaabilsan cuntada iyo
beeraha (F.A.O) sannadkii 1967, waxay sheegtay in xoolaha nool ee Soomaaliya
ahaayeen 10.6 million. Kuwaas oo ka koobnaa:-
- 2,800,000 Neef - Lo'
- 2,500,000 Neef - Geel
- 2,100,000 Neef - Ido
- 3,300,000 Neef - Riyo
Waqtiga qiyaastaas kore lasameeyey (1967), tirada dadka Soomaalidu waxay ahay
4.5 million. Waqtigaas Soomaalidu boqolkiiba lixdan (60%) waxay ku tiirsanaayeen
xoolaha nool. [EEG HALKAN
CIIDII CARAFO OO KUBEEGAN JIMCADA FEB 22 Insha Allah.
Febraayo 16, 2002 |
SOMALITALK.COM
SAFARADII
XAJKA
MACLUUMAADKA
BILAHA IYO CIMILADA
Jadwalka Taariikhda Islaamka
Taariikhda sannadka Islaamku waxaa lagu tiriyaa bisha (ama dayaxa). Waxaana uu ka koobanyahay 12 bilood kuwaas oo bilwalba tiradeedu ay ku xirantahay dhalashada bisha. Badanaana sannadka islaamku wuxuu noqdaa 12 x 29.53=354.36 maalmood. Taas oo kadhigeysa sanndka Islaamka mid 11 maalmood katiroyar sannadka miiladiga ama taariikhda looyaqaan "Gregorian".
Sannaadka Islaamka waxaa sal u ah Aayadda Quraanka ee suurada "Al-Tawbah" ee macneheedu yahay "Tirada bilaha Eebe waa Laba iyo Toban kitaabka Eebe dhexdiisa tan iyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana kamid ah afar xurmo (gaar) ah leh...." [9:36].